Home » Badda »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…


DFKMG oo soo saareysa Sharci Lagu Tirtiraayo xeerkii Badda Soomaaliyeed ee Law no. 37 ee 1972
Xukuumadda FKMG oo 19-ka December 2011 ka Tanaasuli doonta Xeerkii Badda Soomaaliya ee soo jirey 40-sano

Go’aamadii ka soo baxay shirkii “wada tashiga” ee ay soo qabanqaabisay Qarammada Midoobey, laguna qabtay magaalada Muqdisho (August 4 – 6, 2011) ayaa waxaa kamid ah in 19-ka December 2011 lagu dhawaaqi doono xuduud badeedka Soomaaliya ee loo yaqaan  “EEZ” (Exculisive Economic Zone) ama “Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah”.

Qodobkaasi waxa uu meel ka dhac ku yahay xeerka u degganaa Qaranka Soomaaliyeed muddo 40 sano ah, xeerka Law no. 37 ee 1972 oo si cad u qeexaya in Soomaaliya ay leedahay DHUL-BADEED (Territorial Waters), dhul-badeedkaas oo cabirkiisu xeebta ka durugsan yahay 200 mayl-badeed. Sidaas daraadeedna Hadalka aan meesha qaban ee ku qoran qodobada ka soo baxay shirkii Muqdisho waa oraahda “Exclusive Economic Zone” EEZ (Aagga Dhaqaalaha ee Gaarka ah).

SII AKHRI….

Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii

Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob – waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto SII AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

250 Jawaabood " Baarlamaanka Soomaaliya oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii "

  1. Axmed Dheere says:

    Salaamun Calaykum.

    Mahad oo dhan Illaaheey ayay u sugnaatay,naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii suubanaa korkiisa ha ahaanto, intaa ka dib.

    Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay, dhawaqa ka soo yeedhay baarlamaanka KMG ah, hawshii adkayd ee ay u istaageen sidii ay ugu guulaysan lahaayeen.

    Waxaan mahad gaar ah u soo jeedinayaa bahda Somalitalk oo iyadu u taagan had iyo jeer inay ilaaliso, siyaadada, qaranimada iyo xornimada dalka Soomaaliyeed guud ahaan, waxaanan leeyahay marka hore Eebbe wayne ayaa ajarkeeda idin siinaya, marka xigga taariikhdu waa ay idin qoraysaa, kolnaba idin hilmaami mayso, waxyaabaha ugu badan ee la idinku xusuusan doono waxa weeye in difaaca badda Soomaaliyeed, taasoo ay ku soo duuleen adduunku, dadkii adiga kula dhashay qaarkiina uu tabcadii iska garan waayay, amaba dan gaar ah oo ay wateen hawsha u hor boodayeen.

    Baarlamaanku, waxaan is leeyahay, hawshiisii wuu qabtay, waloow ay fiicnaan lahayd, in uu qodobada intaa ka sii caddeeyo, sida inuu sheego xeerka badda, iyo in ay ku daraan qodob oranaya in lagu daro dastuurka xeerka badda iyo cabirkeedaba si aanba dib danbe la isugu soo noqon.

    Bulsha Soomaaliyeed waxaan oran lahaa codkiinu meel dheer buu gaarayaaye, yaan la is yaraysanin, dadaal badanna waa in aanu ku bixinaa inta xaalku sidan iska badalayo difaaca dalkeena oo idil si wadajir ah, meel kastoon dunidan ka joognaba.

    Somalitalk, waxaan u soo jeedin lahaa, walaalayaal, macluumaadka baddu waa ay badan yihiin, in aad isku daydaan in buugag laga dhigo xidhiidh ah, madaama aynaan aamin ka ahayn duulaanka mar walba, si ay arintani dhaxal gal ugu noqoto, umadda soomaaliyeed ee hadda joogta iyo kuwa iman doonaba, waxaanan oran lahaa inaad web-ka ka furtaan khaanad tabaruc ah oo buuggan lagu daabacayo oo ay dadku ku ridaan waxay awoodaan, waxaan is leeyahay, haddii aad Alle u kaashataan, ka dibna aad u qalab qaadataan in hawshaa si habsami ah u hirgeli doonto.

    Waad Mahadsan tihiin
    Axmed Dheere

  2. aad iyo aad ayaan ugu hambalyeeynayaa dhamaan intii ka qeeyb qaadatay badbaadinta bada somaaliyeed waxaan aad ugu faraxsanahay go,aanka baarlamaanka markii hore oo laysku dayay in la boobana waa kuwii diiday haderna mar labaad waa ku saxanyahiin inkastoo aay qaladaad badan galeen baarlamaanka hadana meelo halis ahaa ayey codkooda ugu hiiliyeen shacabka soomaaliyeed waana mahadsanyahiin waxaa kaloo mahad gaar ah iska leh dhamaan howl wadeenada somalitalk waana wadaniyiin hader ka ka hor waraqdii uu qoray pm hore cabdi rashiid cali shar ma arke 150 maalmood tiil unka waxaan idinku idhi wadanku ciidama adinka aheyn malahan siyaasiin .sirdoon. hogaamiyaayaal iyo wax walboo wadan lagu yaqaan adinka ayaa u ah haderna waan idinku celinayaa somalitalk team thanks dhamaantiin

  3. Somali says:

    Aad ayaan ugu mahad celinayaa Bahda Somalitalk si aan inaba caadi ahayn,
    Waxaan jecalahay in aan idin xasuusiyo hawshii wali madhamaan in laga gudbayo Dec, 19-2011, marka dawladaan ku meelgaarka wax walba waa kasuuroobaan sharci Baarlamaan iyo shuruuc waaba is kala weyn yihiin sida kamuuqata hab dhaqankooda. Bulshada Somaliyed waxaa lagudboon laba arimood:-
    1- Haddii DK ay aqbasho go’aankii taariikhiga ahaa ee baarlamaanka ka hor 19, Dec-2011 waa la qanci karaa.
    2- Balse haddii sida dad badan ay qabaan war iyo wacaal toona laga waayo kibir iyo isla weyni ayaa uqarsoon oo waxba ka xishoon mayaan, marka si aad ah haloogu kuur galo afcaashooda.
    Allow Somali u hiili dawlad dadkeeda afkaartooda iskala weyn xagee adunkaan looga arkay, kolbaad istiraahdaa kaalay ninkii madax noqdaa miyuusan waligii wax aqrin, daawan xaalka aduunku hada marayo, iyo indha adayga iyo qar iska tuurka aan laga fiirsan ee ay kolwalba la imaanayaan qolyahaan masiirka umada hormuudka u ah.waa yaab iyo amakaag!!!
    ugu danbayn “Somalitalk muwaadin kasta oo Soomaaliya maanta ishuu inku hayaa ilaa laga gudbayo 19, Dec. ee haseexanina by any means” Inta indheer garadkaa waa ujeedaan hawsha baaxada leh ee aad noo haysaan.
    Warsan iyo wanaag…

  4. Teamka Somalitalk shaqada aad qabateen waa mid la idin ku abaal marin doono waxaad horseed u tihiin Mustaqbalka ifaya ee Umada Soomaaliyeed waxaan Codsan lahaa Arinta labaad aan hadeer xooga saareyno in ay noqoto Kuwa sharci darada hadeer ku jooga bada Somalia ee kheyraadka la baxaya Khashinkana ku shubaaye Fadlan Qorshaha labaad nooga dhiga Heshiisyadii Nuur Cadde Ogolaadey ee uu saxiixey Americo si arintaas Barlamaanka loo hor geeyo oo go’aan farxadeed oo taarikhi ah sida kan oo kale ah looga qaato waxaan ka careysanahay Qodabada uu saxiixey Americo oo qaf damiirki ku jirto Ogolaan laheeen Europeanka ma wadankey leeyihiin Please arintaas hala fiirsho mar kale Mahadanidiin dhamaan inta ku howlahaan armihaan Alle Ajir iyo Xasanaad ha idin ka siiyo

  5. Muhiim says:

    Asc ,

    Walaalayaal waxaan hawada idin soo marinaa salaan aad u qiimo badan , Somalitalk waxa isku waajibyeysheen howl aad u baaxad weyn , ee xaqiiqdii markaan fiiriyo dhumaca ay leedahay howsha aad heysaan ayaa ah mid UMADDA SOMALI , inta damiirka leh aysan indhaha ka qarsan karin .
    Ogaada haddii xataa aysan somali idin abaalgudin in abaalgudka dhanka RABI aadan seegi doonina .

    baarlamaanka waxa ay qabteen howl aad u muhiim ah , haddii ay wax kasta sidaas ugu fakaraan wax badan ayaan qabsan karnaa , waqti koobanna waan ku soo ceshan doonaa sharafteenii iyo dowladnimadeenii insha allaah .

    Wabilaahi towfiiq

  6. Ahmed Gure says:

    Waxaan Si Aan la koobi karin ugu mahad celinayaa dhanaan Qoreyaasha
    iyo aqoon yahanada ka qeyb Qaatay FAAFINTA BOOBKA BADDA UMADDA SOMAALIYEED.
    WALAALE YAAL HALKAAS KA SII WADA WANAAGA AAD KU GULEYSATEEN

  7. Daawacad says:

    as cl wr wb
    Walaalayaal, Illaahay baa mahad leh marka labbaadna shakadda Somalitalk oo hadh iyo habeenba u taagan danaha umadda soomaaliyeed ee cid waliba u soo dhiila dhaansatay sidii ay u dhici lahayd, marka saddexaadna Baarlamaanka hadda jira oo markii labaad si aan kala hadh lahayn isugu raacay in aan hantida Umadda Soomaaliyeed boob lagu qaaddan.
    aad baan ugu faraxsanahay qoddobadda dhaxal galka ah ee ay isku raaceen Baarlamaanku Umadda Soomaaliyeedna waxaan leeyahay Maxadada Somalitalk iyo Baarlamaankaba ha u abaal gudeen
    Alxamdu lilaahi rabil Caalamiin.
    Guul iyo Gobanimo.

    www.

  8. waddaniyad says:

    ASC

    Waa arrin lagu farxo ficilka ay qaadeen golaha barlamaanka.

    Waxaanu kaa sugaynaa arrinka labaad ee la saxeexayo, ee ku saabsan waxbarashada, ood Yaxyow u aragtaa inay khar ku tahay kobcinta maskaxda carrurta Soomaaliyeed.
    Waad ku mahadsantahay dagaalkan xaqa ah aad ku jirto.

  9. Nuur says:

    waa guul u soo hoyatey soomaalida wadaniyiinta ah ee muslimiinta ah, waa guul ay tooshka ay ku daareen Somalitalk.com, waa guul ay baarlamaanku hirgaliyeen, ilaahow Baarlamaanka waafaji waxkastoo khayr ahoo ay karaan.

  10. aamusane says:

    Salaamullaahi caleykum wa raxmah.

    Waxaan hambalyo aad u qiiimo badan u dirayaa bahda Somalitalk, Somali talk waxaan waxaan akhrinteeda bilaabay 1999-kii, xasuusahayga ama jacaylkayga Web-kan waxay ahayd:-
    1) casharo diini ah Nebigena(S A W), saxaabadii ( R C), taabiciintii iyo Imaamiintii waaweynaa xilliyadooda aan aad u jeclaa, kuwaasoo suaalo iyo jawaabo lahaa.

    2) Arrimo murugo leh oo Somalida qurbaha joogta ka dhici jirey ayay soo bandhigi jireen siiba South africa.

    3) doorashadii madaxweyne-nimo ee Jabuuti (xilligii Cabdi qaasim).oo qof walba oo waqtigaas qurbe joogey aad saamayn uggu leedahay.

    4) tirintii cajiibka ahayd ee somalitalk ku samayn jireen duulaankii itoobiya ku qabsatay magaalooyinka Soomaaliya taasoo subax walba xasuusinaysay qof kasta oo Soomaaliyeed in subax gumaysi u baryey.

    5) wejigii koowaad ee isu taaga wacyi gelinta dhamays tiran lahayd ee heshiiskii boobida Badda Soomaaliyeed.

    6) difaaca heshiisyada sharcidarada wada ahaa ee Macdanta iyo Batrroolka Soomaliya, oo qof waliba wadanka uu qaxootiga ku ahaa kala soo orday isagaa la hoos tegaya ama ugu danaynaya mid ay qaraabo qurac yihiin oo mansab boob ah Soomaliya meel ku haysta sida ismaamul Gobol, Degmo, iyo Qabiil meel dega.

    7) wejiga 2aad ee boobka badda Soomaaliyeed iyo doorka aadka u sareeya ee Somalitalk ka qaadatay oo runtii dib ii xasuusisay kelmadii ahayd Qalinku ka qaalisan Qoriga.

    walaalayaal jacayl Illaahay dartiis ah ayaan idin jeclahay waxaana tihiin halyeeyo uga beegan mujtamaca Soomaaliyeed dabaylaha Mansuunta, runtiina halbeeg aan idinku cabiro magaranayo.

    Mahad Rabbi bay u sugnaatay mar hadii hadafkii aad u dagaalamayeen Somalitalk guuleystey Baarlamankii Somaliyedna wax badanoo laga fushan jirey ku qaldi waayey iskana gartay arrintan sixirka ahayd.

    ugu dambayn waxaan Rabbigay iidnkaga rajeynayaa caafimaad iyo cibaado iyo Janno abaal marin Rabbigiina sarreeya.

    walaalkiin