Home » Warar »

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada DFKMG

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa kulan ay shalay isugu yimaadeen waxay
kaga hadleen arrimo ku aadan ammaanka iyo hubka sida sharci darada ah loogu dhex sito magaalada iyo weliba midka lagu iibiyo qeybo ka mid ah magaalada sida suuqyada iyo meelo oo qarsoon iyagoo go’aano ka soo saaray arrintan.

Shirkan oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waxaa sidoo kale warbixin looga dhegeystay Ra’iisul
Wasaare Dr. Cabdiweli oo isagu golaha u faah faahiyay safarkiisii magaalooyinka
Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland iyo magaalada Gaalkacyo ee
xarunta maamul goboleedka Galmudug.
Waxaa sidoo kale shirka warbixin looga dhagaystay gudiga qaban qaabada shirka
wadatashiga ee dhowaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho oo iyagu
mudooyinkanba waday qaban qaabada shirka waxaana ay warbixintooda ku faah
faahiyeen halka ay qaban qaabadooda mareyso iyo xubnaha shirka kasoo qeybgalaya.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka
Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jaah-weyn oo kulanka kadib warbaahinta la
hadlay ayaa tilmaamay in xubnaha gudiga qaban qaabada Shirka Wadatashiga ee
Afarta ilaa Lixda bishan ka dhacaya magaalada Muqdisho ay soo gudbiyeen in meel
wanaagsan ay wax umarayaan islamarkaana ergadii shirka loo qorsheeyey inay kasoo
qeybgalaan ay diyaar yihiin.


Wasiirka Warfaafinta ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in inta shirku socday sidoo
kale warbixinno laga dhagaystay gudiyada Amniga iyo Gargaarka Bani’aadannimo oo
iyagu ka kala warbixiyey halka ay marayaan howlaha la xiriira Sugidda Amaanka
magaalada Muqdisho oo maalmahan ay howlgallo ka socdaan iyo howsha la xiriirta
gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen ee kusoo

Barakacay magaalada Muqdisho.

Halkan ka akhriso qoraalka oo PDF ah

 

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Mudane Jaah-weyn ayaa wuxuu shaaca ka qaaday
in xubnaha golaha Wasiirada ay si gaar ah uga doodeen hubka sida sharcidarada ah
loogu dhex iibiyo qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho wuxuuna tilmaamay in laga
bilaabo maanta la mamnuucay in hub lagu dhex iibiyo magaalada isla markaana
talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu arko iyada oo iibineysa ama
iibsaneysa hub sharcidarro ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.