Home » Faallo »

Eastleigh (Islii) Dhalaal iyo Dhooqo (2) !!!

Horudhac :

Waxay aheyd juun, 2004 markii ugu horeysay ee aan imaado magaallada Nairobi, kiinya.

Waxaana markii aan ku degay xaafadda Caanka ah ee Eastleigh oo Soomaalidu ku garan ogtahay Islii.Waxaa i soo jiitay Gabdho Soomaaliyeed oo wada Xijaaban oo wada dhalaalaaya oo aanan arkin muddo Sanooyin ah ilaa markii aan wadanka Soomaaliya ka soo tagay sanadkii 1989, oo waagaas uu xijaaku u koobnaa oo kaliya Gabdhaha wadaada ah maxaayeelay taliskii Militariga ayaan ogoleyn in la xijaabto.

Waxaan u soo joogay ayagoo Gabdhaha wadaadada ah iskuulada laga eryo marka ay soo qaataan Shaati Gacmo dheere ah ooy wagaas qaadan jireen.

Waxaa kaloo Islii aan ku arkay Daaro waaweyn oo Qurux badan iyo Jidad Burbursan oo Dhiiqo ah iyo Qashin meel kasta daadsan, taas oo igu bixisay in aan Saaxiibkay C/qaadir Gurey aan ku iraaho markasta  waa maxay Qashinkaan faraha badan may iska xaaqaan ? mey Jiddakaan burbursan dhisaan? miyeysan ogeyn intaasi u soo jiideyso Ganacsigooda horumar ballaaran.

Toddobo sano kadib ayaan ku soo noqday Xaafadda Easleigh (ISLII )Bilicdii Xaafdda waxaa ku soo biiray Hoteello Caalami ah sida Grand Royal Hotel,  Nomad Hotel,  Al-madina Mall, DD Plaza iyo kuwa kale oo fara badan.Se Jidadkii waa sii xumaadeen siiba jidka  1aad & kan labaad oo ah jidad barbaro ah oo mara dhexda Islii,una kala socda waqooyi iyo koofur jidadkaas aad iyo aad bay u burbureen kuwa kalena kama fiicna sida kan 12 oo magaalada aada.

Dhiiqadii iyo Dooqadii waa caadi haddii uu wax yar oo roob ah da’o, Busta iyo siigaduna waa caadi markii aan roob jirin, intaas waxaad ku dartaa Bulaacadihii Musqulaha oo marba qaar soo butaacayaan oon urtooda aan loo adkeysan  karin, Qashinka waa caadi in meel kasta lagu tuuro dhalo,bac,qashinkii guryaha, kuwii maqaayadaha, garaabaddii Jaadka  IWM.

Maagaalo joog xumo:

Xaafadda Islii waxay kaloo caan ku tahay Magaallo joog xumo ballaaran , waxaa laga yaabaa in adigoo iska   socda dhabarka lagaa taabto ayadoo lagu weydiisanaayo taakuleyn ama tuugsi , markaas ayaad naxaysaa adigoo is leh xaggee lagaaga yimid, intaas waxaa laguugu darayaa ayadoon lagaa hadhin oo mudo lagu eryanaayo adigoo xataa yiri Allaah ha noo sahlo.

Waxaad kaloo Magaallo joog xumidaas ku dartaa in aan wax saf la dhaho aan laga aqoonin kiinya oo dhanba , waxaa dhici karta adigoo adeeg ka sameysanaaya meel aad wax ka gadaneyso ama aad lacag ka bixineyso in Ruux gadaashaada ka yimid kaa hormaro ama ku dardaro taasna uusan dhib u arkin, waxaase ka sii daran Ruuxii

Meherada joogay in uusan kaa celin ee uuba asagii ku soo jiiray kaa hormariyo oo arrimihiisii u dhameeyo.

Haddii aad ku tiraahdo aniga ayaa kaa horeeyey wuxuu ku oranayaa caadi waaye, waxaaba ka sii daran haddii aad u dacwooto kii meheredda haystay, dhib ma leh adigaa ku xigga ayuu ku oranayaa, arrinkaas oo dadkeena debeddaha ka yimid dhib weyn ay u arkaan.

Kaamakuja oo MP cusub yeelatay :

Akhristoow waxaa ku cusub Xaafadda Islii in Bishii Agoosto, 8deedii 2011 oo ku aadaneyd Bishii Barakeysan ee Ramadaan in Xaafaddaas ay ka dhacday Doorasho loogu tartamaayo kursi Baarlamaanka ah oo laga qaaday mudanihii haystay markii lagu cadeeyey in uu Doorashadii hore uu ku shubtay.

Kursigaas ayaa waxaa Nasiib u helay in ay isku soo sharaxaan labo in oo Soomaali ah iyo labo Ruux oo kale oo midood tahay haweeney.

Doorashadaas oo si adag loogu ololeeyey ayaa waxaa hurmood ka ahaa labada Musharax ee Soomaalida ah oo kala ah C/raxmaan ( Johney) iyo Yusuf Xasan.

Akhristoow sida taariikhda ah Xaafadda Eastleigh waa meel ay Soomaalidu lahaan jirtay waqtigii Gumeysiga sida markii wadankaasi Xoroobay laga fara maroojiyey.

Haatanse waxaa soo noqotay in ay Soomaalidu noqoto dadka ugu fara badan Xaafaddaas, se waxaa taagan Dadka Soomaaliyeed ma ku laha Sharciga Deganaasha ee loo yaqaano Kibaandhaha taas oo keentay in looga fara badan yahay, Haddii aan si kale u iraahdo Dadka Soomaaliyeed ee degan Eastleigh sharcigooda wuxuu inta badan ku saleysan yahay Gobolka Soomaalidu dagto ee loo yaqaano North Eastern ( NFD) .

Doorashadaan ayaa aheyd mid labada Musharaxa oo kaliya aanay ku tartameynin ee ay u dhaxeyso labada Xisbi ay dalka ugu weyn sida xisbiga talada haaya ee PNU iyo Xisbiga Raiisul wasaaraha ee ODM.

Akhristoow waxaa ugu danbeyntii Doorashadii ku Guuleystay Yusuf Xasan oo noqday Musharaxii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee noqda Mudane Baarlamaanka Kiinya ee ka soo gala xaafadda Kaamankunja oo ay ka mid tahay Eastleigh ( ISLII ).

Mudanaha ayaa khudbaddiisii guusha ku soo Bandhigay in uu wax ka qaban doono labo Arrimood oo kala ah xagga Amniga iyo Hagaajinta Waddooyinka Burbursan.

Haddii taas uu ka dhabeeyo waxay islii mar kale noqon Doontaa Magaallo Dhalaaleysa

Maqaalkayga Seddexaadna wuxuu noqon doonaa ( Easleigh Isliidii dhalaaleysay) .

Waxaan Maqaalkayga ku soo gabagabeynayaa anigoo mar kale ku Boorinaayaa Guddiga Ganacsiga ee Xaafadda Islii in ay wax ka qabtaan jidadka burbursan iyo Qashinka meel kasta daadsan si ay xaafadda bilicdeeda u soo celiyaan.

Halkan ka akhri qaybtii 1aad ee qoraalka oo la qoray 2004

FII AMAANI LAAH

Shiikh Saahid Mohamed yusuf

USA, VA

sahidyusuf@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Eastleigh (Islii) Dhalaal iyo Dhooqo (2) !!! "

  1. Iman mohamud says:

    asc, salaan ka bacdi waxan mahad iyo amaan u jeedinayaaa qoreha qoraalka [ Islii dhalalal iyo dhiiqo] shiik Saahid sida wanagsan ee uu ugu waramay xaalada dhabta ah ee xaafada soomaalidu degto ee Islii.waxan kenya ka imid 2006kii inkastoo aanan islii deganayn hadana waa arin ku dhibaysa inad aragto xaalada caafimad xumo ee ay ku noolyihiin hooyooyin iyo caruur soomaaliyeed oo aan difaac u lahayn inay iska difaacaan cudurada ka dhalan kara wasaqda ay ku dhex noolyihiin, iyadoo ganacsada soomaaliyeed ee jooga Islii ay awood u leeyihiin inaysan dowlada ku halayn caafimaadkoda iyo ganacsigoda ee ay iyagu isku xilqaaman siday taas wax ugu qaban lahaayeen. aad ayad u mahadsan tihiin somalitalk iyo shiikh Saahid.
    Imaan.