Home » Faallo »

Taageeradda Caalamku, Ma Takoor Iyo Toogashaa??!

W.Q;- Maxamed Macallin Cismaan (All-man)

Jabuuti. fatxumaalik@hotmail.com.

Inkastoo uu macno balaaran yahay cinwaanku, haddana  ereyadda aanu  soo qaadaney, haddii aan si guud u sharaxno, waa ereyo si toos ah dareenka akh-ristaha u taabanaya, waxayna ku timid tabaalaha kala duwan ee ay soomartey Qowmiyadda Soomaaliyeed iyo sida loola dhaqmayey mudo qarniyaal ah iyo xiliga aynu joogno, waana mid sawir buuxa ka bixinaya halka uu gaarsiisan yahay dareenka dhabta ah ee dadka Soomaaliyeed, islamarkaana wuxuu xambaarsan yahay fariimo badan oo facyaasha soo socda fayl cusub uu u furidoona haddii Alle idmo.

Annigoon ku fogaan Akh-ristayaal, qormadeenan waxaan uga hadli doonaa taariikho kooban laga soo bilaabo xiligii Imaam Axmed Gurrey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Ururkii SYL, Kacaankii Militeriga ahaa iyo 21-sanno ee ka dambeeyey burburkii qaranka soomaaliyeed ku dhacay, waxaana ku muujin doonaa xujooyin cad cadd iyo sababihii shabaab ay ugu baxeen magaaladda Muqdisho oo uu ka hadlidoono mid ka mid ah ragga siyaasadda soomaaliya sida dhow ula socda, kadibna waxaan ku soo xiridoonaa su’aalo u baahan jawaabo oo aan la hayn cidda ka jawaabeysa.

Inkastoo qormadan ay qayb ka tahay Buugg aan qoraalkiisa wadey mudo todobo sanno ah, islamarkaana uu ii marayo gebo gebo, ayaan waxaan go’aan sadey in qaybtan idiin soo gudbiyo maadaama xiligeeda la joogo, islamarkaana qayb xiligan aynu ku jirnana aan ku  kabay, si bulshada soomaaliyeed mugdiga jira qayb uga ifino, islamarkaana inta faraha kula jirta arrimaha soomaaliyana ay ugu noqoto Oof ku qaraxda!!.

Marka xiga, qormadan waxay sawir guud ka bixineysaa, sida ay uga seexdeen qaybaha kala duwan Aqoon-yahanada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa arrimaha sharciga ku xeel dheer, sidoo kale, waxay dareen hor leh siineysaa wadaniga soomaaliyeed ee waayo jooga ah ee hurdada muda dheer ku jirey, inkastoo aan ka baqayo kuwa dhiig karka siyaasadeed qaba ee mudadii 21-sanno dalku bur bursanaa, islamarkaana dalka dhexdiisa ka doobinayey, haddii ay akh-ristaan laga yaabo kuraastu in ay la jabto, ileyn ma hayaan maskax ay isku xakameeyaane!.

Akh-ristayaal haddii aynu guda galno qormadeena, ma jecli in aan idiin soo gudbiyo wax ii gaar ah iyo wax aydaan hore ula socon, waxaana jeclahay in aan idiin soo xasuusiyo wax ruux kastaa dareenkiisa maskaxeed qaybo ka mid ah in badan is-weydiineysey sida looga gudbikaro iyo waqtiga ay qaadaneysoba, xaaladaha murugsan ee dalkeena ka jira in mudo ah. Waxaan soo aragney wax kasta oo bani’aadam maskaxdiisa aysan ku soo dhicikarin,  in dalkeena ay ka dhaceen, inkastoo marka la isku soo duubo guud ahaantooda ay iskula quman yihiin khaladaadka ay geysanayaan shekhsiyaadkan sheeganaya Muslimka, oo maalinba maalinta ka dambeysa sii galaya khaladaad sii gaamurey.

Sidaas darteed si looga baxo arrimahaas, waxaa la sameeyey isku dayo fara badan oo shacabka soomaaliyeed ay isku dayeen, qaarkood waxay noqdeen kuwo dhakhso baabba’a, qaar si u sii jira wali iyo qaar la marin habaabiyey habkii ay ku bilowdeen, dhamaan isku daydaasi, waxaa hagaasinayey SIRRO ISA SURAN MISANA, ISA SII SIRAYA! Oo ka dhex qodan shacabka soomaaliyeed gudihiisa!!.

Haddana waxaa lagu hawlan yahay hababb ka duwan oo ka khatarsan kuwii hore, saan saanteeduna waxaa ka mid ah Oraddka iyo ka hadalka abaaraha gacan ku rimiska ah ee dalka soomaaliya xiligan ka jira wax ka qabashadooda, waxaana ku duugan wajiyo khayaano cusub oo bar bar socda arrintaas oo aan si dhakhso ah loo dareemikarin, saan saantoodana qaybaha hoose ee qormadda ayaan ku ifin doonaa iyadoo si u hadoodilan haddii Alle idmo.

Sababtoo ah, dadka soomaaliyeed mudo 21-sanno ah, ayaa laga hortaagnaa wax kasta oo bani’aadamka noloshiisa kaabeysey iyo wax kasta oo uu isaga difaaci lahaa dhibaatooyinka soo wajahay, waxaa dhamaadey keydkii dalka iyo dadka soomaaliyeed nooc kasta uu yahay, waxaa si bareer ah loo bur burinayey amnigii iyo kala dambeyntii uu lahaa dalka, halkii uu ka soo kaban lahaa waxaa la qixiyey dhamaan, aqoon-yahankii, wax garadkii, maal qabeenadii iyo wax kasta oo bulshada indhaheeda ahaa, inta kalena waa la laayey. dadka soomaaliyeed ee sidaas loo galey, qaarkood marka ay dalka ka soo baxaan ayey dareemaan, halka laga Oof-wareemayo arrimahooda gaarka ah iyo kuwa guud, balse wax ma qabankaro ruuxu oo qaybtii kale ee uu la kaashan lahaa waa uu ka soo fogaadey ama dalall kale ayuu sida kan wax dareemay oo kale isna ku yahay!.

Marka si looga hortago arrimahaas soo socday, casharna looga qaato wixii laga soo gudbey oo lagu daro waxa xiligan taagan ayaa waxaan ka shekhsi ahaanteyda istusey bal in dadka wax fahmaya ama dareen iga badan xambaarsan aan u soo gudbiyo qormadan aan cinwaanka uga dhigay Taageeradda Caalamku, Ma Takoor Iyo Toogashaa??!.  Si,  si cilmiyeysan oo ay ku dheehan tahay danta Shacabka soomaaliyeed wax looga qabto, iyadoo aan la adeegsan hab cunfi ah ama habbka gacan ka hadal ah, lana maro waddo cusub oo aysan soomarin dhamaan ururaddii kala duwanaa ee dalka soomaaliya ka jiray qarnigii 20-aad iyo halganadii ka horeeyey, waayo kuwaasi qaarkood, waxay ahaayeen kuwo ku sii fogeeya dhamac galooleedka ay ku istaagtey Qowmiyadda soomaaliyeed, inkastoo aan jeclayn in aan canbaareeyo, laakiin xiligaas la joogay siyaasadaha iyo is-bedelada jiray, la oran karay jawaab ayey u ahaayeen!!.

“Taariikh-da dalkaagu, waxay ku tustaa qaranimadaadu waxay tahay, iyadaadna kaalinta aad ka jirto ku hilbo qaybsataa, duniduna xin iyo xifaaltan baa jira!” xigasho (Buugga Garbaduubka Gumeysiga).

Aan ka bilowno Alle ha u naxariistee Imaam Axmed wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee taariikh-yahanadda caalamka ay wax ka qoraan halgankiisa qaabkii uu ku aas aasmey iyo halkii uu ku dambeeyey, in kastoo kaasi uu ahaa mid ku bilowdey dulmi Ummadda Soomaaliyeed laga galay, islamarkaana ay ka guuleysatey markii hore, haddana guushii waxay noqotey mid la siihaysan kari waayo, sababbtaas wali waa la is-weydiinayaa, marka laga reebo gacantii ay ka heshey dowladda Itoobiya, boortaqiiska iyo dowladihii kale ee reer yurub oo gumeysi ugu yimid dalka soomaaliya qarnigii 19-aad dabayaaqadiisa, kadib shir gaar ah oo ay ku yeesheen dalka Jarmalka  magaalo madaxdiisa Berlin!.

Gardaradaas cadd dadka soomaaliyeed ma helin mas’uuliyiin si ciliyeysan arintooda u hogaamisa misana hor dhiga shucuuba caalamka, markii la jebiyey Imaam Axmed Gurrey, hawshuna waxay noqotey, dulmigii hore mid ka daran in lagu sii sameeyo, bal ee ay isa soo kaashaadaan dowladihii reer yurub iyo dowladda Itoobiya oo halkaas hawshii hore u socotey mid ka sii daran lagu dhaqaaqay, lamana dhihikaro dunidu xiligaas xil kasta kama jirin iyo waa ka jirey!.

Sidoo kale halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu ahaa mid taariikh-yahanadda caalamka ay wax ka qoreen guushii uu gaaray, balse waxay noqotey mid aan la hannan, ugudambeyna waxaan filayaa sida loo jujuubay ama loo caburiyey in taariikh-yahanada caalamku ay si waafi ah uga  dheregsan yihiin, taasina waxay ahayd jabb kale oo qowmiyadda soomaaliyeed soogaarey!!.

Iyadoo aan la dhayin dhaawacaas, mudo kadib ayaa Halgankii xornimadoonka soomaaliyeed ee uu horseedka ka ahaa ururkii SYL,  sidaas ku bilowdey, waxaana la orankaraa, waa kan keliya ee ka tagay nidaam iyo kala dambeyn aan awood badan lahayn, islamarkaana curdun ahaa, iyadoo waliba aan laga harin sidii loo bur burin lahaa iftiinka yar ee soo bidhaamay, ayaa aakhirkii wuxuu keenay in taladii dalka ay la wareegaan kacaankii militeriga ahaa oo runtii isaguna la orankaro wuxuu la mid ahaa sida kii Axmed Gurrey iyo Sayid Maxamed Cabdulle oo guushii uu soo hoyey ma noqon mid miraheeda in muddo ah la gurto, marka loo eego yoolka halka Dadka Soomaaliyeed hankoodu ahaa, balse waxaa laga dhaxley taariikh kale oo fidisay gogol cadaawadeed oo waa la isugutagey, mana doonayo in aan waqti sii galiyo dowladihii isugu tagay, waayo ficilkoodii foosha xumaa ayaa wali guranayaan dadka soomaaliyeedna way ka seexdeen!!.

Shacabka soomaaliyeed is-ma weydiin sababaha arrimahan isku mid ka dhigay, iyadoo aan waliba wax ay ku kala duwan-yihiin uusan jirin, waxaana ugu dambeyn hawshu kusoo geba- gebowdey waxa ka dhacaya 21-ka sanno dalkeena, haddaan wax yar isku dayo in aan ifino boogaha ay qabto TFG oo u baahan, in si cilmiyeysan looga daweeyo ayaa waxay tahay,mid ka mid ah ragga aadka u dhaliilsan qaab hogaaminta guud ee dowladda oo la sheekeystey, wuxuu yiri

“dowladda waxay ka qayb gashaa shirar caalami ah, taasina waxay muujineysaa in dunidu ay u aqoonsan tahay dowladd soomaaliyeed ma xuma, laakiin wali siyaasiinta iyo shacabka soomaaliyeed ma is-weydiiyeen sababta Shacabkoodii Baasaboorka dal ku galka ay leeyihiin aan loo saarin Fiiso?!, waxaana taagan su’aalo kale oo aan la fahmikarin qaabka looga jawaabayo, waa yaabe mas’uuliyiinta dowladda yey matalaan, Ma shaqaalo Qaramadda Midoobey baa, mar haddaan shacabkii ay matalayeen dal ku galkoodu aan la aqoonsaneyn?!” mar aan weydiiyey sababta noo sheeg ayaa wuxuu ku jawaabey “Dhamaan su’aalahaasi iyo kuwo kale oo badan wali lama hayo jawaab waafi ah oo shacabka soomaaliyeed dunidu kaga qanci karto, marka laga reebo takooridaas ay ku sameeyeen oo la isma weydiin!”.

“dowladaha deriska la ah dalka soomaaliya qaarkood, waxay heshiisyo iyo martiqaadyo cadaan ah u fidiyaan maamul goboleedyada kala duwan ee ka jira dalka soomaaliya, waxay ka xishoodaan iska daayee, dowladahan qaarkood dekedaha dalka soomaaliya ayey kala soodegaan baahiyahooda gaarka ah, dhaqaalaha ka soo xerooda dekadahan halkay ku baxaan lama oga iyo waxay u adeegsadaan kuwa maamula, dowladuna ma sheegtaan in dowladooda ay tahay, dalkuna iyadaa dowladd u ah”! ayuu yiri.

Wuxuu keloo ka hadley dowladda Kiiniya iyo qaabka ay u dhaqantey xili  hore iyo xiligan la joogo “Halka xaruntii lagu soo dhisey TFG-da xiligan jirta tii ka horeysey, marka mas’uuliyiintii hore dowladda KMG ay u safraan dalkooda Baasaboorka ay wataan aysan saari jirin Fiiso!, balse Warqad kale fiiso ahaan loo siiyo!!, waaba haddii ay helaan, sababta keentay arrintaas ilaa iyo hadda kama hadlaan DFKMG, waxaana lagu xasuustaa dalkaasi in uu yahay dalkii mas’uuliyiin soomaaliyeed oo xasaanadooddii wata xiray!, iyadoo loogu qiil dayanayo wax lagu sheego Al-shabaab, Arrgagixiso, Burcad badeed iyo magacyo kale oo ay u bixiyeen dowladahan deriska ah shacabka soomaaliyeed!, si dunida inteeda kale looga takooro”!!.

Ninkan wuxuu  keloo ii sheegey “Laba ka mid ah saraakiisha maamul goboleedyada soomaaliya ka jira oo aan la sheekeystey, ayaa mid kasta wuxuu ii xaqiijiyey dagaaladda labad maamul isaga soo horjeeda, in hub iyo saanaddo kale ay ka helaan mid ka mid ah dowladaha deriska, halka dowladahan derisku ay ku andacoodaan markasta waxaanu diyaar u nahay wax ka qabashada xaaladda murugsan ee dalka soomaaliya”!, bal eeg akh-riste taageerada noocaas ah sow Takoor iyo Toogasho ma ahan?!, waxaan weydiiyey macagyadda saraakiisha iyo goobta uu kula kulmey? Wuxuu ku jawaabey “waxaan kula kulmey Garoowe iyo Hargeysa, magacyaduna kuu sheegimaayo” ayuu yiri

Wuxuu keloo soo qaatey hadal mar sii horeysey warbaahinta siidey “dowlaha kale ee reer galbedka  qaarkood sida mareykanka, waxay u dejiyeen siyaasadaha is-diidan ee dalka soomaaliya ka jira hababb ka duwan, habka xeerarka caalamka uu degsadey, halkii ay ku cadaadin lahaayeen isu-keenida dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxay yiraahdeen gobolada degan waanu amaaneynaa, islamarkaana sidooda ayaan u la dhaqmeynaa!!, hadaba dadka iyo dalka soomaaliyeed yaa laga sugayaa isu-keenidiisa”?! igu sooceliyey

“Waxaa kale oo intaa ka sii daran fal kasta oo fool xun oo ka dhaca dalalka nagu xeeran, kuwa qaaradda iyo kuwa caalamka, waxaa loo xiraa oo loo saariyaa dadka soomaaliyeed, sida ay soo wariyaan warbaahinta caalamka, waa yaabe soomaalidu tirabadanaa waxa kusoo duuley oo ku dhex dhuumanaya!! waxaana ugu dambeeyey kii lagu sheegey in uu ka tirsan yahay Booko Haaraam ee xafiisyada qaramadda midoobey ay ku lahayd dalka Al-jeeriya qarxiyey, ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid dalka Soomaaliya, taasina waa dagaal cadaan ah oo aan geed loogu soo gaban iyo ku xad-gudub xuquuqul insaanka dalka iyo dadka soomaaliyeed ee lagu shaabadeeyey wax kasta oo xun oo saxaafadeedda loo soomariyo, haddiiba sidaas loo og-yahay in soomaaliya uu ka yimid, maxaa loo sheegi waayey xiliga uu soogalayey dalka soomaaliya?!!”.

Akh-riste Intaas iyo ka badan way ku dhaceen shacabka soomaaliyeed, sida uu ii sheegay mid ka mid ah ragga sida gaarka ah ula socda falalkan guran, isagoo ka yimid dalalkan waaweyn, mar aan ku kulaney hoteel ka mid ah hoteelada caasimadda dalka jabuuti waxaa kale oo intaa u dheer “ kii ka cararay gaajada, dagaalka iwm ah, marka ay tagaan garoomadda caalamka, waa laga takooraa, xabsiyada dowladaha dunida qaarkood oo ay ugu horeeyaan dowladaha waaweyn ee reer galbeedka way buuxaan”! ayuu yiri.

Dhinaca kale dhowaan markii ay soo shaac baxeen baaxada abaaraha ka jira geeska Afrika, mid ka mida ragga sida gaarka ugu dhow xafiisyada UN-ka, wuxuu yiri “wakiilada kala duwan ee UN-ka ay usoo magacaabaan dalka soomaaliya, ayaa marka ay bilaabaan hawlahooda gaarka ah, waxay la kulmaan caqabado kala duwan oo aysan hore ugu soo talagelin, sababtoo ah, waxaa si dhakhso ah looga bedelaa jad-walkii uu lahaa mas’uulkaas, waxaana saameyn daran ku yeesha, wax lagu sheego wakiilada dowladaha daneeya arrimaha soomaaliyeed iyo Hay’adaha deeqaha bixiya ee ku sugan dalka Kiiniya!”, taasina waa takoor aan marna la iska eegin!.

Akh-riste anniga shekh-siyan waxaan aad iyo aad ula yaabey, Mudada 20-ka sanno ahayd ee dalka soomaaliya xaaladahan murugsan ku jirey, waxaa ka dhex muuqdey oo maamulayey wax lagu sheego Qaramadda Midoobeey, Ururka Isutaga Islaamka, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo IGAD, mas’uuliyiintoodu waxay sameeyeen wax kasta oo qawda maqashii oo waxna ha u qaban ah, aakhirkii waxay gaartey in la go’aamiyo in ciidamo loo soo diro oo ka socda Midowga Afrika, inkastoo dowladda Itoobiya ay si bareer ah u soo gashey gudaha dalka soomaaliya dabayaaqadii sannadkii 2006-k, waxayna ka geysatey waxay doonto, hawshuna waxay mareysaa hala kordhiyo ciidamadda!!, iyadoo dadka soomaaliyeed xiligan ay u baahan yihiin gar gaar bani’aadaninimo, shabaabkuna shirkasta oo ay yeeshaan Ururadan iyo dowladahan kala duwan, waxaad moodaa in xubno matala ay u joogaan, isla xiliga la soo geba gebeeyo ayey iyaguna ku dhawaaqaan, go’aanka la gaarey mid ka khatarsan oo lid ku ah!!.

Waxaan in badan isku dayey DKMG Soomaaliya waxay la shaqeyn weydey, markaan in badan isku dayey si aan wax uga ogaado, ayaa waxaan iftiin yar ka heley xubin ka mid ah xubnaha ururadda Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ku kulan goob ka mid ah deegaanadda aan ku noolaa xiligaas, markii aan  sheekeysaney waxay ii sheegtey in siminaar ay ku jirto, islamarkaana ay xubin buuxda ka tahay Jilayaasha aan Dowliga ahayn!, waxaan weydiiyey Jilayaasha Aan dowliga ahayn maxay qabtaan?, waxay ku jawaabtey “wax sidaas oo aan qabano ma jirto, waxaan sameynaa sidii lagu ogaan lahaa dhaqaalaha ay isticmaalaan DFKMG iyo maamuladda kale ee dalka ka jira, sida lacagaha la lunsado iyo habka maamul wanaaga sida ay u hirgeliyaan”!

Waxaan keloo weydiiyey addinka maxaa idiinka soogala? Waxay iigu jawaabtey “wax lacag ah nagama soogalaan, laakiin Hoteeladda, Tikidhka iyo cuntada aan isticmaalno ayaa waxaa bixisa hay’add hebla oo magaceeda igu cusbaa xiligaas, inkastoo aan xifdin xanaaq aan ka qaadey”! oo xageed u safartaan ayaan sii weydiiyey?, waxay iigu jawaabtey “dhamaan mas’uuliyiinta maamuladan kala duwan marka ay safrayaan ama shirar ay ka qayb-galayaan ayaan dhinaceena ka raacnaa”! oo iyagu ma og-yihiin ayaan weydiiyey? “ma oga iyagu, laakiin annagu waa nalagu martiqaadaa shirarka ay ka qayb galaan”!! waa yaab iyo amakaag, shacabka soomaaliyeedoow bal ka warama arrintaas maxaad ku jawaabi lahayd addiga?!!, waxaan qaybaha warbaahinta caalamka ka maqalnaa in hay’add hebla baaritaan ay sameysey, lagu ogaadey dal hebel in uu ka mid yahay dalalka ugu liita xaga maamulka, soomaaliyana ay ka gashey kaalinta ugu hooseysa!, ileen Mas madoow oo maamulka ku dhex jira ayaa ruuga madaxdan iyo hawlahooda gaarka ahba oo sidaas dowladdii looga aamin baxaa, ileyn shekh-sigan wax soo aruurinaayo waa shabaab iyo qabaa’ilada iska soo horjeeda oo kalee ama waxaa laga yaabaaba , in xilalka kala duwan ee ay hayaan xubnaha dowladda uu mid isagu si gaar ah u calaameystey!.

Ma xuma in baaritaan la sameeyo oo dabagal lagu sameeyo maamuladan kala duwan, Islamarkaana wax laga ogaado, laakiin is-weydiintu waxay tahay addiga waxaa tahay muwaadin soomaaliyeed, hadaba ma ogoshahay in shekh-siyadaada hoose ay ogaadaan cadowgaaga?, masa la socodsiisey mas’uuliyiintan kala duwan khaladaadka ay ku jiraan?, khaladaadka mas’uuliyiinta dalkaaga ka dhaca ee aduunka lagu shaaciyo qayb intee la eg ayaa kaa soogaareysa?, iyadoo markii horeba amni dero iyo nidaam la’aan mudo soo jiitantey ay ka jireen dalka soomaaliya, hadaba sidee dowladd soomaaliyeed ku istaageysaa, haddii sidaas iyo si ka daran wax looga gudbiyo dowladda, sow aaminaadii yareyd ee ay ka haysatey dowladaha caalamka lumimeyso, islamarkaana sow ma soo baxayso TFG, MA TAAGEERNAA, MISE WAAN ISKA TAKOORNAA?!!

Marka aynu ka soo tagno arrintaas, sow lama dhihikaro Jilayaasha aan dowliga ahayn, waxaa lagu magacaabikaraa dumiyayaasha aan dowladdba dooneyn?!, sababtoo ah, dhaqaalihii kaalmada ahaa ee loogu talo galey in dalka iyo dadka soomaaliyeed wax loogu qabto, waxaa lagu aas aasey wax lagu sheego Ururadda Bulshada oo hawshooda keliya ay tahay bur burinta dalka iyo dadka soomaaliyeed, inkastoo aysan is ogeyn dadka ka shaqeeya, halkii ay dabagal ku sameyn lahaayeen halka ay ku bixiyaan hay’adahan kala duwan ee sida Miiga u duulaya oo ay toosh-ka ku ifin lahaayeen, iyagaa dadkoodii iyo dalkoodii lagu jeediyey, lacagta la siiyana sannadkii marka la isugeeyo shantii Urur ma dhama $500,000, waxaana macquul ah in lagu sixiixo $5000,000, waxaase su’aal kale ah, imisa hay’adooda oo qaab qarsoodi ah uga shaqeeya dalka Soomaaliya, dhamaan arrimahaas iyo kuwo kale oo aan awoodin in aan afka soomariya dalka soomaaliya way ka jiraan akh-riste la soco!!, TFG-na diifkeeda ayey cuntaa!.

Iyadoo sidaasi ay jirto ayaa dalka waxaa ka dhacay abaarahan daran ee ay la yaabeen dhamaan inta bani’aadam uu yaabo, ugu dambeyn ururadii kala duwanaa iyo dowladihii kale ee arrimaha soomaaliya faraha kula jiray waxay gaareen, in ay isku eed eedaan halka ay marayaan arrimaha soomaaliya, ileyn dhac, bur burin iyo kala qoqobid ayey ku maqnaayeene ma iyagaaba filanayey hay’addahan waxaa ka mid sida kuwa Qaramadda Midoobey, Ururka isutaga Islaamka, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo IGAD, walina ma jiro Urur si toos ah hawshiisa u bilaabay, waxayna ku jiraan wax lagu sheego Qiimeyn xaaladeed!.

Waxaa warbaahinta caalamka laga siidaayey qaylo dhaan balaaran, waxaa la qabtey shirar kala duwan oo looga hadlayo arrimaha abaaraha ka taagan dalka soomaaliya, waxaana ka soo baxay balan qaadyo intooda badan aan soodhaafin halkii looga dhawaaqay, marka laga reebo in yar oo fara ku tiris ah oo ay soo bilaabeen dowladaha Islaamka, halka kuwa bixiyey balan qaadyada  kale ay dalka soomaaliya ku yimaadeen booqoshooyin kala duwan xerooyinka dalka gudihiisa iyo dibadiisa, raasina waxay u muuqtaa mid dal xiis ah, mar haddaan laga dhabeyn balan qaadyadoodii, islamarkaana woxoodu uu noqdey dheh oo ka dhaqaaq!!.

Dowladaha kala duwan ee dalalka Carabta, dadka soomaaliyeed ee ka cararay xaaladaha murugsan ee ka jira dalkooda, marka ay tagaan, waxay u geystaan wax ka duwan waxa ay u socdeen sida, xarig, jirdil, tarxiil iyo wax-yaabo kale oo ka baxsan nidaamka islaamika, waayo dadka soomaaliyeed ma siiyaan fiiso iyo daryeel kale marka ay tagaan halkaas, sida uu ii sheegay mid ka mid ah dadka mudada dheer ku noolaa dalkaasi.

Dhinaca kale Markii xaaladaha cakiran ay ku bateen dalka soomaaliya, waxaa badda soomaaliya ka bilowdey in la bililiqaysto, bal iska daayee heer waxaa la gaarey in la dhaco kaluumeysatadii yar yareyd ee dadka soomaaliyeed, halkaasna waxaa ka dhashay waji kale oo cusub, Kalluumeysatadii soomaaliyeed waxay sameeyeen fall celin, waxayna soo af-duubeen maraakiibtii badooda jariifayey, hawshuna waxay noqotey in shaqadoodu ay u rogaan af-duubka maraakiibtaas, maadaama shaqadoodii loodiiday in ay qabsadaan!, waxaana loo sameeyey magac bixin kale oo cusub oo waxaa la yiri Burcad badeed!, waxaana la aas aasey wax lagu sheego la dagaalanka burcad badeedda!.

Badda soomaaliya waxaa laga soo buuxiyey maraakiib aan la garan waxa dalka iyo dadka soomaaliyeed u hayaan, waxayna sameeyeen falal dhoola tus ah oo u muuqda qawda maqashii oo waxna ha u qaban, heer badda soomaaliya lagu sheego in la wasakheeyey, taasoo aan la shaacin cidda geysatey falkaas, balse laga wada dheregsan yahay, waxa ka dhaca badda soomaaliya gebi ahaanba.

Haddaan eegno Shabaab, mid ka mid ah ragga sida gaarka ah ula socda is-bedelada ka socda dalka soomaaliya oo aan sheekeysaney annigoo aan jeclayn in aan magaciisa xuso, sababo nabad-gelyo aw-geef wuxuu yiri “sheki kuma jiro in maamul ahaan, ciidan ahaan iyo siyaasadd ahaanba ay fashilmeen shabaab, islamarkaana waxa muuqda uu yahay wax la mid ah, xiligii hogaamiye kooxeedyada koofurta soomaaliya ka dagaalami jirey, markii uu fashilkooda soo dhawaadey wax la mid ah, sababtoo ah, waxaa ka horyimid dhalin yaradii ay adeegsan jireen, kadib markii ay ogaadeen saaxiibadooda kale ee dhaawacmay iyo kuwa dhintey, in wax daryeel aysan ka helin hogaamiye kooxeedkii ay u dagaalami jireen, taasoo ku khasabtey hogaamiye kooxeedyadii koofurta soomaaliya in dib ay u midoobaan, waxaana soo baxday wax lagu sheego is-bahaysiyo iska soo horjeeda, halka dhalin-yaradii diideyna ay noqdeen shufto ama is-baaraleey degan deegaanadda ay ka soojeedaan, sidaas oo kale ayaa ka muuqata, sababtoo ah, markaad eegta sida ay u kala joogaan deeganadda ay maamulaan, waxaa kuu soo baxaya sawir noocaas, waana sababta keentey in ay ka baxaan magaaladda muqdisho” ayuu yiri.

Isagoo hadalka siiwata waxaa uu intaa ku darey “Waxaa kale oo lagu sheegi karaa ka bixitaankooda magaaladda Muqdisho, si shirka wadatashiga ah ee lagu sheegay dowladda in ay qabaneyso, uusan u noqon mid meel iyaga ka fog ama aysan awood ku lahayn loogu qaban!, ileyn, haddii lagu qabto meel iyaga ka fog, waxaa ku adkaaneysa sidii ay wax uga ogaan lahaayeen iyo sida ay tash-wiish ugu furi lahaayeen.  waayo, xiligii shirka dibu-heshiisiintii ugu dambeysey ee lagu soo doortey Madaxweyne shariif ka socdey dalka Jabuuti, waxay sameeyeen iskuday kasta oo ay ku baajin karaan shirkaas, heer ururkii ARS uu laba u kala qaybsamo, iyagaana qaybta ugu weyn ee kala qaybsanaanta ARS lahaa, sida aan warar kala duwan ku heley iyo ragg kale oo awood ku lahaa ARS-ta oo siyaasiin ahaa, islamarkaana u muuqatey, in aysan meesha wax mansab siyaasadeed oo weyn ka heleynin!”.

Wuxuu keloo sii raacsadey “waxaan hubaa oo aan maqley, in khilaaf weyn oo qarsoon uu ka dhex jiro maamulkooda sare, oo qaar maamulka sare ah, waxay doonayaan in arrimaha wax laga bedelo oo xitaa ugu yaraan wadahal la furo, waana waxa dowladdu ay u qabaneyso wadatashiga oo waxaan hayaa in ragg maamulka sare ka tirsan lagu qanciyey in siyaasadda dowladda iyo maamulkeeda wax laga bedelayo, taasoo fududeysay ka bixitaanka magaaladda Muqdisho iyo waxaan keloo kuu hubaa halkii lacagaha ay ka heli jireen oo xirantey, ururkuna waxaa soogaarey dhaawac aad u weyn oo waxaa la diley Hogaamiyihii guud ee ay sheegan jireen Usaama, sidoo kale waxaa la diley laba xubin oo muhiim ahaa, islamarkaana isku xiri jirey soomaaliya iyo kuwa kale ee caalamka, shacabka soomaaliyeedna wey naceen hab maamulkooda guracan ee geedaha ka addagg, marka intaas la isu geeyo way fashilmeen” ayuu yiri

Akh-riste Is-weydiintu waxay tahay, shacab intaas oo dhbibaato ah loo geystey oo misana berigii ciidamo aan dalkooda u dhalan baabi’inayaan, kadib marka ay is-baac-sadaan kooxo kale oo la shaqeeya iyaga, islamarkaana sheegta Islaam, kana gudbey xuduudihii alle iyo kuwii kale ee bani’aadamka maankiisu ku cabirey, marka haddii xoolihii yaraa ee ay dhaqanayeen iyo dhul beereedkoodiina ay haleeshay abaar, nabad-gelyana loodiidey in ay ku joogaan, sow ku dhicimeyso wax hadda haysta iyo wax ka daran?!, waxaase hubaal ah, dowladaha kale ee caalamka shucuubtooda haddii ay ahaan lahaayeen kuwa sidaan noqdey in xili hore ay baabi’i lahaayeen waana mahad alle isagaana shacabka soomaaliyeed ka bixinaya dhibka haysta.

Marka intaas oo ficil dhacay ah dib loo eego, miyaaney imaneyn su’aasha cinwaankeena ah iyo kuwo kale oo  is-dabayaal oo dulicdiyo ujeedadoodd aan wali la garan!, halkuu ku dambeeyey xeerkii xuquuqul insaanka ee waxa lagu sheego Qaramadda Midoobeey ay dejisteen ee xuquuqda aadanaha?!, Dimuqoraadiyaddii dowlado badan oo dhisnaa loo dumiyey misana lagu bedeley wax lagu sheego maamul wanaag halkey ku dambeysaa?!, mise dadka Soomaaliyeed ayaan ahayn bani’aadamkii xurmadda lahaa ee wax ka sixiixay xeerarkaas kala duwan ee ay degsadeen Ummaduha dunida?!

Mise Xeer Dimuqoraasiyadd iyo xuquuqul insaan gooni ah oo dalka iyo dadka soomaaliyeed lagu dhaqo ayaa kan noqdey?!, maxay tahay godobtaas gaamurtey ee geyiga soomaali qarni kasta lala dul taagan yahay?!, inta aan geba gebeyn qormadda aan ku weydiiyee Akh-ristaha sharafta lahoow Bal maxaa ka dambeyn Dimuqoraadiyadda dabshidkeeda sidaan uu noqdey, haddii dunida oo dhan ay wada qaato Dimoquraadiyad, maxaa xigi oo looga guuri doonaa oo xeer u ahaan doono aadanaha, mar haddii hore loo diidey Kitaabka Quraanka oo dadyowga muslimiinta ah ku dhaqmaan?!!!.

Ugu dambeyn inkastoo ay jiraan  arrimahaas iyo kuwo kaloo badan oo aan hoos u qodin, haddii aan soo geba gebeeyo qormadeena oo aan dib u eegno falalkii kala duwanaa ee gumeystayaashii soomarey dalka soomaaliya iyo sida uu u kala qaybiyey oo lagu daro, xaaladahii kala duwanaa ee aan kor kusoo xusney oo ay ugu dambeeyaan mudada 21-ka sanno waxa dalkeena ka dhacay iyo sida naloo takoorey iyo sida naxariis la’aanta ah ee ay ugu dirirayaan shacabka soomaaliyeed dushooda labada fikir ee iska soo horjeeda ee ay kala taageerayaan dowladaha caalamka, miyaan la oran karinTaageeradda Caalamku, Ma Takoor iyo Toogashaa??!! Jawaabta su’aasha waxaan u daayey Akh-ristayaasha qormadeenan.

Dhamaad

 

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Taageeradda Caalamku, Ma Takoor Iyo Toogashaa??! "

  1. waad mahadsantahay allman waxa aad maanta meeshan kusoo bandhigtay waa wax wada khuseeya jiritaanka ummada soomaaliyeed, taas oo aad moodo in ummadda soomaaliyeed aysan fahansanayn oo maanta haddii ay ogaan lahaayeen waxa jira 20 sano is jiidjiid ma aan galneen marka waxa aan leeyahay qorayaasha ummada soomaaliyeed in ay baaritaan dheer sameeyan oo ay dadka aan la socon siyaasada ay u bayaaniyaan shirqoolada caalamku u dhigay ummada soomaaliyeed iyo in la kala geeyo oo la kala dilo dhamaan ummada soomaaliyeed marka waxa aan leeyahay waa maqaalad aad u qortay arrimo aad u qoto dheer oo uu mar labaad ku mahadsanyahay walaakeen allman aan leeyahay ku wad oo haka daalin inta aad soodaah-furayso dhabtu waxa ay tahay.

  2. Waxaa la yidhi wan wayn ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan, Mohamed Mo’alim Osman Reerkii Soomaali ahaana waa caynkaas waayo waxay ogyihiin ayay iska indha tirayaan, Garaadku haduu shaqeeyo, ayaa garashona jirtaa, haddii la gambiyo dareenka, oo fahankuna go,doomo, inay gebi dhacayso heedheh, god dheer xaajadu galayso, guurtidu way garanaysaaye, garaadlaawaan ogayne, Gumaysiga waa gafane, gosheena ku naban hadeeroo, gantaala sunuu wadaayoo, gargaar beenuu wadaayoo, guhaad buu noo qarshaayoo, gardoofuu lana rabaaye, bal yaa gaadhsiiyaa duulkan, soomaalidu waa maroodigii la sheegayay ee la yidhi takarta ku taagan ma arkee mid kale ayuu tilmaama , waxaad arkaysaa aqoonyahanka, waxgaradka, iyo indheergaradka abwaanada, odayaasha, dhalinyarada haweenka dhamaantood isku soo duuboo soomaali oo dhami inay ogtahay halka sartu ka qudhuntay balse aysan wali diyaar u ahay in la dhayo oo la bogsiiyo nabarka, maxamedoow wax badan ayaa loo dhawaaqay umadan balse maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahda miidaamo dhego ma leh hadii maleg dhawaaqayo, sidaa awgeed nina ma moogaa taageerada inay tahay , tumaati cadow iyo tabtii lagu yaqaanay gumaysiga inuu tafaraaruq iyo talo xumo dhex dhigo duulka aan tashan una tuso talaabo fiican oo ay ku tegi karaan wadada toosan , dadku ma wada indho la,a wax way arkayaan, mana wada dhego la,a waa sidaad sheegtoo wax way maqlayaan, mana qalbi la,a oo wax way ogyihiin reer soomaali ahaa maxa ka siyaa yaab????????

  3. mohamed somali says:

    s/c bacdu sallan waxaan ka oran laha qormadan uu noo soo gudbiyay sxb keen in ay tahay qormo aad uga hadleeysa arimaha iyo xaaladaha kala gadisan ee dalkeena ka jira,laakiin runtii markaan fiiriyay waa inta looga sheekaysto maqaayad walba oo london ilaa minisota kutaal waxay inataas oo fadhi ku dirir iyo guri walba oo soomaali degto lagu lafo guro wax xal ah kama soo baxo ee suaasha saxda ah waa waayo?waa aqoon darada haysata raga is magacaabay oo aan la qaoon cida xilka u dhiibatay iyo cida ay masuulka ka yihiin,wa calooshood u shaqaystayaal ay ku shaqeeystaan rag shaati UN la yiraahdo gashan oo shilinkooda ku cuna dhiiga shacabka soomaliyeed,ilaa ya yimaadan rag soomaliyeed oo wax garad ah aan calooshoodu gaajeysneeyn like FARMAAJO oo an u baahneeyn shilimaadka loo tuuro alla shariifyo oo ka fakara danta shacbkooda iyo dalkooda lama helayo xal ee markaad nin gaajaysanoo aqoon yari u dheertahay xil u dhiibato waxaa dhalanaya waxan maanta na haysta oo nalagu dheel dheelayo nala bahdilayo oo so called madaxweeynaha amrayo nin shaqaalo ah laan ka mid ah UN ka ma gaarayno mana heleeyno xal ee aan raadino nin soomaliyeed oo aqoon leh calooshiisana marneeyn wadanina ah waxaan ku soo gabagabeeynayaa runtii waa in aan allabarigii aan waligeen dhigan jirnay barisamaadkii soomaliya aan dhigano soomaaloo dhan waayo waxaan wax ka weeyn waa wax xag rabaani ah nalooga keenay ee soomaaly alla barya kana cabsada,,,nabadeey

  4. dhamme says:

    waa maqaal heer sare ah. dadka aan aqoon tagtadoodii hore waxay ku xukumanayahiin inay khaladadkay hore u galeen ku celiyaan, maqaalkan oo kale wuxuu badbaadin karaa waxbadan, wuxuu xusayaa sooyaal hore, fadal qormooyinka noocan o kale ah noo kordhiya si ay bulshada somaliyeed san uga roonaato.

  5. Kaafi says:

    Anniga waxa ay iila tahay faaladan in ay tahay mid wax badan ka hadleysa sababtoo ah waa wax run ah in Taageeradda Caalamku, Ma Takoor Iyo Toogashaa sababtoo ah waxa dhacday in dad badan oo aan waxbo galabsan la takooray waliba iyagoo somaali ah marka ma aqaano ma soomaali ayaan lahayn dalka mise waa lala yeeshay, tusaale waxa dhacday in bishii horre annagoo wariyaal soomaali naloo diiday in aan ka qayb galno wariyaasha ka soo waramaya wafdiga ra’iisal wasaaraha Turkiga uu ku yimid magaaladda, taas badal keeda waxa dhacday in loo ogolaaday wariyaal ajinib ah oo wax badan dalka ka aqoon una dhalan