Home » Faallo »

Shareecadda iyo Al-shabaab (3)

Wallaalayaal waxaa wali noo socda Hadalladii Dr.C/siis Abu fadal ee ku saabsanaa ka hadalkiisii
xarakada AL-Qaacidda oo uu u ahaan jiray aragtidheerihii Jihaadiyiinta, waxaa noo soo socda qoddobkii (2).

(2) Shuruudaha iyo Mawaanicda Jihaadka:

Shiikhu wuxuu yiri Jihaadku wuxuu leeyahay Shuruudo ay lagama maarmaan tahay in uu la yimaado Jihaadku,
Sidoo kale wuxuu leeyahay waxyaabo in uu ka dhartirmo la doonaayo oon jihaad lagu qaadi karin haddii la helo.

Shiikhu wuxuu asagoo ka hadlaaya mawaanicdaas soo qaatay Aayadda Quraanka ah ee oroneysa:

( وَقَاتِلُوهُمْ حَتَّى لاَ تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ الدِّينُ لِلّهِ فَإِنِ انتَهَواْ فَلاَ عُدْوَانَ إِلاَّ عَلَى الظَّالِمِينَ ( La dagaalama Gaallada xataa intii laga waayaayo wax fidno ah , Diintoo idilna Allaah u sugnaaneyso ….)2:193

Shiikhu wuxuu yiri ka warama haddii Jihaadku asagu fidno keenaayo, kaas jihaad miyaa ??? maya kaas jihaad laguma tilmaami karo, ka warama haddii uu jihaadku keensanaayo in dad muslimiin ah ay ku le’daan, lagu bararakiciyo , naftooda ku waayaan, lagu xalaaleysto sharaftooda , naftooda iyo maalkooda.

Kaas jihaad ma ahan buu yiri Shiikhu, Islaamkuna wuxuu u yimid maslaxadda Bani’aadamka ee uma imaanin dhibkooda , waana in la kala hormariyaa siyaabaha ay u kala horeeyaan waxyaabaha muhiinka u ah dadka muslimiinta ah ( AL-Awliyaat)!!!

(3) ISQARXINTA IYO ISMIIDAAMINTA:

Shiikh abuu fadal wuxuu yiri haddii Jihaadku uu keensanaayo dil dad muslimiin ah ma banaana in la qaado, wuxuuna u daliilsaday Aayadda Quraanka ah ee oraneysa :

( .وَلَوْلَا رِجَالٌ مُّؤْمِنُونَ وَنِسَاءٌ مُّؤْمِنَاتٌ لَّمْ تَعْلَمُوهُمْ أَن تَطَؤُوهُمْ فَتُصِيبَكُم مِّنْهُم مَّعَرَّةٌ بِغَيْرِ عِلْمٍ… Haddii uusan jiri laheyn rag Mu’miniin ah ama Haween Mu’minaat ah oo aadan ogeyn in aad waxyeeleyneysaan markaasna ay idin taabato Ceeb aadan fileynin ).48:25

Haddaba Shiikhu wuxuu yiri haddiiba loo diiday Nabi Muhamed NNKH in uu Reer Makkah ku duulo asagoo kari kara in uu qabsado, sababtuna aheyd in ay ku waxyooloobaan Dagaalkaas Rag mu’miniin ah iyo Haween muminaat ah oo Diintooda Qarsanaaya(1) , Bal ka warama Haddii Jihaadka maanta uu keensanaayo in kumaankun Muslimiin ah Dhulkoodii lagu laayo ayagoo guryahooda dhexdooda jiifa ama meelaha shaqadooda jooga, ama iskuulada ku jira ama Masaajiddada Cibaado ugu jiro.

Taas ma banaano in Jihaad lagu tilmaamo waana waxa maanta Caalamka islaamka ka socda oo ay Masuul ka yihiin ururka xag jirka ah ee AL-Qaacidda .

Shiikhu wuxuu yiri Isqarxinta Ma banaano in uu Ruux muslim ah in uu naftiisa dilo ama isqarxiyo, sida aysan u banaaneyn in dad muslimiin ah dhexdooda la isku Qarxiyo.

Allah wuxuu kaloo Quraankiisa ku yiri asagoo la hadlaaya Muslimiinta : ( .وَلاَ تَقْتُلُواْ أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا…. Naftiina ha dilina maxaayeelay Allaah wuxuu idiin yahay mid idiin Naxariista ) 4:29

Sidoo kale wuxuu Nabigu yiri NNKH : ( Ruuxii midi isku dila Adduunka korkiisa, maalinta Qiyaamaha naarta dhexdeeda ayuu Midi isku mudayaa oo isku dilayaa, kan sunta cabana naarta dhexdeeda ayuu sun ku cabayaa, kan Buur iska soo tuurana naarta dhexdeeda ayuu Buur iska soo tuurayaa ) Ama sidaas oo kale ayuu yiri .

Shiikh Noo Bilaaw :

Shiikh abuu fadal wuxuu yiri asagoo Dhallinta la hadlaaya yeysan Ayman iyo Bin ladin idin duufsanin haddii Isqarxintu Jihaad tahay ??? waa in aad dhahdaan Shiikhoow noo bilaaba oo adinku Isqarxiya marka hore.
Waa Su,aal da’ weynoow madaxa Daalineysee maxaa Dhallinta uun Isqarxinta ku koobay ???

Maxaan u arki weynay Godane, Ibraahim Miicaad, Rooboow, Shongolo, Xasan Afrax,Jaamac C/salaam, Xasaan Xuseen oo isqarxiya ???

Jihaadku ma carruurta uun buu ku ansaxaa miyuusan Nabi Muhamed NNKH Dagaalkii Uxud lagu dhaawicin, sowtii Saxaabaddu noo soo Wariyeen Dagaaladeena waxaa ugu kululaa Meesha Nabigu dagaalka kaga jiro.
Hogaamiyayaal aan dagaalameynin ee Carruur 12 jir ilaa 17 la qarxinaayo.

Al-qaacidda Waxay Qarxiyeen oo dileen Dad Muslimiin ah maxaayeelay meesha ay dagaalka ka bilaabeen waa Muslimiinta dhexdooda ( Hareeraha Muslimiinta dab baa ka holcaaya ) !!!!!.

Bal Akhristoow ila fiiri immisa Qarax bay Al-shabaab sameeyaan intii ay joogeen ka soo bilaaw waaggii Maxaakiimta, Haween Masaakiin ah oo dhulka xaaqaayey ayey Qarax la beegsadeen waagii C/llaahi Yusuf , Seddex jeer bay Geedi la beegsadeen, C/llaahi yusuf asagana labo jeer, ma iloobi karno Qaraxii Baladweyne ee lala beegsaday Col. Cumar Xaashi oo lala dilay 70 in ka badan oo shacab ah , Hoteel Shaamuu Maxaa ku ogeysiiyey Hoteel Shaamuu waa meel lagu Galaaftay DR. Ibraahiim Cadoow oo Sooman, Axmed Waayeel Aasaasihii Dugsiga caanka noqday ee Shaafici, DRs. Qamar, Suleymaan colaad rooble, Dr. Shido Aasaasihii Jaamicadda Banaadir, Dhakhaatiir 7 sano waxay soo baraneysay, Macllimiintoodii, Waalidkood iyo Dad Rayid ah oo fara badan oo lagu qiyaasay 39 qofood iyo boqolaal ku dhaawacantay(2).

Sidoo kale maalin Soon ah iyo wixii ka dhacay Hoteel Muna oo askar iyo 4 xildhibaan lagu Qatala, Qaraxii Bakaaraha ee masjidka Abuu hureera.

Qaraxyadaas iyo kuwa kale oo fara badan waxaa lagu fuliyey dad Muslimiin ah, waxaana fuliyey Dhallin madaxa laga xaday Marka Shiikh Abuu fadal wuxuu ku leeyahay inta aadan isqarxin ku dheh Horjoogahaaga Shiikh adigu noo bilaaw haddii ay sax tahay, Haduu diido iska diid ?????.

(5) Heshiiska iyo wada Noolaashaha Caalamka

Waxaa la weydiiyey Ayman Dhawaahiri Islaamku muxuu ka qabaa in dad dhulkoodii balan iyo cahdi aad ku gasho in aad dagaal ka dhex qaado ??? macnaa wadamada Adduunka Visa ayey bixiyaan taas oo macnaheedu yahay in aad wacdi iyo Ballan ku gashay in aad wadankaas si nabad galyo ah aad ku joogeyso.

DR. Ayman wuxuu ku jawaabay Ereyga Visa ayaan ka baaray ( encyclopedia britannica ) mana sheegaayo wax
Balan ah ama cahdi ah , sidaas darteed balan naguma laha ayuu uga baxay jawaabtii su,aasha Islaamku muxuu ka qabaa in aad qarax ka geysato dhul aad nabad ku soo gashay iyo Viso ???.

Shiikh abuu fadal wuxuu yiri Cilmi la’aanta Diinta ee Hogaanka AL-Qaacidda waa sidaas ??? (3)

Wuxuuna soo daliilsaday Aayadaha Cahdiga iyo Balanta in aan la jabinin ee Quraanka ku soo arooray Sida :

A) Balanta oofiya maxaayeelay balanta iyo cahdiga aad gashaan waa la idin su,aalayaaوَأَوْفُواْ بِالْعَهْدِ إِنَّ الْعَهْدَ كَانَ مَسْؤُولاً .

B) Kuwa Allaah iyo Nabigiisa Rumeeyayoow oofiya Balamada aad gasheen ee aad xoojiseen ا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ أَوْفُواْ بِالْعُقُودِ .

C) Haddii uu idin magangalo mid ka mid ah mushrikiinta magangaliya ilaa uu ka maqlaayo hadalka Allaahوَإِنْ أَحَدٌ مِّنَ الْمُشْرِكِينَ اسْتَجَارَكَ فَأَجِرْهُ حَتَّى يَسْمَعَ كَلاَمَ اللّهِ .

Nabiguna wuxuu yiri ( Ninkii dila Ruux mucaahid ah oo muslimiinta ku dhex nool helimaayo Carafta Janada )
ama sidaas oo kale ayuu yiri.

Haddaba haddii laguu diiday in aad disho nin muslimiinta ku dhex nool waxaa taas la mid ah in aad isqarxin ama bambo ka dhex tuurto dad aad wadankooda balan ku joogto oo aad cahdi ku gashay.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa Qeybtan Hogaanka AL-qaacidda iyo dabadhilifkooda AL-shabaab waa dad ka dhartiran Cilmiga Diiniga ah ama Shareecadda mana u suubadaan in ay Fatwoodaan, Haddii ay Fatwoodaanna waa ku Qosleysaa Cilmigooda iyo Fatwadoodaba, Bal Fiiriya Fatwada laga fiiriyey( encyclopedia britannica ) miyey u suubataa Ruux Ahlu Cilmi ah in uu fatwadaas oo kale ku xalaaleysto Dad Shacab ah oo Birmageydo ah.

waa inoo Qeyb kale iyo Shareecadda iyo AL-shabaab.

Fii Amaani laah .
Shiikh Saahid mohamed yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com

(1) Waxay Mufasiriinta Qaarkood sheegaan in Mu’miniintaas ay ahaayeen 12 Ruux oo kaliya.
(2) Dad baa oran doona Hoteel Shaamuu Al-shabaab ma qiranin ??? oo miyey Qiran karaan???
(3) Mudakiratul Altacriyah minal Tabri’ah li abii fadal Dr. C/SIIS.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Shareecadda iyo Al-shabaab (3) "

  1. SCWXWB:
    Nafie cumar Wallaal horta anigu Aayadda Ma Fasirin ee ee DR.Abu fadal ayaa fasiray anigu waan soo gudbiyey oo kaliya.
    Midda kale haa fidnadu waa Shirkiga se Shiikhu wuxuu u daliilsaday in haddii uu jihaadku dad muslimiin ah galaafanaayo waa fidno ee jihaad ma ahan.
    Midda kale jihaad waxaa la yiraahdaa shay wanaagsan oo gaalo iyo Muslimiin u dhaxeeya ee kan muslimiita dhexdooda u dhaxeeya jihaad lama yiraahdo ee waa dagaal fidno.
    Arrinka visaha qof kasta oo sameeyey waa cahdi aad dhul dadeed ku galeyso marka ma banaano in aad cahdigaas jabiso.
    Mar labaad hadaladda DR.Abuu fadal intaa noo socdaan asaga ayaa masuul ka waxa ah uu ururkaaskasheego

  2. Nafie Omar says:

    A/S/C yaa Saahid,
    wallaal waxaa jira waxa la yiraahdo Islam-phobia marka adiga qeeb ha noqon arintaas, dadka aad ku tilmaameyso Cilmi la’aan 70% waxaa hogaamiya mashaikh qof walbana waxa uu la imaaday Ijtihaad shiekh abu Fadil waxa u ka mid yahay culumada Ijtihaad-ka la timaaday Allahu Aclam mikdii ansaxay
    waxaa ku soo haray adiga waxaan filayaa in aad si qaldad ah u fasirtay Ayada Quran-ka ah Fitno michana ayada waxay ay ugu jirtaa Shirki ama Inxiraaf Muslimiinta waxaa Allah ku amaray in ay dagalamaan ilaa inta aduunka laga waayo cid Allah u shariikh yeesho diin oo dhan ay ka noqoto Alle xagiisa (islam)
    mida kale waxaa fican in aad wax badan aad dib u eegto aduunka hada waxa ka socdo Clash of Civilization maanta wixii ka dambeyo ma dhici doono dagaal u dhxeeyo wado iyo gobolo hada wixii ka dambeyo waxaa loo dagaalami donaa Caqiido iyo mabda’
    mida kale Visaha arinta ku saabsan waxa lagu sameyay markii laga riday qilaafadadi Islaam-ka waxaa lagu qasbaday in adiga oo Xaj u socdo visa dalbatid
    W.Towfiq

  3. kaahin Nur says:

    asc waraxmah, sxb ama walaal Sheekh Saahid aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida hufan ee habsimeysan ee aad walaal sida quraxda badan ukala haadisay nuxurka qoraalkaaga. Mahad dhamaanteed biloowgeed iyo dhamaadkeed Eebe ayaa leh, Nabad iyo naxariisna ha ahaato sharaf badane, Suubane Nabigeena Muxummad S,C,W. walaal waxaa cajiib ah sida ay Shabaaku ugu cayaareen heybaddii Diinteena. waxaa ashqaraar mudan sida ay uga dhar la,yihiin shareecada iyo aqoonteeda, waxaa kale oo yaab badan sida ay ugu degdegaan gaaleysiinta dadka iyo culimada Muslimiinta. waxaan shaki ku jirin inay yihiin firqu u ooman dhiig daadinta Muslimiinta uu Rabi xarimay dhiigooda. waxaan la yaabay sida ay iskula saxan yihiin dad kalena ay baadi u yihiin. Rabi waxaan ka baryayaa inuu hanuuniyo haduu Eebe hanuun la doonay, haduuna Eebe hanuun la doonina inuu naga cirib tiro firqadan sunta ee khatarta ah.

  4. SCWXWB:
    Waxaan filayaa in Qoraalka xaqiisu uu ku jiro in Qoraagu u tiiriyo hadal kasta Ruuxii yiri ama uu ka soo qaatay, taas ayaa caddaalad ah.
    Sheekada Aragtidheeraha jihaadiyiinta ee Dr. C.siis abuu fadal ayaa waxyaabaha uu ka sheegay ururka AL-Qaacidah wuxuu ku soo bandhigay Buugiisa la yiraahdo : ( Mudakaratul Altacriyah minal Tabri’ah ) !!!!
    Marka yeysan dad badan oo i yaqaana ama aan i Aqoonin u maleynin in aan aan Qoraalkaan iska mala Awaalay.
    Kitaabkaas asagoo dhan ayaa lagu soo Bandhigay joornaalka AL-Sharqul Awsadh ee soo Baxay bilihii OCT-NOV 2008, Halkaas ugu noqo.
    Midda kale Qoraaladeyda Shareecadda iyo Al-shabaab dad badan ayaa igu sifeeya in aan Jihaadka diidanahay se arrinku waxaa weeye ma diidani jihaadka ee waxaan diidanahay Khaladka Jihaadka laga galaayo.
    Haddii aad aragto Ruux Salaadda aan Aqoonin oo aan Rukuucdeeda iyo Sujuudeeda aan taam yeeleynin , oo aad ku dhahdo Salaadaadu waa qaldan tahay, Taas macnaheedu ma ahan Salaada ayaad diidan tahay ee waxaa weeye salaadda ayaa barax tireysaa oo qaladaadka u diideysaa si ay u ansaxdo .