Home » Maqaallo »

Ururka Puntland Diaspora Forum oo baaq nabadeed u diray dadka reer Gaalkacanyo

Waxaa ururka PDF uu aad uga xunyahay dhiigga dadka walaalaha ah ee ku daatay dagaalkii labada maalmood socday ee ka dhacay xaafado ka mid ah Magaalada
Madaxda Gobolka Mudug ee Gaalkacayo. Waxaanu tacsi u diraynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii dadka kaga geeriyooday dhacdadaasi anagoo u rajaynayna samir iyo iimaan inuu Ilaahay ka siiyo.

Waxaan dhamaan shacabka walaalaha ah ee reer Puntland xusuusinaynaa muhiimada ay leedahay nabadu, taas oo halbowle u ah sidii loo heli lahaa wadajir iyo wadanoolaansho dhab ah.

Halkan ka akhri qoraalkii oo PDF ah
Sidaa awgeed, waxaan ku baaqaynaa:

1: In sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo xabadda, lagana waantoobo hurinta colaadda iyo hub urursiga labada dhinac, loona turayo shacabka maatada ah.

2:In guddi dhexdhexaad ah oo leh Isimmo, culimmo, indhagarad iyo aqoonyahan loo saaro si ay ugu kuurgalaan, u xakameeyaan una soo afjaraan colaadan iyada ah.

3:In sugidda amniga iyo nabadda magaaladda laga wada shaqeeyo, laguna taageero hay’addaha amniga sidii ay waajibkooda u gudan lahaayeen.

4:In aan la ilaawin in reer Puntland ay wada yihiin hal qoys oo isku ab iyo isir ah, sidaa awgeed ay waajib tahay qadarinta iyo xurmaynta wada dhalasho.

5:In la iska dhowro lagana wada hortago in dhacdadaan ay ka faa’iidaystay kooxaha iyo ashqaasta nabaddiidka ah kuwaas oo ka soo horjeeda nabad iyo xasilooni ka dhalata Mudug iyo Puntlandba.

Waxaan ugu dambayntii ururka PDF ku baaqayaa in hab wadatashi iyo wadajir ah xal waara looga gaaro ka hortaga dilalka qorshaysan, amni darada, colaadda iyo aamin darada ku dhex jirta bulashada Gobolka Mudug.

Waxaan mar labaad Ilaahay uga baryaynaa intii ku dhimatay dagaalkaasi inuu u naxariisto, inta ku waxyeelowda degdeg u bogsoodaan.

La xiriir: puntlanddiaspora@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.