Home » Warar »

Khudbadii Madaxweynaha Puntland Faroole ee Shirkii Muqdisho

Khudbadii Madaxweynaha Puntland uu ka jeediyay Shirkii Muqdisho, 4 September 2011 ayuu kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin: Burburka Qaranka, Badbaadinta Soomaaliya, Arrimaha shirka, Dib-u-heshiisiinta, Caqabadaha hortaagan Qarannimada, Burburka maskaxda, Canshuurta iyo Ganacsatada, iyo Mahadcelinta Beesha Caalamka.

Khudbadda oo dhamaystiran waxay u qorayd sidan:


Puntland State of Somalia

Garowe

Khudbadii Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Shirkii Muqdisho

Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole)

Muqdisho, Soomaaliya

4 September 2011

Assalamu calaykum Waraxmatullahi wabarakaatu

Mudane Madaxweyne, Mudane Gudoomiyaha Baarlamaanka, Mudane R/W ee DFKMG ah, Mudaneyaasha hey’adaha caalamiga, wakiilka UN Amb. Mahiga, Uqaybsanaha Arrimaha Bini’aadamka ee UN Mark Bowden, Martida kale oo ka socota Dowladaha aan saaxiibka nahay iyo Safiirada jooga, Xubnaha Baarlamaanka, wafdiyo ka yimid Somalia inteeda kale, Puntland, Ahlu Sunna, Galmudug, marti sharafta kale.

Salaan ka dib, sharaf wayn waxaa ii ah in maanta shirkaan qiimaha badan oo loogu magacdaray Shirka Wadatashiga Heer Qaran ee Somalia, inaan maanta halkaan u imaano aniga iyo Wafdiga Dowladda Puntland. Waa markii ugu horeysay muddo 20 sano ah shir Somali arrimahiisa lagaga arrinsanayo Somalia gudaheeda lagu qabto. Guul weyn bay noo tahay inaan maanta isu nimaano, is taabano, wada hadalno, wixi noo dhaxeeyey oo aan qiimo lahayn meel iska dhigno, wixii noo dan oo aan heshiis ku nahay wada qaadano markaan wada hadalno.

Burburka Qaranka

Cid kasta oo gacan na siinaysa aad bay ugu mahadsan yihiin, laakin waxa howshu u taala waa anaga. Waa wax wayn in laga hadlo mawduucyada gaarka ah oo halkaan lagu soo qoray oo la rabo in wax lagu qabto mudada soo socota oo 1-sanno ah, si loo dhamaystiro ILAAHAY idinkiisa amni-ku-soo celinta Somalia daafihiisa oo dhan. Waad ogtihiin meeshaan ka nimid. Way noogu yimaadeen Madaxweynaha iyo Raysul wasaarahaba, meel dhisan baan ka nimid oo maanta foolxumada Xamar ka muuqata aysan ka muuqan. Waxaanu u nimid inaan magaaladii anaga aan ka tagnay ayadoo dhisan oo quruxdeeda la yaabo oo la oran jiray waa magaalada aduunka ugu amaan roon, inaanu maanta naxdin darteed dhexmari kari wayno iyadoo burbursan.

Waxaan u malaynayaa in nin walba ku qanacsan yahay in cid dibada ka timid aysan burburin Muqdisho. Waxa burburiyay waa Somali, waxa Qarankii Soomaaliyeed sidaa ka dhigay waa Somali. Waxba yaan isku riix-riixin, cid badan baa dambiga wax ku leh. Cid badan baa dambiga wax ku leh.

 

Badbaadinta Soomaaliya

Laakin maanta anagay na haysataa. Waxaan halkaan isugu nimid inaanu dalkeena dhiigbaxaya inaan wax ka qabano ayaan isugu nimid. Hadaynaan anagu la imaan niyosami iyo waxqabad inaga dhab ah, cidkastoo dibada nooga timaada, ama ha ahaato wadamada deriska ah ee IGAD oo keenay ciidamada maanta Muqdisho amaankooda la harsanayo, ama dunida inteeda kale, oo iyagu ilaa maalintii burburka Somalia aan ka daalin in dadka Somali garab taagnaadaan. Ha ugu dambayso caalamka oo dhan oo maanta usoo gurmaday dadka gaajada iyo macluusha u liita oo abaaruhu ay saameeyeen iyo dadka barakaca meel walba ku jooga. Anaga hadaan Somali nahay waa inaan anagu qaadna mas’uuliyad inaan amaankeena soo celinaa, inaan horumar dalkeena u samayno, inaan dadkeenii iyo dalkeenii kala go’ay dib isugu soo celino.

Rageena maanta talada haya ILAAHAY aan la kaashano aan aragno Somalia oo mar labaad midowday inaan aragno. Sida ILAAHAY Qu’raankiisa ku yiri: Innallaha yugariyu maa bi Qowmin, xataa yugayiru maa bi anfusihim (Suraatu Racad, ayaada 11) Dad dibada inooga yimid gacansiin mooyee waxaan uga baahan nahay nama siin karaan. Waxaa loo baahan yahay in kalsooni aan isa siino, is-aaminno, in wixii tagay la iska masaabaxo. Inaynu ka shaqayno sidii loo wada noolaanlahaa, iyo sidii la isku soo dhexgali lahaa, sidii aasaaska loogu dhigi lahaa dowlad Qaran oo Soomaaliyeed oo soo noqota, dowladaha caalamka meel ka gasha, sharafta ummada Soomaaliyeedna soo celisa.

Arrimaha shirka

Ajendada shirkaan waa cadyahay. Waxaa weeye mudda 1-sanno ah inaanu ka shaqayno qodobayno sidii amaanka dalka oo dhan loo sugi lahaa, sidii Constitution ama Xeer Qaran oo Federal ku dhisan oo lagu wax qaybsado maamullo ku jiraan Dowlad Dhexe-na ay jirto in lagu dhamaystiro, in Baarlamaanka tirada badan 550ka ah oo kii India ka badan loo celiyo tiro macquul ah, way dhici kadhaa tiro ka mid ah 550-kaas inay isyiraahdaan amaad soo noqon weydaa, ILAAHAY baa calafka haya meel kale baad wax ka helaysaa.

Waxaan anaga hadda ka hor soo jeedinay 123-dii Dowladii Soomaaliyeed oo dadku doortay oo 1969-kii ciidamadu rideen in lagu daro bar-kaliya oo laga dhigo 185- xildhibaan. Inaka badan. Waxaan u malaynayaa in dalka Soomaliyed uu bixin karo kharashkooda.

Waxaan u baahanahay dowlad-wanaag. Dad yar oo aan aniga aan ka mid ahay baa xasuusan. Dadkiina qaar waxay leeyihiin maxaa loola jeeda, hadaysan buug ka akhrin maba aysan soo arag. Waxaa weeye dowlad muraayad ah oo dadku arkayo waxa meesha lagu samaynaayo. Waxaa weeye dowlad oo hey’adaheeda iyo adeegyadeeda ay dhisan yihiin, kuwa amniga, kuwa tacliinta, kuwa caafimaadka, dhinac walba ay dhisan yihiin.

Dib-u-heshiisiinta

Waxaa loo baahan yahay in la gaarsiiyo dib u heshiisiinta meelaha dhibaatadu ka jirto oo wax badan tirsanaya. Anaga waxba tirsanmeyno hadda laakin wax waa dheceen. Anagaa Xamar maanta nimid. Waa markii sadaxaad aniga aan Xamar imid maanta. August 1991 shirkii Djibouti waan ka qaybgalay, waxaan imid 2000 ayaan imid, maantana waan imid. Toban toban sanno baa u dhaxeeya. Hadaan maanta wax ka soo bixi waayaan waxaad ogaataan in la kala tashan karo.

Wax badan dad badan bay ku xiran yihiin. Fursad baa maanta haysanaa aan ka doodno wixii macno leh, wixii xunna xusuusteeda aan ka tagno.

Caqabadaha hortaagan Qarannimada

Walaayaal ama Ergooyin halkaan isugu yimid, howl adag baa idiin taal. Howsha idiin taala taariikhda baad ku galaysaan. Israacii Soomaaliya baad ku dhalin kartaan. Waa ognahay caqabado baa jira. Caqabadaha ugu xun Somalia dib u heshiisiinteeda iyo dib u dhiskeeda iyo inay isku soo noqoto hor tagaan, xabadda iyo qoriga baa la hormariyaa. Mid ka xun baa jirta. Waa Qabyaalad.

Qabyaalada ayaa ugu xun, iyo Jahliga uusan qofku garanayn waxa Qabyalad ay tarayso. Jahli weeye. Taariikhda Islaamka wakhti baa jiray oo la oran jirin Jaahiliyah intaan Kitaabka Nabi Maxamad scw loo soo saarin. Anaga wakhtigaas baan ku jirnaa hadaba Nabi ma harin oo Nabi soo baxaya ma jiro, laakin anagaa howshaas nagala rabaa. Waxaan loo baahanahay inaan ka gudubno in ninka ciidan ka ah loo arko inuu Reer Hebel yahay. Waxaa loo baahanyahay inaan ka gudbo ninka dambiga galay inuu Reer ka tirsanahay. Labaduba waxay ka midyihiin dadka dalka degan. Waa in loo arkaa ciidamada inay yihiin hey’adihii nabadgelyada dalka, nin kastoo unifoom qaba oo la soo dhaweeyaa. Nin kastoo dambi galaa waa in loo arkaa inuu dambiile yahay oo uu soo sheegaa kan dadka u xiga, haduu wiilkiisa yahay iyo haduu Aabihii yahay iyo haduu Adeerkii yahay. Arrintaas Qabyaalada ka gudubkeeda waa tii aan Xorriyadda ku helnay. Dad anaga inaka cilmi yar, inaka hanti yar, inaka tiro yar oo ka bilaabmay magaalada maanta aan joogno Xamar 1943-kii ayaa gudoomiyay inaan Qabyaalad waxba taraynin, ee Qabyaalad-la’aan xorriyad lagu gaari karo wayna gaareen.

Burburka maskaxda

Natiijadii ay dhaliyeen oo anagu aan ku dhalanay, oo ku wax baranay, oo ku barbaarnay, ayaa anagu meeshii ay iyagu ka guureen dib ugu celinay. Waxaynu ka dhaxalnay waxa maanta ina haysta.

Waxaa kaloo na soo galay wax aan jiri jirin. Qolo kale baa timid. Xagjirn baa timid, Argagaxisaa timid, burcad badeed baa timid. Waa caqabad kale.

Waxaa yimid dadkii u janjeersaday inuu ficil xun qaato oo dagaal, mid qabiil-qabiil la isku laayo ha ahaado ama mid wax lala dirirayo la aqoon ha ahaado inay yimaadeen. Qabyaalad iyo burbur siyaasadaysan oo dad isleeyahay waxbaad ku helaysaa. Magaalada burbursan waxaa ka burbur wayn maskaxda burburtay. Madaxii baa burburay. Waayadii hore oo aniga aan garaadsaday oo Qabyaalad la’aanta aan ku garaadsaday, markii la yaabo Qur’aan baa la akhrisan jiray. Hadana ma aqaan Quraanka sida loogu heshiinayo, inta firqadood oo Diin sheeganaysa iyo in meel ka baxday garan mayno Anigu kolay midna ma ihi. Marka halaga ducaysto dadka aniga oo kale ah oo aan midna ka tirsanayn.

Canshuurta iyo Ganacsatada

Waxaa jira oo kale ka faa’idaysteyaal baa jira ka faa’idaysta dagaalka oo aan garayn khasaaraha ay keenayso. Ganacsatada baa ka mid ah qaarkood. Xamar baa lagu tilmaami jiray. Ma rabaan canshuur inay bixiyaan. Puntland laftigeeda waa ka jira. Waxa aan furdooyinka ka qaadno mooye, macaashka lagama qaadi karo ma bixiyaan. Canshuurtu waxaa weeye, naftaada ku daafac oo horumarkaaga ku samee. Hadii aadan saas yeelin, mid jiri ah baa kaa qaadaya adna dhulkuu ku dhigayaa wayna dhacday. Waa ognahay Al Shabaab inay baad ka qaadaan ganacsatada. Laakin canshuurta dowladu ay ku waajibisay oo dadka adeega loogu qabanayo ciidanka amniga mushaarka lagu siinayo ma bixinayaan laakin baada way bixinayaan. Anaga laakin waxaan ka xishoonaa inaan baad ka qaadno. Marka way imaan doontaa in ninkaan canshuurta bixin uu la mid noqdo burburiyaha Qaran uu la mid noqdo waa imaanaysaa waana ku xisaabtami doonaa. Somalida ceeb bay ka baqdaa. Waagi hore kolay siday ahaan jirtay. Markay qabiilka ahayd waxay oran jireen reerkeena waxaasaa ceeb ku ah, gabadheena guur ma leh. Gabdhaha guurkooda aad baa loo jeclaan jiray xoolo badanna waa laga qaadan jiray waana la isku ixtiraami jiray. Hada ma aqaan waxba lagama xishoodo. Maahmaahyo cusub baa soo baxday waxaa la yiraahdaa “Ceeb waa afmaroojis cidna waxba kama qaado.” Waa maahmaah jiri ay bixisay iyo waxaan xishoonayn. Waxa dadka xagta oo hantidooda qaata aan sharafta ku noolayn. Kuwaasi meel fog gaari mayaan.

Mahadcelinta Beesha Caalamka

Waxaan jeclahay intaan hadalkeyga ka bixin halkaan mahad uga soo celiyo Beesha Caalamka dhamaanteed, garabka ay siiso Somali oo ay ugu horeeyaan Dowladaha IGAD oo shirkii 2002 ilaa 2004-ta waday iyo kuwa deeq-bixiyaha ah oo caalamka oo Dowladaha Reer Galbeedka ay ugu horeeyaan oo iyagu dadka Somalida ah muddo ka badan 30-sanno iyo dheeraad wixii qaxaayay ama Dowladii Militariga haka qaxeen ama intii ayagu ay islaayeen oo barakicii Soomaliyeed dalkooda dajiyay oo aan isleeyahay dadka Soomaliyeed maanta deegaamadaas bay ku noolyihiin waxna ku bartaan. Waxaan mahad gaar ah usoo jeedinayaa Dowladaha deriska ah oo kumanaan-kun Qaxootiga Soomaaliyeed oo abaaruhu barakiciyeen albaabada u furay oo dalkooda ku haya. Waxaan mahad usoo jeedinaya guud ahaan cid kasta oo Somali gacan qabatay muddaan adag oo taariikhda galaysa oo la xasuusan doono. Si gaar ah waxaan jeclahay inaan ugu mahadnaqo Raysul Wasaaraha Dowladda Turkey Recep Tayyid Erdogan oo isagoo Qoyskiisa wata u bareeray Muqdisho oo anagu maanta sidaan kusoo dhexmarnay ILAAHAY ogyahay wuxuu tusaale u noqday Beesha Caalamka madaxdeeda oo dhan inay imaankarto Xamar. Si gaar ah ayaan asaga iyo dowladadiisa ugu mahadcelinayaa.

Ducada Madaxweynaha

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu qulubteena isku soo celiyo dhibaatadana inaga saaro, iyo xumaanta, iyo cuqdiga iyo xasadka iyo qabyaalada, iyo midnimo xumada iyo meel soke wax ka eegid. ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu Dadka Somaaliyeed mideeyo oo Qarankii Soomaaliyeed dib usoo cesho. Inaga ayay inagu xiran tahay ogaada. Waa inuu nin walba wax qabtaa. Aad iyo aad baan idinku mahadcelinayaa dhagaysiga wanaagsan dhamaantiin oo dhan.

Wassalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakaatu

La xiriir:
Xafiiska Madaxweynaha Puntland
Email: info@puntland-gov.net

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.