Home » Faallo »

Ogeysiis: Barnaamijka Falanqaynta SomaliChannelTv – Talaado Oct 11, 2011

Ogaysiiskaan ku Saabsan Barnaamijka Falanqaynta oo taladaada ku saabsan Goaankii baarlamaanka iyo xadaynta Badda, Qodobada uu ka koobnaan doono ayaa waxaa kamid ah.

1- Go’aankii Baarlamaanka malaga yaabaa in sida uu yahay loogu Hogaansamo.

2- Dawladaha u hanqaltaagaya Badda Soomaaliya iyo Xubnaha Dawlada ee hawlahaan wada maxaa laga yeelayaa.

3- Malaga yaabaa in ROADMAP-ka laga saaro qodobka xadaynta Badda mar hadii Baarlamaanku diiday heshiisyada ku saabsan Badda Soomaaliya. FG:(Golaha wasiirada DFKMG ayaa Talaado Oct 11, 2011 go’aamiyey in arrimaha badda sida EEZ laga saaro Roadmapka)

Waxaana barnaamijku si toos ah uga bixi doonaa SomaliChannel, Talaado, saacada 8:00 fiidnimo waqtiga London, UK.

Emailka TV-ga su’aalaha iyo talooyinka loogu hagaajin karo waa: Falanqaynta@dhacdooyinka.com

Linkigaan qaado Muuqaalka ah.

http://www.youtube.com/watch?v=SiopT1VijHI&feature=player_embedded

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Ogeysiis: Barnaamijka Falanqaynta SomaliChannelTv – Talaado Oct 11, 2011 "

  1. Maaxa says:

    Waxaan halkaan uga mahad celinayaa Allaha weyn ee sababay in uu indiku soo duwo dariiqa toosan. Mar labaad waxaan u mahad celinayaa dhamaan shaqaalaha webkiina (somalitalk). Sidookale waxaan mahad gaara u celinayaa Xasan Cade oo soo bandhigay barnaamij waxku ool u ah uamada Soomaliyeed, waxaanan Eebe ka rajaynayaa in ay dadbadan (websides) idinku daysadaan halka ay qabiilka, cadiifada, isnceybka, kala qoqbida umadda Soomaliyeed ku Mashquulsan yihiin, amaba ay taageeraan kuwa umada xasuuqa ku haya ama dad dana gaara kaleh dadlka iyo dadka soomaliyeed. Waxaa xaqiiqa in taariiqdu xusi doonto qofwalba oo danbi ka gala umada soomaliyeed ama wanaag u fala umada soomaliyeed,bada soomaliyeed, hawada soomaliyeed iyo bariga soomaliyeed. Somalitalk waa webka kaliya ee u dooda xuquuqda umada Soomaliyeed. Waliba waxaan dowlada Sooomaliyeed ka codsaneeynaa in abaalmarin lagu siiyo iyo waliba aqoonsi dhinaca saxaafadaa si dadbadani ugu daysadaan. Hadaanu nahay shacabka Somaliyeed inagaa awood uleh Alle kasowkoow inaan kala saaro warbaahinta dhibaatada soomaliya dabada ka riixayso iyo waliba kuwa u ololeeya in shacabka soomaliyeed helaan xuquuqooda. Fiiro gaara, waraysiyadii ugu danbeeyay ee laga siidaayay Somalitalk iyo somali chanel waxay wax ka badaleen xaraashii laguhayay shacabka Somaliyeed hantidooda. Somalitalk Guuuuuuuuuuul ayaan kuu rajeynayanaa. Halkaa kasiiwada dadaalkiina Eebana ha idinla garab galo.

  2. kingfaysal says:

    Asc inta dabadeed go’aanka ay maantay gareen golaha wasiirada waxay tuseysaa wax qabadka warbahiinta xorta ah oo ay ugu horeyso somalitalk. Xaqiiqdii waxay ku tuseysaa hadii si wadajiir ah loo wada dhaqaaqo lana mujiyo caqli fiyow oo ka badbadey qabyalad in wax badan la qaban karo, marka waxay ila tahay in la sameyo gacdoon dadweyne kaas oo lagu radinayo dawlad wadajir ah oo ay ka muqdaan niman iyo dumar wadaniyiin ah sida bahda somalitalk oo kale.

  3. Shahmaad says:

    Marka hore eebe ayaa mahad u sugnaatay. Marka xigga waxaa i faraxgaliyey markii aan maqlay markii ugu horeysey xamaasadda gashey Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo waliba go’aanka wadda jirka ah oo ay ka gaareen qodabka Badda. Taas waa wax wanaagsan oo leh ifafaallo wanaagsan oo ka soo iftiintay shacabka Soomaaliyeed iyo waliba horjooyaashooda. Waxaan leeyahey wali fari kama qodna oo arinka kuma xirna Madaxweeyne, PM, amaba baarlamanteeriyaan toona ee wuxuu ku xiranyahay iney soo noqoto wadaniyadii lagu aqoon jiray shacabka soomaaliyeed oo ay waliba ka dhiidhiyaan, dacdaradda, karaamadaradda, ceebta, liidnaanta, awood la’aanta ku habsatay wadankeenii hooyo. Ummaddi way simbirixataa, balse waxaan la qaadan karin inaysan is daba qaban. Soomaaliyeey is daba qabta oo isku daba qabta wacdiga alle, walaalnimadii, wadaniyadii,
    Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan leeyahey “Nin lagu seexdow ha seexan – Xil baad sidaa Ha seexan”. Ilaahy SWT waxaan uga barayaya ummadaan inuu daba qabto oo tubta toosan ku hago – cadowga dhaw iyo kan fogba inuu eeb ka qabto, Iyagana ilaahey burcad quulubtooda isu mariyo dhammaantood, si ay u gartaan, gutaan waajibaad wadanka ku leeyahey amaba ay iyagu isku leeyihiin, Amiiiiiiiiiin

    Shahmaad