Home » Warar »

Deeq lacag ay soo Direen Jamaacada Masjidka Ibnu Cutheymiin ee Dalka U.K. gaar ahaan Xaafadda Leicester oo la Gaarsiiyay qaar ka mid ah Barakacayaasha Abaaraha

Deeqdaan ay iska soo ururiyeen Jamaacadda Masjidka Ibnu Cutyeymiin ee Dalka Ingiriiska gaar haan Xaafadda Leicester ayaa waxay ugu tala galeen in ay kala qeyb qaatan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateeysan oo waxyeeleeyeen Abaaraha Dalka ka jira.

Qeybinta Deeqdani lacagta ah ayaa waxaa loosoo Wakiishay Sheekh Cabdi wali Muuse in uu gaarsiiyo Dadka dhibaateeysan oo ay Abaaruhu waxyeeleeyeen.

Cadad ahaan lacagta ay soo direen ayaa waxay gaaraysay $2000 (Laba kun oo Doolar kaliya) lacagatani oo loo Badalay Shilin Soomaali loona qeybiyay Qoysas gaaraya ilaa 100 Qoys , iyada oo loo qoondeeyay qoys waliba lacag dhan 300,000 Shilin Soomaali ilaa 400,000 Sh.So hadba sida loo arko ineey u kala mudan yihiin halka kuwa qaarna la siiyay lacag intaa ka duwan ma ahan markii ugu horeeysay ay jamaacada Majidka Ibnu Cutheymiin ay deeq lacag soo direen ayagoo deeq midaan la mid ah soo diray dabayaaqadii Bisha Ramadaan.

Halkan kadaawo masiro dheeri ah

Waxaa xusid mudan inta qeybinta lagu guda jiray gudiga in ay la kulmeen nin Shil gaari ku waxyeeloobay oo ay Maskaxdiisu daadaneyso taasoo si gaar ah gargaar loogu fidayay sida aad ka rakeysaan sawirkan iyada oo la gudoonsiinayo $50 (kontan Doolar iyo 500.000 Shilin Soomaali) si caafimaad ahaan ugu kaalmeysto .

Qoysaskii Deeqda lacagta la gaarsiiyay ayaa Allaah u mahad celiyay iyo walaalahii sabab u noqday iney soo gaarto lacagtani , iyagoo Alaah ugu baryay Aduun iyo Aakhiro inuu wanaag ugu Abaal mariyo.

Ugu danbeeyntii Masuulka Deeqda loo soo wakiishay ayaa isna u “mahad Celiyay Allaah ka dibna Jamaacada soo dhiibtay Kaalmadan lacagta halka uu ugu Baaqaay dhamaan Qurba Joogta iyo Muxsiniinta in ay ku tartamaan kheyrka si uu Alaah ugu abaal Mariyo Sadaqada ay Bixinayaan Maanta Maalin ay kaga Baahi Badan yihiin’’

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.