Home » Warar »

Warsaxaafadeed Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo kormeer shaqo ku tegay Wasaaraddii Gaashaandhigga sheegayna in Dib-u-dhis lagu sameynayo

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna
Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa saaka kormeer
shaqo ku tegay xarunta Villa Baydhabo iyo Wasaaradii Gaashaandhigga,
waxaana safarkiisa ku wehlinayay Qandaraaslayaal Ajnabi ah kuwaasoo
iyaguna u kuurgali karo sida dib u dhis loogu sameyn karo Dhismihii
Wasaaradda oo aan muddo 20 sano ah wax dayactir ah helin.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa kale oo kormeerkiisa ku wehliyay Taliyaha ciidanka
Xooga dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan
ciidanka Nabad illaalinta ee AMISOM, waxayna aad ugu kuurgaleen habka ugu
macquulsan ee dib loogu dhisi karo qeybihii Wasaaraddu ay ka koobneyd
iyagoo gebi ahaanba ku soo wareegay Wasaaradda gudaheeda.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa warbaahinta u sheegay in muhiimada ugu weyn
ee ay maanta u kormeereen dhismaha Wasaaradda ay tahay inay arkaan
baaxada burburka iyo sidii dib loogu dhisi lahaa, wuxuuna tilmaamay in
saraakiisha kormeerkiisa ku wehlinaysa ay yihiin Qandaraaslayaal ka socda
dalal Dibadda ah oo ay maalgelin doonaan dowladdo saaxiib la ah dowladda
Soomaaliyeed, kuwaasoo bixinaya kharashka ku baxaya dib u dhiska Wasaaradda.
“Waad la socotaan Wasaaradda Gaashaandhigga waa halbowlaha
Wasaaraddaha dowladda, waxayna u taagan tahay jiritaanka Qaranka
Soomaaliyeed, oo la’aanteed waxaaba la oran karaa Qaran ma dhisnaan karo,
sidaas owgeed, waxaanu siinay muhiimada koowaad, waxaana rajeyneynaa in
muddo 6 bilood gudahood ah dib loogu dhiso” ayuu yiri Mudane Xuseen Carab Ciise.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.