Home » Warar »

Odayaasha Beelaha Hawiye oo Gaashaanka ku Dhuftey in Soomaaliya Xiligaan iyo Xili u Dhow aan loo Sameyn karin Dastuur

Dastuurka la sheegey in loo sameynayo Dadka Soomaaliyeedayaa waxaa la wadey Sanooyinkii ugu dambeeyey waxaana la dhehi karaa waxa lagu Cuney Malaayiin Doolar dhaqaalahaas ayaa lagu qabtey Siminaaro iyo Tababaro aan waxba ka soo bxin iyadoo dadka qaar ay qabaan in Dastuurka uu yahay mid ay wataan dalal shisheeye kuwaa oo lagu waramey in ay Soomaalia ka leeyhin Danno gaar haaneed Mid ka mid ah dadka loo xilsaarey in ay qoraan Dastuurkaas ayaa ii sheegey in dastuurka Xitaa lagala Tashadey qaar ka mid Wadamada Deriska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya kuwaas oo doonaya In ay wax ka ogaadaan Qodobada Dastuurka si uusan saameyn ugu yeelan Mustaqbalka Wadamadooda Sidoo kale wuxuu sheegey in Xubno Shisheeye ay ka mid yihiin Guddiga la talinta guddiga dastruur kuwaas oo hore ugu soo bandhigey Dastuuro kala duwan kuwaas oo ay leeyihiin qaar kamaid ah wadamada Caalamka iyadoo qaarka mid ah qodobadaas laga soo min guuriyey Wadamada aan isku dhaqan iyo diin ahayn hadaba Suaasha taagan dadka Soomaaliyeed ma aqbali doonaan Dastuurkaa oo qodobo ka mid ah uu ka hor Imaanayo Diinteenna iyo Dhaqankeena Suuban Hadaba Odoyaasha Dhaqanka Iyo Midnimada beelaha Hawiye ayaa waxa ay ka digeyn dastuurka cusub Ee loo Sameynayo dalka waxa ayna ku tilmaameyn Mid kala fogeynaya Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana la doonaya in lagu abuuro Xasarad iyo iska horimaadyo Cusub . Maxamed Xasan Xaad Oo ah Gudoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka Iyo Midnimada beelaha Hawiye Oo waraysi Siiyay Idaacada Kulmiye Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arinta dastuur u sameynta dalka Soomaaliya isagoo sheegey in Dasuurka Cusub uu yahay mid aysan Soomaali wax shaqo ku lahayn Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in xiligaan aysan habooneyn in dalka loo Sameeyo Dastuur Maadaama uu sheegay in DKMG ah Ee Soomaaliya in looga baahan yahay in Amaanka dalka ay Gacanta ku dhigtay ka dib lagudagalo arimaha Dastuurka. Gudoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka Iyo midnimada beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa waxa uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad iyaga danahooda ka hadli kara laakiin uu waxa uu sheegay in arinta dastuurka laga qariyay islamarkaana U jeeda Gaar ah laga leeyahay waxa uuna Sidoo kale shaaca ka qaaday in hadii aan dadka Soomaaliyeed la la Socodsiin uu ku noqonayo Mid kala jabin doona Umada Soomaaliyeed. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad Gudoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka Iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Odoyaasaha Hawiye ay wadaan qorshe ay ku abaabulayaan Shirweyne Qaran Oo ay yeeshaan Dhamaan Bulshada qeybaheeda kala duwan islamarkaana looga hadlo Marxalada dalka Soomaaliyeed waxa uuna Tilmaamay Qodobada kasoo bixi doonaa ay Noqon doonaan Mid dan ugu jirto Shacabka soomaaliyeed. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.