Home » Announcements »

Jaamacadda Muqdisho: Dufcaddii 4aad ee Master of Business Administration

Mogadishu University

Postgraduate Program

Mogadishu – Somalia

OGAYSIIS MUHIIM AH

Xafiiska Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Muqdisho waxa uu ogaysiinayaa ardayda dhameysatay waxbarashada heerka jaamacadeed oo heysata Shahaado Jaamacadeed (Bachelor) 4 sano ah, in Jaamacaddu qaadanayso dufcadii 4aad ee Master of Business Administration takhasusayada kala ah:

    • Project Management
    • General Management
    • Entrepreneurship
    • Human Resource Management

Waxaa kale oo sanadkaani Jamacadda ku soo kordhisay takhasusyada kal ah:

  • Master in Information Technology
  • Master in Education
  • PhD in Business Administration
  • PhD in Information Technology
  • PhD in Education

Barnaamijyadan Jaamacadda waxay la fulinaysaa jaamacado caalami ah.

Sida:

  1. OPEN UNIVERSITY MALAYSIA.
  2. ASIAN UNIVERSITY

Barnaamijkani wuxuu u fududeynayaa ardayda dhamaysatay waxbarashada heerka jaamacadeed:

  1. In ay diyaariyaan  daraasaad sare iyaga oo ay caawinayaan khubaro Caalami ah.
  2. In ay adeegsadaan Manhaj tayo leh iyo Technologiyad casri ah.
  3. In ay helaan tacliin tayaysan iyaga oo aan ka dhoofin dalkooda hooyo, watana hawlahooda.

Qabashada faylashu waxa ay ka bilaabanaysaa xarunta Jamacadda Muqdisho ee Bosaso, Maalinta Talaadada 23/August/2011 waxayna ku egtahay   10/ September /2011.

Saacadaha shaqadu waa 8:00 subaxnimo  ilaa  12:00 duhurnimo iyo . 4;00 galabnimo ilaa 6:00 maqribnimo

Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan la xiriir Xafiiska daraasaadka sare ee jaamacadda Muqdisho

———————–

P.O. Box: 27081 Dubai, U.A.E.

Tel:00252-59-32454 / 00252-1-658479, Somalia    Fax: 00252-1-216820, Somalia

http://www.mogadishuuniversity.com E-mail: moguniver@globalsom.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Jaamacadda Muqdisho: Dufcaddii 4aad ee Master of Business Administration "

  1. waa tilaabo ka turjumaysa guulaha taariikhiga ah ee jaamacada muqdisho gaartay waxaan ku dhiira galinaya ardayda u baahan barnaamijka tacliinta sare in ay ka faa’iidaystaan ayagoo gurigoodii hooyo joogo waxaan kaloo maamulka jaamacadda ku dhiira galinayaa in halkaas ka sii wadaan dadaalka si ay usoo saaraan hogaamiyaal lagu higto ee anfaca wadanka soomaaliyam

  2. Waxaan aniga iyo inta ila mid ah ku faraxsanahay in dadka loo horseedo hormar waxbarasho, taas oo aan calaamadaheedii iyo dadaalkeediiba uga jeedno jaamcadda muqdisho, sidaas darteed waxaan ugu hanbalyeenaynaa howl wadeenada jaamacadda hormarka ay dadkooda la hiigsanayaan, waxaanna leenahay alloow idiin fududee anagana wax naga dheefsii.