Home » Badda »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…


DFKMG oo soo saareysa Sharci Lagu Tirtiraayo xeerkii Badda Soomaaliyeed ee Law no. 37 ee 1972
Xukuumadda FKMG oo 19-ka December 2011 ka Tanaasuli doonta Xeerkii Badda Soomaaliya ee soo jirey 40-sano

Go’aamadii ka soo baxay shirkii “wada tashiga” ee ay soo qabanqaabisay Qarammada Midoobey, laguna qabtay magaalada Muqdisho (August 4 – 6, 2011) ayaa waxaa kamid ah in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono xuduud badeedka Soomaaliya ee loo yaqaan  “EEZ” (Exculisive Economic Zone) ama “Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah”.

Qodobkaasi waxa uu meel ka dhac ku yahay xeerka u degganaa Qaranka Soomaaliyeed muddo 40 sano ah, xeerka Law no. 37 ee 1972 oo si cad u qeexaya in Soomaaliya ay leedahay DHUL-BADEED (Territorial Waters), dhul-badeedkaas oo cabirkiisu xeebta ka durugsan yahay 200 mayl-badeed. Sidaas daraadeedna Hadalka aan meesha qaban ee ku qoran qodobada ka soo baxay shirkii Muqdisho waa oraahda “Exclusive Economic Zone” EEZ (Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah).

SII AKHRI….

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

250 Jawaabood " Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii "

  1. Sujuud says:

    Salaamulahi Calaykum
    Hadii uu hor ujiray sharciga xadaynta Badda Somaliya, pm´C/weli wuxuu si cad u sheegay in Somalidu u baahantahay inay aqoonsato xad badeedka ay leedahay, taas micneheedu miyuusan ahayn in uusanba aqoonsanayn xad Badeedkii Somaliya oo uu hada doonayo inuu xad badeed cusub sameeyo?
    Bahda Somalitalk waa inay hada bilaabaan aruurinta talaabooyin sharci ah oo noo banaan inaan qaadno haday dhacdo in qoladaan wax laga saxiixdo.
    Mahadsanid
    Sujuud

  2. Waddaniyad says:

    ASC

    Waxaan mahad iyo duco u soo dirayaa nimankan ‘somalitalk’ qoraa, khayr Allah ha idiin siiyo, waxaan carro iyo ciil dusha uga turayaa nimanka ‘dawlad isku sheeg ah’ ee u taagan har iyo habeen inay xaraashaan dhulkayaga iyo baddayada, bal ma
    iyaga keligood ku takrifalayaa, malaayinta Soomali ee guda iyo dibad ku nool, maxay moodeen? Allah idin doori, ee walle waanu iska kiin celin !!

    Labadaa sanno ee sheekadan jirtay, kolba been bay noogu sheekayaan, sida: Badda Soomaliya sharci maleh, ee dadka baddayada biliqaysanayaa ee sunta ku shubayaa iskama celin karno, ilaa sharci 12Nm loo sameeyo, MA CARUUR BAY U SHEEKAYNAYAA?

    Somalitalk way ku mahadsanyihiin sida hufan ee hagar la’aanta ah ee ay u soo faqeen shirarkii iyo sharciyadii hore ay dawladda Somaaliya samaysteen, iyo sida ay horey iska yurayeen shisheeyaha doonayey inay ummadda duudsiyaan xaqooda badda ah. Salaam Calaikum

  3. Sujuud says:

    Salaamullahi Calaykum
    Marka hore ilaah ayaan uga mahadcelinayaa dhamaan nimcada uu ugu nimceeyey qofkasta oo aduunka joogta.
    Waxaan mahad ballaaran u celinayaa bahda SOMALITALK waxaana leeyahay walaalayaan waad mahadsantihiin ee dadaalkiina sii badiday.
    Arinta Badda somalia iyo mu,aamaradaha socda aniga cabsi badan ayey igu haysaa aad ayaana uga welwelsanahay, waxaana kacabsanayaa dadka siyaasadeena hor bodayaa in aysan ahayn dad lugu aamini karo masiirkeena amaba ay yihiin dad labaayaci karo.
    Walaalayaal waxaan idin saxuuxinayaa in sababta looleeyahay dowlada halaga saaro kmg-ka waxaa qayb ka ah in wixii larabo laga saxiixdo, waxaana kamida badda iyo in shirkado kale oo lugu wareejiyo hanti kale oo ummaddu leedahay.
    Waxaase hubaal ah inay jiri doonaan rag/dad damiirkooda aan labaayici karin oo ku xisaabtama wax kasta oo laga saxiixdo somalia inta ay tabaryartahay ( waayo mashaqeeyo qof /qaran daciifa oo xoog wax looga saxiixdo)
    Waad mahadsantihiin
    Sujuud

  4. C/wali dinix says:

    Assalaamu calaykum wa raxmatulaahi
    Salaantaas qaaligaa waxaan u hibaynayaa dhammaan umadda muslimiinta aa wanaaga jecl marka xiga ha ogaadeen kuwa aqoon darrida iyo hunguri xumada isku darsaday ha ogaadeen inaysan u suura galayn damaca shisheeyaha ay kor kacayaan waxaan leeyahay taariiqda ha iska xumaynina kuwa shisheeyhaha waxan leeyahay haddaad aragteen kuwo aan damiciinna waalan ka hor imaanayn wali soomaamida waxaa u nool rag iyo dumar marna aan ka tanaasulayn xaqa ay leeyihiin soomaalidu ninka tuhunsan soomaali baa tabar yaroow aan talo ku siinnee waree war hooy timir laf baa ku jirta

  5. Waxaan mahad ucelinayaa ilahaa nasiyay buqcada aan ku leenahay dhulka. intaas kadib waxaan mahad balaaran ujeedinayaa somalitalk oo runtii aad moodo inay siaad ugagubaneeso arinta bada somaaliyeed . intas kadib waxaan aqriyay dhamaan warbixinada laxariiro bada ee ku qoran website somalitalk waxaa fajiciso igu ah in nin masuuliyad sheeganaayo uu saxiiixiisa iyo waraaqihii uu qoray ey mesha kujiraan oo waadix yihiin hadaba waxaan rabaa in somalida fahanto dadka prof hebel iyo dr hebel lagu haayo inaysan kanexeen kana damqaneen dhulkooda iyo dhibaatada heesato mida haduu yahay safiir waa tuuk haduu yahay raisulwaare waa tuuk haduu yahay wasiir waa tuuk waxaa laga raba baarlamaanka halka guuta inay difaacaan qaranka iyo qeeraadkisa waxaan larabaa in ragaan maxkamad lasaro, dadka somaliyeed waxaan kula talinaa inaysan hoos isku eegin ay kaor iska eegaan wabilaahi towfiiq.

  6. Acs marka hore waxan kumahad celina wagaradka somalitalk oo nasiiyay jaaniska aniga waxan u arka bada somalia in lagu sodulay sida biriga logu so dulay marka waxgaradka somaliyeed wax hakaqamto iyo barlamanka shacabka somaliyeed waxay ka murigeysan yiin bada la xadeyhayo

  7. waxan rajaynayaaa baarlamnka somaliya way difaaci doonaan badda somaliya saaan uga baranay,, tankale aniga waxan taageerayaa raga u ololaynaya arintaas bada in labxiyo maxkamad hala soo taaago mana aqbali doono in hal santi biyaha somaliaya laga saaro low 37 inta uu ku qorayo,,

  8. xasan sheekh says:

    asc waxaa nasiib daraa in dkmg ahi ay is indha tirayso oo ay ku socoto wado qodxo badan. bal xagee beey ka dhoohan yihiin hadii lagu xujeeyay inaysan ka gudbi karin kumeel gaar ilaa ay ka hirgaliyaan barnaamijka roadmapka taasoo ay mar walba dkmg ahi ku an dacooto cidna hishiis lama gali karno inta aan nahay kumeelgaar oo doowlad waliba albaabaday inaga xiranaysaa hadaba marka dhulkaaga iyo badaada la boobabayo maxaa lguugu ogol yahay inaad saxiixdo oo saxiixaagu ansax u yahay anigu waxaan oron lahaa baroortu orgiga ka weeyn timirna lafbaa ku jirta.

  9. Maxamed Aden says:

    Marka hore waxaan aad u salaamayaa mahad celin balaadhana usoo jeedinayaa dhamaan hawl wadeenadada Somalitalk oo aan leeyahay ilaahay haydinka abaal mariyo if iyo aakhirba sida fiican eed noo baraarujinaysaan iyo wadaninimadaad samayseen kolay waana mid ay idinku xusi doonto taariikhdu intaa kadib hadii aan wax ka idhaahdo xeerkan la leeyahay waa la samaynayaa ee badda somalia Baarlamaanka waxaan leeyahay ummada somaaliyeed maanta idinkaa matala ee ama god ku rida oo ummadiinaa aad aragtaan dhibta ay ku jirto hororadaa qaybsanaya u adeega ama go’aan geesinimo leh ka qaata oon ku koobnayn badda oo kaliya ee barri iyo cir iyo inkasta oo xuduud soomailyeed ah ku jirto, Ninka lagu magacaabo Shariif Sakiina waxaan leeyahay goormaad dullinimada iyo u adeegida shisheeyaha ka bixi doontaa mise jaahilnimadaad cadaysatay ayaa heerkaa kaa maraysa markay dadkii dhiigoodii iyo burburkii hantida ummadu kugu filnaan wayday inaad baddiina u gudubto waar ilaahaaga ka cabso waa hadii iimaan kugu hadhay oo aduunyadana magac xumo ha qaadan aakhirana cadaabkii rabbi baa jiree ka dhawrso hadii kale adiga iyo meel xun baa is leh ,, shariifka iyo ra’iisal wasaare ku sheegana waxaan leeyahay idinka horta hadalba idiima banaana idinka oo ku meelgaadh ku jooga ayaad umaddii sidan u galaysaana idinka oo dawlad shacab soo doortay ahna soo habeen cad namaydaan iibiseen waar shacabka soomaaliyeed uu idin barta waana lakala bartay cada qaataha iyo wadaniga waxaanan leeyahay ummaddiina nabsi haka galina oo inuun bal wadaninimo iska baadhbaadha kolay iska heli maysaane midna aan idiinku daro waar raggii idinka horeeyey waxay ka xishoodeen inaad idinku ku kacdaan ka dhawrsada oo haday somalia nabsi ka gashaan goor uu idin qabtaba waa idin qaban anakuna diyaar baanu u nahay wadankyaga inaanu difaacano oo wallaahiya oo billaahiya waxaanad nagu khasbaysaan inaanu dagaal wadaninimo ah idinla galno oo nimankaa indhaha xidhana ay inaga dhex faa’idaystaan ee ummadda ha kicinina wabillaahi tawfiiq…

  10. Cumar says:

    ASC,
    Digniin,
    Waxaan ka digayaa sinnaba iyo kollaba in aan la aaminin ducufada sixiixday ”roadmap” iyo kii MOU waayo xilli waxbaa laysu hoos geliyay lagu andacooda ma joogno, dadkuna aqoon, garaad iyo ilbaxnimo kuma yara taasi waxay ka dhigantahay ina ay ulakac u sameeyaan danbiyada ay naga galayaan bal eeg sida qaalibka ah waan gefnay ma yiraahdaan goorta xujada lagu caddeeyo wayse u qiil raadiyaan sii dardargelinta hadimooyinka guracan oo ay nala maagan yihiin, hadaladooda waa kuwa is naqdiya oo aan beentaba ka xishoonin, WAY NALA JIRAAN WEYNA NAGA JIRAAN.
    Sow kuwan shir kastaa ka sheegaya ma ah inay ka go’an tahay hirgelinta “roadmap” siiba (xadeynta badda) ayagoo inkiraaya in aynaan horeba u laheyn sharci cayimayay oo qeexaya halka xadkayaga gaarsiisan yahay kaa oo si buuxda caalamka noogu aqoonsanaa.
    Dibuloomaasiyadda, iyo xilka darajooyinka ay matalaanba waxaad moodaa in aynaan la fahmi karin “ double game” laba wejiilenimada ay ciyaarayaan iyo inay yihiin danjirayaal shishiyeeye cadaw ah oo weligii ay ku weyn tahay in dunida guudkeeda magac qaran somaaliyeed oo karaamo leh laga waayo. “INNA MACALCUSRI YUSRAN“, cirririga waa laga bixi oo la xisaabtami., balse fursad waa jirtaa kii is-beri yeelaya oo hadda is-xisabanayow.
    Soomaali ayaan ahay xaduudaheyga badda iyo dhulkaba waa lagama hadlaan lama taabtaan, qofkii ama kooxdii daneynaynaysa wax ka beddelideeda wax aan ka aheyn kordhin sharci ah kaa yeelimaayo. Ogow Illaahii Moxamed xaqa ku soo saaray ayaan ku dhaaratay waan iska kaa dhicinayaa adiga iyo Alshabaabba anoo Allaah iyo dadkega ay garab ii yihiin.

  11. kulmiye says:

    Arrinta Soomaaliya waa mid u baahan dad wax garad ah oo isla markaasina ah muwadiniin Ilaah yaqaan.
    Khayraadka badda waa mid aan abaar noqon xilli kasta halka ay barta iyo beertba ay ku xiran yihiin xilliga roobka. Sidaas awgeed waa arrin naxdin leh in si fudud loo dayaco hantida iyo khayraadka Ummadda Soomaaliyeed.
    Waxaan ku tali lahaa in wax garadka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba in ay iskaashadaan oo ay qaadaan tillaab alla oo ay ku joojin karaan arrintaas naxdinta leh
    Mahadsanidiin

  12. A/calaykum,
    mar aan aqriyey waqti hore boggaan Somalitalk waxaan ka aqriyey maaqaal cinwaankiisu ahaa bada Soomaaliya oo iib ah hada waxaa ii cadaatay in ay run tahay ka dib markaan aqriyey waxaan loogu yeeray ROAD MAP ka dibna aan dhegaystay waraysiga raisul wasaaraha uu siiyey SomaliChanel waxaan aaminsanahay hadii laga hadlaa bad Soomaaliya in aysan ka hadli karin dadkaan hada sheegta in ay Soomaaliya wakiil ka yihiin ee waxaa mudan in ay ka hadlaan bada Soomaaliya dadka uu ugu dhalinta yaryahay (C/risaaq Xaaji Xussen (RAISULWASAARIHII hore ee Soomaaliya)

    Mhadasanidiin Somalitalk

    Dahir Ali Ahmed (Dahir madobe)

  13. Mohamed Jama says:

    Waxan la yaabay hadal aan fahmi waayey oo ka soo baxay ra’iisal wasaare Abdiweli Ali Gaas.
    1-wuxuu yiri ma jirtao bad la xadaynayo waxaan ka ogahayna ma laha.
    2-wuxuu yiri Baddeena waa nagu qasab inaan ognahay in xad ay leedahay si aan u ogaano in maraakiib sharci darro ah ka kallumeystaan.
    Labada qodob way is burinayaan waa marka kowaade carada dadka somaliyed ayaa lagu deminayaa wax xadeyn ah iyo heshiisyo ma jiraan.
    waa marka labaade waxaa uu iska tajahulinayaa in heshiis jiro isla markaana marna sooma uu qaadin Somali teritorial waters iyo sharcigii 1972.
    Isagoo ku cel,celinaya waa inaan xadkeena garanayno..
    yaabku wuxuu yahay sow imminkaba xadkeena lama yaqaano,..
    Hadalka ra’iisal wasaaaraha wuxuu huwan yahay shaki weyn..

  14. Bilqeyr. says:

    waxan salaamayaa dhamaan wadaniyiinta soomaaliyeed ee jecel in ay difaacan baddooda iyo dalkooda gaar ahaan somalitalk.

    waxan jeclahay in aan dhiibto fikradeyda oo iska soo dabanaqatay anigoo jecel intii karaankeyga ah in aan wax ka difaaco badda somalia.

    maanta Ra’isulwasaaraha kumeelgaarka haddii uu leeyahay badda la iibsanayo waxbo kama jiraan waa in uu la yimaadaa cadeymo in ay somaliya baddeeda loo xadeyn karin 12mayl oo ay xaq uleedahay intii hore oo aheyd 350mayl in udhiganta waxan ka codsanayaa halgamayaasha dalka ee aan xusi doono sida faarax qare cawad cashara iyo intii uhalgameysa badda oo idil.

    marka faarax qare waxan ka codsanayaa in uu ka miro dhaliyo sidii uu uga saxiixi lahaa ninkan cabdiwali gaas iyo waxii la halmaala haddii ay beeninayaan warkaas waa in ay la yimaadan cadeymo warkaas beenineysa oo dadka qancisa si aan ujoojino mudahaardka aan ka wadno somalitalk.

  15. Aslaamu Calykum

    Dhibka jiraa waxaa weeye, nimanka sheegaya in wax la bedelayaa aanay jirin miyaa la rumaysan karaa? Haddii saxiixu dhaco, iyaga hadalkooda maanta muxuu tarayaa? Dhibaatada inta laga hor tegi karo in laga hortago weeye. Inkiraadooda maanta waxba macno samayn mayso hadii Baddeenii la qaato maxaan iyaga ka qaban karnaa? Xitaa haddii kuligood aan ridno, ma istaahishaa inaynu daafsano badda? Waa maya. Hadaba, arintan intay daba qabashada leedahay in la daba qabto weeye.

    Aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin Somalitalk raggiina maamula. Soomaali maalin ayay idiin abaal gudi doontaa haddii Alle idmo.

  16. yuusuf says:

    scww aad iyo aad ayaan ugu mahadinayaa walaalaha reer somalitalk waxaan idinleeyahay walaalayaan anagu waxaan idinku cawin karaa inaan idin garab istaagno oo aan idin dhiirigalino waa shey dabiiciya aqoonta looma sina ninwaliba meel buu ka jogaa waxaan oran karaa reer somalitalk abaalkii uu wadanku ku laha way guteen.
    hal talaana waxan u soo jedinayaa dowlada shariif bada maxaa uga bidhamay shariifka iyo wasiiradiisu ma waysanba aqoon in nin cad wax lagu diidi karo war isku xishooda oo damiirkiina ha gadina reer somalitalk waxaaan leeyahay war dowlada aqoon dari bahsan baa ka muqateen bal wax u bidhansha

  17. Shirwac says:

    Sida kaliya e badda Soomaaliyeed lagu bad baadin karo waa in lagu daro dartuurka soomaaliya xuduuda dhabta ah ee badda.

    Hadii uu baarlamaanka wadaniga ah ay ku guulaystaan inay kudaraan qabyo qoraalka dastuurka xuduuda bada inay gaalo oo dhan heed ku xiri doonto damacooda gumaysiga ku salaysan.

    Waxaa xusid mudan in dalka Peru dastuurkiisu lagu qorey xuduuda badooda oo ah tan soomaaliya oo kale 200NM.

    Guul baan idiin rajaynayaa inaad ku guulaysataan Difaaca bada qaybta 2aad

  18. deeply concerned somali
    Arrinta khiayaamada qaran shirkii wada tashiga ka dib waxaa xataa la sii mariyey shirkii Copenhagen(arag warmurtiyeedkii shirkaas) ayadoo ra’iisulwasaruhu markuu ka hadlayo arrimaha copenhagen lagu soo qaaday usan soo qaadeen marna eezone-ka oo runtii aha ulajeedada ugu weyn ee road map-ka. Nasiib darro warkii wasiirka kallumaysiga ee barlamaanka ka horsheegay in an seychelles lagu soo qaadin xadaynta badda iyo ka aamusida prmier-ku in arrintaa lagu soo qaaday oo copenhagen waxay muujinayaan in arrinta loo fulinayo si ka qatsoon somalida.
    talodaydu waxay tahay in barlamaanku si cad u goáamiyo in
    dowladu si buuxda faraha ugala baxdo arrinta badda,
    in gabi ahaanba road map-ka laga saaro qodobka eezone-ka
    in lagu adkaysto in an somaliya oggolaanayn cidna kala hadlayn arrinta badda ilaa la helo dowlad somali oo rasmi ah, leh khubaradeeda badeed, sharciyeed iyo siyaasadeed haysatana waqti ku filan,

  19. ASC/WW.

    NIMANKAAN MASUULKA ISKU SHEEGAAYO WAXAY KU DHAARTEEN IN AY SI DAACAD AH UMADDA UGU SHAQAYNAYAAN BALSE NASIIB XUMO WAXAY NOQDEEN KUWO U SOO TAFA XAYTEY WAXAY BADBAADIYAAN DHAAF E IN AY INTII NABDOONAYD CADAW FARAHA U GELIYAAN WAAYAAB WAR AAWAY DADKAAD U DHAARATEEN INAAD BADBAADINEYSAAN ,AAWAY DIINTAAD U DHAARATEEN INAAD KU DHAQMEYSAAN, AAWAY DALKAAD MASIIRKIISA HAYSEEN MA WAXAAD ISU BEDESHEEN LIBAAXYO KELIGOOD DOONAYA INEY NOOLAADAAN???

    WAAYAAB ILAAHAY SOOMAALI HA BADBAADIYO !!!!!

  20. Acwb bahda somalitalk waxad qabanysaan mireheedu waa bada oo ladifaaco waxaan idinku tilmamo magaran karo balse waxaa sax ah inaad tihiin muwadiniin dalkoodii algu so dulay.

    markaan dib u egnay sharciyadii dalka ee dhinaca bada hashiisyadii calimiga ahay ee dawladeeni dhimatay iyo waqtigii an kamurugooday hashiiskii is afgarad ee cabdirahman cabdi shakuur saxiixay waxan somali meel kasta oo ay joogto udiri lahay baaq ah mar laheshiiyaba somali wa heshiin ee midnimo hantideena qaranka aan ku donano yana ukala harin….

    ku tageera somali talk hiiöl iyo hoo maskaxda iyo qalinku wax socod siya bey ubahanyihiin somaliya hanoolato cadaqatalshuna ha dheceen admiral farah qare waxan kugu tilmamilahay inaad tahay geed har weyn ee meel lama dagana kuyaal. oo dadku asaga bis un eegtaan cilmigii aduu kugu haray aqoonyahan dhimay waxan qalday wa dhinaceyga somalitalk wakamadx bananyihiin

  21. Nuur says:

    Aaaad baad u mahadsantihiin dadaalkiinna wadaninnimo aad baanan ula dhacay, waxaase fiicneyd dad adinkoo kala ah oo dareen wadaninnimo leh inay ugu yaraan umadda laga dhex helo oo ay ku bataan, si waxyaaba lug gooyada ah ee aysan shacabkeennu wada fahmeynin ee calooshood u shaqeystayaasha loo adeegsanayo ay u baraarujiyaan, tan kale wasiirku sheegga kallumeysiga waxaad ka heysaan wareysi video ah oo uu qiray inuu ka soo qeybgaley shir looga hadlayey xadeynta badda somaliyeed, shalayna baarlamaanka hortiisa wuu inkiray, oo wuxuu sheegay in burcadbadeed oo kaliya looga hadlay shirkaas, fadlan waxaan jeclaa inaad dhamaan caddeymaha aad heysaan ee ah documents, videos iwm aad u gudbisaan ama bartaan xubnaha baarlamaanka gaar ahaan kuwa u gudbinkara oo u sharxi kara si sax ah.

  22. kamaal says:

    waxaan ku bilaabayaa cawed caasharo aad ayaad u mahadsantahay dadaalkaaga sareeya war dadka wax garadkaa saas oo kale ayaa looga baahanyahay ina kacsha oo boorar noo sameeya si nabad ah aan u banaan baxno somalitalk waxay uga jiraan tariikhda somaliyeed baal dahab ah waxaa qora oo qiraynaa dad wadaniyiin ah isweydiina la’aan sii wada dadaalkiina waanu guuleysan doonaa insha allaah aakhirka waad ogtihiin 13 SYL in ay bilaabeen hal gankii xornimada qof walba taas ha ogaado no qabiil no dano siyaasadeed iyo wax lamid wada kaca idinka oo siman somaliyeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeey badeenii lagaday

  23. gabayre says:

    Waad salaamantihiin dhamaantin bahda Somalitalk iyo tv Somalicanal sida wanaagsen ee aad uga hadasheen hantida maguuraanka ah ee dhulkeena. waa waajib saaran muwaadinkasta oo soomaali ah in uu difaacon dhulkiisa hooyo. kii khalad ka galan la maxkabadeeyo. marka waa in shaciga lala tiigsadaah nimanka wasiirada iyo madaxda isku sheegaya oo dhulkeena cadawga uloogayah.

    mahadasenidin.

  24. Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
    barnaamijka Badda Somaaliya waxa uu soo bilaawday 2009, xiligaa uu prime ministerka soomaaliya uu ahaa Cumar Cabdirashiid, waxaana lagu qeexay qodobka 31 in bada soomaaliya laxadeeyo lana soo gaabiyo maadaama kheeyraadka Badda soomaaliya uu aad Ufara badanyahay, Waddamo Kuyaalo midoowga yurub eena ugu horeeyso Norway iyo denmark Frasiiska iyo germany, kuwaas oo dfoonayo in lagu qaato dhul Baddeed Soomaaliya Leedahay.
    sida ku cad shabakada OPENLEAKS beejkeeda 2119, shan dal oo kujiro midoowga yurub ayaa waxee doonayaa inee ku xalaaleestaan bada soomaaliya ayaga oo kasaxiixaya doowladii hore ee cabdulaahi yuusuf iyo tan hada jirta intaba, waxoo sii raaciye hadee diidaan in lagu soo oogi doono Danbiyo Dagaal Lana ciqaabi doono, sidaas Darteed waxaa Suuro Gashay in lacabsi galiyo Si eey kaga badbaadaan Maxkamada Danbiyada Dagaalka iyo Tan xuquuqda aadanaha.
    Qorshaha soomaali Road map, ama geedi socodka Nabada waxaa waday Doowlada Norway IYO Denmark taasi oo ladoonayo in lagu dhaqangaliyo barnaamij Hore Loosoo Diyaariye Lagana saxiixay madaxdii hore iyo Kuwa hada Talada haya Intaba,

  25. keynaan says:

    WAAD SALAAMANTAHIIN DHAMAANTIIN SALAAN KADIB WALAALAYAAL NIMANKAAN MASUULKA ISKU SHEEGAAYO HORTA YAA SOO SOO DOORTAY YEEYSE MATALAAN SIDA AAN LA WADA SOCONO KULIGOOD WAXA AY HEESTAAN BAASABOOR WADAN KALE AH AYAGOO KU QASBAN UNA DHAARTAY IN AY DIFAACAAYAAN DAD IYO DANAHA WADANKA AY BAASABOORKA KA QAATEEN MIDA MIDA KALE WAXAAN LA WADA SOCONAA IN MEESHA AY MAALIN WALBO HAGARDAAMADA KA SOCOTO OO SHIRARKA SOMALIYA BADEEDA LAGU HAGARDAAMEENAAYO AY TAHAY LODAN NINKII BAASABOOR LONDON HEESTANA WAXA UU KU QASBANYAHAY IN UU U DHAQEEYO DANAHA DALKAAS UU BAASABOORKA KA HEESO. WAXAANSE LEEYAHAY NIMANKAAN AH QOOWLEESATADA BADA SOOMALIYEED WAXAA TAHIIN NIMAN BEEC GEEYAY XUBINTA TARANKOODA WAA HADAAD TAHAY MUWAADIN DHAB AH TAARIIKHDANE WAA IDIIN SHEEGI DOONTAA

  26. abdi shakur says:

    asc
    waan idin salamaya dhamaan walaalayaal
    waxaan aad ula socday arrinta badda oo runtii xanuun wayn igu haysa waana filaya somalida dhan inay xanuun ku hayso waxaan dhagaystay wasiirkii hore c/raxmaan cabdi shakur oo meel maxfal ah ka sheegaya in waxii uu saxiixay raiisul wasaaraha amarkiisa ku saxiixay waxaa muuqata inay qalad galeen waliba meeshii ay umada somaliyeed u cudur daaran lahaayeen inay isku tuurtuurayaan cidii qaadan lahayd ma’uliyda ka dhalatay saxiixaas waxaa sidoo kale hada muuqata in waraysagaan uu bixi yay cabdi wali gas uu leeyahay waxba kama ogi heshiiskii loo bixiyay
    Memorandum of Understanding (MOU) waa yaabe waxa anigoo 27 jir ah aan ogahay inay qaldanayd sidee ku dhacday nin sheeganaya musuul soomaliyeed inuu dhaho waxba kama ogi heshiiskaas
    ugu danbayntii waa la garan karaa qofka doonaya inuu shacabka somaliyeed qanciyo ra iisil wasarahaan iyo wasiirkiisa kaluumaysiga waxay u dhaqan egyihiin raisil wasaarihii cumar cabdi rashiid iyo wasiirkiisii cabdi raxmaan cabdi shhakuur ee somaliyeey yaanan la sugin intaay heshiis ka saxiixaan hala banaan baxo waxii la qaban karo hala qabto

  27. Shahmad says:

    Marka ugu horeysa waxaan mahad u celinhaya ilaahey subxaanahu wa tacalaa. Marka xigga dadka isku howlay inay dabagal ku sameeyaan dhacadooyinka ku saabsan badda Soomaaliyeed iyo arimaha kale oo ay ummadda xaq u leedahey. Anigoo ah gabar soomaaliyeed kana mid ahay mawaadiniinta waxaa aaminsanahey inaan marnaba manta laga hadlin xadeyn badeed, waayo maba haysanno dowlad runtii kaamil ah; oo waxaan wali nahay ku meel gaar, ku meel gaarkuna ceebtiisa ayuu leeyahey. Waxaan kale ee aan ogsoonahey tayadda iyo tacliinta iyo waliba waayo aragnimadda xildhibaanadeena intooda badan. Marka markii aan galeeyno arimahaan oo kale waxaa loo baahanyahey in marka hore, aan helno dowlad awood kaamil ah leh oo na dooran karta dad khubaro ah oo ku xeel dheer arimaha badda, sidoo kale ah muwaadiniin xaq ah oo aan ahayn danaystayaal, amaba ka faideystayaal wakhitga xun ee ay marayso Soomaaliya. Badda Soomaaliyeed waa lama taabtaan, awalbaa barigii baa wax ma garto u tashatay oo ay manta
    soomaaliya kala qol qolaysantahey. Marka waxaan ku talin lahaa waa inay soomaalidda meel kasta oo ay joogaan si cad uga hadlaan arimaha shacabku uu u leeyahey inuu isaga go’aansado aan lagu xad gudbin, waayo badda waxaa iska leh shacabka soomaaliyeed ee ma lahan nin madax ah amaba baraalanteeriyaanka hadda jooga. Waan in la mudaaharaado oo si dhab ah looga soo horgoosado haddii ay dhacado arintaan laga sharqamiyey. Waxaan mahad gaar ah u celinhaya Somali Channel oo noo fududeysey iney noo soo lalilso waraysigii Mudane, Raisul Wasaarah Abdiwali A Gas oo runtii si wadix ah oo misna hufan uu noogu bidhaamiyey waxa uu ka dambacsanyahey arimaha badda soomaaliyeed, aniga oo ka rajeynhaya inuu u saaro arinkaas dad ku xeel dheer qodobkaas oo uusan ku deg degin xita haddii uu ku waynhaya jagadiisa. Sidoo kale waxaa leeyahey barlamaanka xubanhiisa oo dhan, ogaada dalku manta magaantiina ayuu ku jiraa arinku waa “Cidna uma maqna ceelna uma qodna” oo waxaad ka tagtaan wax ummadda soomaaliyeed maalin maalmaha ka mid ah idinku soo xasuusato oo sharaf leh.
    Gunaanadkii, ilaahey ummadaan ha daba qabto, oo ha ka qabto cadowga dhexdooda ku jira, kan dibadda ka qasaya, iyo kana wax magarta ah oo aan garan karin ummadda xaqeeda ciduu doono ha mid noqdee. Ugu dambayntii waa inay taariikhdu qorta dadka ku hamiyaya xaraashka, boobka hantidda soomaaliyeed oo mar kasta lagu sameeyo daba gal joogta ah inta eysan na iibsan dhammaanteen.

    Wabilaahi Towfiiq
    Shahmad

  28. Mr C/Wali Gaas Somalitalk marnaba ma faafiyaan warar been ah mana ugu yeeri kartid “Tabloid ” . sida shacabka Somaliyeed wada ogsoon yihiin Somalitalk waxaa ay mar walba qoraan qoraalada danaha dalka iyo umada Soomaaliyeed .

  29. Aslmu clkum anigo wakiil ka ah bahda dhalinyarada magalada cape town ee south africa waxan aad aga xunnahay arinta murugada leh ee badena haysata waxana ku talin lahen in hadanba lagd fursaneyn loo saaro niman aqoon durugsan uleh inay ka qeybgalan shirka lafilayo iyo in lasameyo bananbax wadajir ah oo isku xiran dhaman daafaha dunida iyo in barlamanka intoda garadka usaaxib ah ku celceliyan ineysan aqbalayn media ha si geesinimo leh wabilahi twfiq

  30. Bilqeyr. says:

    marka hore waxan Alle ka baryayaa in uu naga jabiyo cadawga fooda inagu soo haayo ee usoo jeeda baddeena hadaan soomaali qaran nahay waan kasoo horjeednaa in dhac iyo xoog noola sheegto waxa na dhacayana waa dowlada hadda gacanta ku heysa ee ay madaxda ka Raisulwasaaraha oo aan ku xisaabtamin in uu wadanka kaligiis laheyn sababta uu uga qeyb galayna waxay aheyd in uu ka faa’iideysto ee uma soo galin in uu wadanka wax uqabto.

    waxan aad uga faraxsanahay sida wanaagsan ee uu uwareystay wariyaha caanka ah xasan-cade aad ayaad ugu mahadsan tahay xasan cade sida aad shacabka uqancisay xalay oo aad soo saartay wareysiyo mihiim ah waana leeska fahmi karaa jawaabtiisa waxay aheyd inkirmaad, xasan cade adigoo ku mahadsan ayaad ilawday hal su’aal oo muhiim ah waxay aheyd haddii shacabka oo dhan ay kasoo horjeedan in baddooda la xadeyo
    adigana waxas ma jiraan aad leedahay berito haddii uu warkan soo baxo mas’uul maka tahay adiga?

    waxan baaq udirayaa ra’isulwasaaraha magaca iskaga cayaaray waxan ku leehay haddii wadankeena inta aad gacanta ku heyso ay wararkan soo baxaan dunida meel walboo aad ka tagto ogsoonaw in maxkamad lagu saari doono waa shacabka soomaaliyeed oo dhan waxa ku maxkamadeynayo, anaga wadankeena malaha shisheeyaha aad la heshiineyso weyna ku lumminayaan ee kabax arintan inta aan demi kaasoo gaarin fadlan ka noqo.

  31. ascww
    walalayaal galadii waxa ka soo horeeya kuwo luqadeena ku hadalaya oo isku midab aan nahay laakin qalbiga ka ah uurkagaaled nimaankas hadan la iska qaban hada bad ayay mareysaa laakiin wax ka daran ayay soo wadaan arintan waxay u bahan tahay rabi in la kaashado iyo dad u istaga oo ka dagaalama
    wa bilaahi tawfiiq

  32. salaanta islaaamka kadib waxaan ku talin lahaa in somali meel kasta oo ay joogto in dibadbax laga sameeyo arinta bada somaliya arintaan waa arin qatarteeda leh

  33. siyad says:

    As,ca dhamaan umada soomaliyeed ee sharafta leh
    Waxaan leeyahay dowlad aan wax u sheegno majirtee
    Waa dad maqane jooga ah oo hal dhag wax loogu sheego ee makuwaas ayaan dhihi karnaa dowlad, Cajiib!!! Walaalayaal wixii damqanayoow maalintaa loo balansanyahay aan tagno oo aan ka qeyb galno anaga oo ah muwadiniin soomaaliyeed oo wata aqoonyahanadoodii iyo looyaradoodii iyo khubaradii bada iyo shrcigeedii iyo xadkeeniiba taqaanay sidaas ayaan isaga celin karnaa MAHIGA iyo kuwa uu dabada kuwato, waxaana insha,allah idiin sheegayaa ineysan dhici doonin in badeena lakala qeybiyo oo aan yeelano 12nm balse ay dhacdo in ay noqoti insha,allah .350nm waana mahadsantihiib. Wabilaahi towfiiq.

  34. maxamed says:

    bismilaah. asc wrt wbt waan idin salaamay dhamaan umada soomaaliyeed meelkastood joogtaan. soomaalidu waxay tidhaahdaa, aakhiro samaanka waxaa la gaadhi dad aadan dameerkaaga ku aamini karin oo umad dhan madax u noqon doona, waxaa yaab ah in maanta rag somaaliyeed oo sheeganaya somaalinimo,islaamnimo, madaxnimo,iyo aqoon, in dhulkii soomaaliyeed si fudud u qadanayaan iyagoo doonaya amaba ku andacoonaya waxaa la rabaa in dib loo cabiro daba soomaaliyeed si aan uga baxno waqtiga kala gurka, su aasha meesha taalaa waxay tahay maxaa isku xidhay waqtiga kala guurka iyo cabirka bada soomaaiyeed,war hashu maankeyga qaadaye ma misaar bay liqday,ragan eberka ah xagee looga yeedhayaa, habar dhali weysay aleelo ku waalatay,waxaa looga fadhiyey inay kashaqeeyaan sidii dowladu u talaabsan lahayd markaasey u hanqal taagayaan qorshe la rabo in bada soomaaliyeed lagu boobo laguna xalaaleysto , oo kenya lagu siiyo dhulbadeed soomaaliyeed, haddii aan dhanka kale ka eegno bada somaaliyeed way cabiran tahay cabirkalana idinkama baahno qawlaysatayahay baas waa cabdiweli,shariif,sharif sakin iyo golohoda wasiirada,waxaana umada soomaaliyeed iyo golaha baarlamaanka ugu baaqeynaa in aysan marna ogolaanin isku daygan xaaraanta ah ee ay wataan nimankan dilaaliinta ah.

  35. Soomaaliya xaq waxay u lee dahay xadka badeena inuu ka badan yahay inta la rabo in hadda la inaga qaado oo ah 200nm balse waxaa inaga qabaa in xadka badeena uu intaas ka badan yahay oo uu yahay in ku dhow 300nm maxaa yeelay BASELINE ka badeena aad ayuu u dheer yahay oo marka xadkeena uu joogo 200nm wali BASELINE keena waa uu sii socdaa isagoo fidsan in ku dhow ama laga gaaro ilaa 300nm ka bacdi wuxuu sameeyaa hoobad (CONTINENTAL SLOPE) oo macnaheedu yahay in wixii intaas ka danbeeya lagalaayo OCEAN ka ama badwaynta.

    Marka aan joogno xadkeena rasmiga ah ee Badda oo ah 200nm, iyo inta u dhaxaysa Continental Shelf geena oo ah 150nm oo kale, haddii xadka Badda iyo Continental Shelf dhexdooda sun ama Nuclear Waste lagu daadiyo way nasoo gaaraysaa sababtoo ah wali waxaa lagu jiraa BASLINE kii bado oo siman, taas macnaheedu waa wali SAFE MANIHIN. Soomaaliyeey maxaad moodaan hadii Baddeena laga dhigo 12nm oo kaliya oo qofka xeebta taagan uu arki karo markabka ama doonta taagan ilaa 12nm? Dabcan Baddeena waxay noqonaysaa goob qashinka lagu tuuro ama laga dhigto MUSQUL.
    Waxaa inala gudboon inaas taas ka dhiidhino oo aan u kacno daaficada baddeena waa waajib ina saaran dhammaanteen haddaa nahay Soomaali, waxaan halkaan mahad gaar ah uga celinayaa SOMALITALK oo runtii kaalinta ugu horaysa kaga jirta difaaca baddeena Soomaaliyeed. Soomaaliya Hanoolaato.

    Somali Territorial Waters = 200 Nautical Miles
    Somali Continental Shelf = 350 Nautical Miles

    GUUL SOMALIA, INSHA ALLAH

  36. Musa Mohamed says:

    Mudane Raisal Wasaare,
    Haddii Dawladdaadu aanay ahayn Dawlad dhan, miyey suurta gal tahay inay wax ka beddesho Shuruuc Dawlad Buuxdaa dejisay? Jawaabtu aniga waxay ila tahay waa maya.
    Dhinaca kale, Dawladdaada magaca ku-meel gaar waxa ula baxay beesha Caalamka, haddana waxay leeyihiin ku meel gaar waad ka baxaysaan, waxadna noqonaysaan dawlad buuxda. Fadlan ma noo micnayn kartaa xiriirka ka dhexeeya, Dawlad buuxda iyo Roadmapka.
    Mahadsanid.
    Musa

  37. Sade maxamud says:

    Waxaan salaamayaa dhamaan umada soomaliyeed iyo shabakada caalamigaa ee somali talk waxaan jeclahay inaan fikirkayga ka dhiibto xadaynta bada gayiga somalia horta maan waxaa awaaqib xumo shalaynoo ah qarankii iyo dadkii difaaci lahaa bada aysan jirin ayadoo ay hogaanka noo hayaan hayado ka tilaabsanahaya dastuurka caalamigaa eebadaha una hanqaltaagahaya badasomali siday u hanan lahayeen ayagoo u socuskanaya qodobo wax kama jiraana maantana ayrabaan inay mesha ka saaran qodobkii rulkii no 37 1972 lagana jogo mudo 40 sano ah meesha somaliya ay ka lahayd 200 mayl maantana lagu sokobay 12 mayl waa wax laga xumaado miyaanaan ahayn dad jira oo xaqooda dhacsankara? taas maku fakaraan umada somaliyeed waxaan ka dhiidhinayaa ama aan ka caraysnahay hantidii maguuraan kaahay ooqatar ku jirta gacantana ugalaysa shirkado loo cuskanayo kenya walaa layaal ku dadaala sidaad u difaci lahayden dalkina cadowga u so hanqal taagay somaliyay xalkena i

  38. faysal says:

    AS.ALEYKUM DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED OO DHAN.WAXAAN AAD UGU FARAXSANAHAY SIDA WANAAGSAN EE SOOMAALINIMADA KU JIRTO EE WEBKA SOMALITALK UU HAD IYO JEER UGU TAAGANYAHAY MASIIRKA UMADA SOOMAALIYED. WAXAAN ILAAHEEY OOGA BARYAYA IN UU KA AJARSIIYO.WAXAAN LA WADA SOCONAA IN SHARCIYADA BADAHA CAALAMIGU. UU DHIGAYO SOOHDIMAHA BADAHA WAA 200 MILE. MARKA SOHDINTIINA AYAA WAXAA LAGU SOO KOOBAYAA 12MILE OO KALIYA CAQLI BINIAADAN WAX GALAYO MAAHA. MARKA WAXAAN U SHEEGAYAA DADKA ISKU DAYAYA IN AY LACAG KU IIBSADAAN BADEENA ILAAH YAA NAGKIIN QABAMDOONO. HADII AAN WAX KALE QABAN WAYNO WAXAN UMAFA SOOMAALIYEED OODHAN NOQOTO LIGAL PIRATES OON KULIGEEN DOOMA WADA IIBSANAA WAX ALAALE WIXII LABOBOQOL MILE GUDEHEEDA AAN KU ARAGNO AAN HOLCINO GOBANIMO WAA LOO DHASHAA DALKAAN MARKII HORABA WAXAA NAFTOODA USOO HURAY GEESIYAAL WAA IN AAN ANAGANA HADA NAFTA U HURNAA. WA

    BILAHI TOWFIIQ

  39. asalamu calay kumwaraxmatu lahi aad ayaan usalaamayaa bahda somal
    Talk, dadaalka ay,ugjirto badbaadinta bada somalia oo agoon ah 20 sano iyo hada oon kahadlayno waa agoon somaliya. ilaah baa talo lasaarto leh ,ilaahay hagabad baadiyo dhuuni qaata yaasha iimankana
    ilaahay hakusoo celiyo ee maxaabada kumash quuliyey may caawiyaan qaxootiga iyo abaaraha in shaa alaah weyguulaysandoontaa
    maga caygu waa, maxamed abdiraxman, oojooga norway.salamulah

  40. Bahda somalitalk waad ku mahadsan tihiin hawsha aad dadkiina iyo dalkiina u haysaan, hadaan somali nahayna waxaan idiinku abaal gudanaa in aan magacyadiina ku qarno taariikhda halyayada somaliyeed.

    Somalina waxaan leeyahay aan sida isu dhaano oo dalkeenii iyo dadkeeniiba waa dayacan yihiin e aan meesha ka kacno hadii kale waabaa inagu baryi oo xili aynaan waxba qaban karin ayaynu toosi
    rabiyaw dadkayga u danbi dhaaf xaqana tus