Home » Warar »

Reer San Diego ee Mareykanka oo Daawooyin iyo Lacago gaarsiiyey Isbitaalka Hooyada iyo Caruurta ee Banaadir

Reer San Diego ee Cariga Mareykanka ayaa waxay weli wadaan Gargaarkii ay ka wadeen Magaalada Muqdisho oo ay gaarsiinayeen dadka dhibaatada ka soo gaartey Abaaraha , Colaadaha iyo Cudurrada ayaa Deeq isugu jirtay Lacago iyo Daawooyin ayey gaarsiiyeen maanta Bukaanada ku jira Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir

Deeqdaan kala duwan oo ay soo dhiibeen reer San Diego ayey waxay u so wakiisheen Cabdulmaalik Cali Bucol, iydoo inta aysan gaarsiin Deeqdaas Isbitaalka Banaadir ayey waxay ku hormareen Bakhaarada lagu iibiyo Daawooyinka waxaana Sawirada kaaga Muuqda Cabdulmaalik oo Daawooyin kala duwan ka iibinaya Bakaar ku yaal; Xaafadda Waaberi halkaasoo uu ka soo iibiyey Daawooyinka uu haatan u baahan isbitaalka

Markii ay gaareen Isbitaalka ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyey Dr Shaafici oo ka mid ah Dhaqaatiirta ka Howl gasha Isbitaalka Banaadir ka dibna ka Gudoomey Cabdul Maalika deeqdii ay soo dhiibeen Reer San Deigo iyadoo Dr Shaafici uu sheegey in Deeqdaan Daawooyinkaan kala duwan ay ku soo beegmeen Xili ay isbitaalka ka jirto Baahi dhinaca Daawoyinka ah , isagoo u mahadceliyey reer San Diego uguna Baaqey inayhalkaa ka sii wadaan Gargaarka la gaarsiinayodadka Bukaanka ah.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Cabdul Maalik oo isna halkaa ka Hadley ayaa yiri “ Waxaan Daawooyinkaan halkaan uga iibinayey waa anagoo ka carareyna Kharashka faraha badan ee ku baxay keenista Daawooyinkaa kala duwan marka waxaan is Tusiney inaan ka iibino Magaalada Muqdisho sidoo kale baahida ka jirta Isbitaalka waxaan weydiiney Maamulka isbitaalka”

Mudane Cabdimaalik oo ka mid ah Soomaalida ku nool Magaalada San Diego ayaa sidoo kale Bukaanada ku jira Isbitaalka gaarsiiyey Lacago kaash ah oo shilin soomaali oo ay ugu talagaleen Hooyooinka iyo caruurta ku jira Isbitaalka isaga ayaana mid Mid u Gudooniisyey Dadkaas ku jirey isbitaalka sidoo kale wuxuu sheegey in Caruurta Dalka Gudihiisa wax looga qaban waayey uu u raadin doono ama u ololeyn doono Cid gacan ka geysata la Tacaalida Cudurada haya.

Deeqdaas kala Duwan ee la gaarsiiyey Isbitaalka Banaadir waxaa gacan weyn oo aan la hilmaami Karin ka geystey Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Muqdisho Hayada American Relief Agency For the Horn Africa (ARAHA)

W.D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.