Home » News »

Uganda: Kulan ay isugu yimaadeen Beesha Wacaysle Abgaal

Kulanka oo looga hadlayey iskaashiga iyo horumarinta iyo Wax la qabsiga Beelaha Hiraab oo manta ka dhacay magaalada Kampala ee Caasumada Dalka Uganda


Shirkani oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay islamarkaasina ay ka soo qeybgaleen dhamaan beesha Wacaysle Abgaal ayaa waxa ay ahmiyadiisa ahayd wax la qabsiga beelaha Hiraab iyadoo gundhig ay u tahay beesha Mudulood ayaa lagu qabtay Hoteelka weyn ee DAY TO DAY ee Magaalada Kampala.

Kulankani oo ahaa mid aad u balaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay Kusimaha Ugaaska Beesha Abgaal Mudane Maxamuud Cabdulle Kheyre,Kaaba qabiilka Beesha Habargidir Cali Xaaji Maxamud (Cali Sabix) iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen Ganacsato kala duwan oo ay ka mid yihiin Da,ud Xasan Cabdulle, C/lahi X- Abukar (Calisow), Ismaaciil Cabdulle Maxamed Culimada udiin C/weli Aadan Cismaan aqoonyahan,Maryama Cadow Haweenka .

Ugu horeyntiina waxaa nadasha shirka ka hadlay wakiilka beesha Abgaal Sh Muuse Maxamed Cismaan isagoona shegay in shirkani ujedadisa ahayd sidii ay beshu isaga kashan lahayd horumarinta iyo wax wadaqabsiga waxana u shegay in laysku racay sidii si wadajir ah wax loogu wadaqabsan lahaa ama looga shaqeeyo danaha beesha iyo waxla qabsiga beelaha hiraab iyadoo la garabsanayo beelaha Mudulood.
Waxa kalo isana shirkani gobjog ka ah

Ganacsade Daadir M- Maxamed
Kusimaha Ugaaska Beesha Abgaal Maxamed C/le Kheyre
Kaaba Qabiilka Beesha Habargidir Cali Sabix X- Maxamuud
Ganacsade Da,ud Xasan Cabdulle,
Ganacsade C/lahi X Abukar (Calasow)
Culima-udiin Ismaaciil C/le Maxamed
Aqoonyahan C/weli Aadan Cismaan
Haweenka Maryan Axmed Cadaawe
Aqoonyahan C/nuur Maxamed Kediye
Ganacade C/risaaq Maxamed Iidow
Sportska Maxamud Maxamed

Ugu danbeyntii shirkani oo ay ka hadleen masuuliyiin isugu jira ganacsato aqoonyahan iyo nabadoona ayaa waxa uu ku dhamaaday jawi degan iyadoon ay is afgarad wanaagsan ku kala tageen beelihii nadasha shirkaas isugu yimid iyadoona shirkani uu ka danbeeyey kadib markii uu dhowaan socdal ku yimid gudaha magaalada Kampala ee caasumada dalka Uganda Ugaaska Guud ee Beelaha Mudulood.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Kampala Uganda.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.