Home » Warar »

Golaha Wasiirada DFKMG oo Yeeshay shir ku saabsan fulinta habraaca sanadka 2011 /2012 “Roadmap”

Waxaa shir aan caadi aheyn isugu yimid xaruntooda Golaha Wasiirada, shirkaas oo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ayaa looga hadlay qodobo  ay ka mid yihiin soo afjaridda marxaladda KMG ah iyo fulinta habraaca sanadka 2011 /2012, arrimaha maamul goboleedyada, sidaas waxaa shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG oo u qornaa sidan:


Jamhuuriyadda Soomaaliya

Xukuumadda Federaaliga KMG ee Soomaaliya

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Ref: XRW/OM/PR 0051/09/11 Date: 11 September 2011

Warsaxaafadeed

Muqdisho, Axad, September 11, 2011—Waxaa maanta shir aan caadi aheyn isugu yimid xaruntooda Golaha Wasiirada, shirkaas oo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin soo afjaridda marxaladda KMG ah iyo fulinta habraaca sanadka 2011 /2012, arrimaha maamul goboleedyada iyo u diyaar garowgka wafdiga ballaaran ee ka imanaya dalka Turkiga.

Ugu horreyntii golaha waxey tacsi tiiraanyo leh u dirayaan mudane Cabdi Warsame Isaaq oo ku geeriyooday magaalada London ee carriga ingiriiska, waxeyna ilaahay oga baryayaan inuu u naxariisto, jannatul firdowsa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan kasiiyo.

Intaas kadib, Golaha Wasiirada waxey ka doodeen sidii loosoo afjari lahaa maraxaladda KMG ah, loona fulin lahaa habraaca marxaladda sanadka 2011/2012, qodobkastana xilligiisi uu u fuli lahaa, goluhu wuxuu si gooni ah u faaqiday qodobada ubaahan inla fuliyo 19 September oo ay ka mid tahay, soo saarista go’aan siyaasadeed oo ku aadan geedi socodka samaynta dastuurka, samaynta guddiga khubarada ah oo dib u eegis ku samayn doona qabyo qoraalka dastuurka iyo samaynta guddiga wadajirka ah oo kasoo tala bixin doonaa qaababka loo ansixin doono Dastuurka.

Golaha Wasiirada waxey si buuxda isugu raaceen inay ka yeeshaan go’aan cad geedi socodka samaynta dastuura waxeyna kusoo koobeen qodobadan soo socda:

1. Dawladda Federaalka KMG ah waxey magaacabeysa guddi khubara Soomaaliyeed ah, kama danbays September 19, 2011 oo dib u eegis ku sameeya qabya qoraalka dastuurka kadibna soo gudbiya qabyo qoraal dastuur oo dhamaystiran. Guddigu wuxuu noqonayaa mid loo wada dhan yahay oo cidna aysan ka maqnayn hadii ay ahaan lahayd xagga qabiilka, iyo gobolada, dumarku waxey noqon doonaan ilaa 4 hadii ay tiradu 9 tahay, waxey kaloo noqon doonaan ilaa 6 hadii ay tiradu tahay 15.

2. Guddi wadajir ah oo ka kala socda dhamaan dhinacyada kala duwan oo ka kooban 15 xubnood ayaa waxaa lasoo magacaabayaa muddo aysan ka danbayn 19 September 2011 si loo diyaariyo qaabkii lagu ansixin lahaa qabyo qoraalka dastuurka.

3. Guddiga khubarada Soomaaliyeed waa inay shaqa galaan xilli aanan ka danbayn isbuuca hore ee October 2011, si ay ubillaaban wadatashiyo dhinacyada kala duwan oo ku saabsan arrimaha xukunka baahsan iyo federalismka iyo dhamaystirka arrimaha lagu kala duwan yahay kama danbays xilliga October 19, 2011.

4. Laga billaabo isbuuca 1aad ee October, Wasaaradda Dastuurka iyo Dibuheshiisiinta waxey billaabaysaa wadatashiyo guud oo ku saabsan dastuurka iyadoo adeegsanayso raadiyaha, TVyada, masraxa iyo isku imaatinno kale oo ka dhaca magaalooyin iyo gobollo kala duwan.

5. Shirka 1aad ee ku saabsan dastuurka oo dhexmaraya dhinacyada kala duwan oo lagu qabto Garowe dhamaadka October 2011. Shirkaas wuxuu noqonayaa mid ka mid ah shirar badan oo ka dhici doona magaalooyin kale duwan oo dalka gudihiisa.

6. Laga billaabo November 2011, guddiga khubarada oo la qabanaya kulamo wadatashiya ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed, dumarka, bulshada rayidka ah, iyo ganacsatada si ay oga helaan talooyin wax ku ool ah.

7. Bisha November 2011 dhexdeeda, Wasaaradda dastuurka iyo dibuheshiisiinta waxey si rasmi ah u horgeynaysaa baarlamaanka codsi ku saabsan inla billaabo qaabkii Axdiga KMG ah wax looga badali lahaa sida uu ula jaanqaado geedi socodka samaynta dastuurka.

8. Guddiga Wadajirka ah inuu billaabo diyaarinta qaabkii lagu ansixin lahaa dastuurka November 2011, sida aysan oga daba marin xilliga loo qabtay ansixinta dastuurka ee KMG ah oo ah January 2012.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada waxey dood dheer ka yeesheen arrimaha maamul goboleedyada iyo qaabkii dawladda u dhiirra gelin lahayd maamul goboleedyada hadda jira ee waafaqsan axdiga KMG, gobolada kale oo nabadda ahna dawladda waxey diyaar u tahay iyadoo bulshada kaashanaysa inay la samayso maamul isla markaasna waxey ku dhiirra gelinaysaa bulshada iney samaystaan maamul waana inay waafaqsanaadaan axdiga Federaalka KMG ah oo dhigaya maamul waxaa samaysan kara laba gobol iyo wixii ka badan oo ka tirsan 18 kii hore ee dawladda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Golaha wuxuu warbixin ka dhageystay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo ka warbixiyay sidii loogu diyaargaroobay wafdiga ballaaran ee khubarada Turkiga ah ee dalka dhawaantan imaanaya.

-DHAMAAD –

+252615615536608 +252699998854 media@opm.gov.so ayarisow@opm.gov.so Mogadishu, Somalia

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.