Home » Warar »

Doorashada Denmark iyo soomaalida

Wadanka Denmark waxaa ku nool soomaali lagu qiyaaso ilaa 12000, waxaa 10kii sano ee ugu dambeeyay ay talada wadanka Denmark ay gacanta u gashay xisbi gacanta bidix ah oo jaal la noqday xagga siyaasada xisbi xag jir ah oo aad uga soo horjeeda joogitaanka ajaanibta ee Denmark, gaar ahaan soomaalida.

Waxay adkeeyeen helitaanka daganaashada wadanka, dad isu keenidda sida xaaska iyo ehelada kale iyo qaadashada dhalashada wadanka.

Wadanka Denmark waxaa shacabka ay u dareeri doonaan 15ka bishaan waa maalinta khamiistee in ay doortaan ciddii matali laheyd afarta sano ee soo socoto, waxayna Soomaalida cid walba ay hadal hayaan doorashada dhici doonto khamiista iyaga oo rajeynaya in aysan soo noqon dowladda maanta talada haysa.

Doorashada baarlamaaniga ah ee khamiista dhaceysa waxaa shacabka Soomaaliyeed u sharaxan ANNA RYTTER oo ah siyaasiyad u dhaxday nin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xasan Wardheere.

ANNA RYTTER waxa ay hooyo u tahay labo wiil oo Soomaali ah, intaa waxaa u dheer waa muslimad.

ANNA RYTTER waxay u sharaxantahay xisbiga la yiraahdo Enhedslisten Ø.

ANNA waxay mudadii ay xubinta ka aheyd siyaasadda degmada Odense wax badan la qabatay dadka soomaaliyeed ee ku nool magaalada Odense, sidoo kale waxaa ay gaarsiisay codka ajaanibta iyo rabitaankooda golaha looga arimiyo degmada.

 

Caaqil Maxamed Faarax Ciise oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee magaalada Odense wuxuu ugu baaqayaa dhammaan bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Denmark in ay codkooda siiyaan ANNA RYTTER.                                                                                             

Garyaqaan Ahmed-haadi Muhumad Ahmed oo ka mid ah aqoonyahanka Somaaliyeed ee ku nool Denmark, sidoo kalena u dooda xuquuqda ajaanibta ee wadanka Denmark ayaa wuxuu isguna bulshadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa guud ahaan in ay codkooda siiyaan axsaabta u dabacsan dadka soo galootiga ah, wuxuuna si gaar ah ugu boorinayaa in ay codkooda siiyaan ANNA RYTTER oo ka tirsan xisbi u dooda danaha ajaanibta, marka haddii aynu nahay Soomalida wadanka ku nool ANNA RYTTER waa musharaxeena ee qof walboow codkaada ha kala bakheylin ANNA RYTTER oo ururkeeda lagu magacaabo ENHEDSLISTEN Ø.

Fadumo Halane
fadumo8@hotmail.com
Odense Danmark

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.