Home » Faallo »

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii |Casharkii IX-aad

Go’aankii iska-caabinta ahaa oo ay gaareen qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa gobolka Majeertiinya, waxaa dhinac socdey qorshayaashii uu De Vecchi ku doonayay in uu ku weeraro gobolka. Waxaa xusid mudan in xilligaas uu ahaa isla xilligii xoogga Talyaaniga uu Mudug soo weerarayay. Sida aanu soo sheegney labadaas degaan waxay ahaayeen labada meelood oo markaas gacantiisa ka maqnaa. Talyaanigu xilligaas Soomaaliyada uu qeybta u heley wuxuu u qeybiyay laba gobo loo waawayn. Gobol wuxuu ku magacaabay

Talyaanigu xilligaas Soomaaliya laba degaan ayay u ahayd. Degaan gacanta ayuu ugu jiray oo wuxuu ula baxay Somalia Merdionale(Soomaaliyada Koonfureed). Degaanna wuxuu ahaa mid aanan weli gacantiisa soo gelin, kaas oo uu ula baxay Somalia Settentrionale(Soomaaliyada Waqooyi). Mashruuca weeraradan uu De Vecchi soo qaaday wuxuu ku wajahnaa degaankan danbe ee uu doonayay in uu iyagana qabsado.

Ciidamo badan oo Talyaanigu uu ku ururiyay koonfurta Soomaaliya ayaa xilligaas diyaar ahaa. Waxaa kamid ahaa ciidan lagu magacaabo Regio Corpo oo qarniga bilowgiisii loo asaasey gumeynta qabaa’ilka Soomaaliyeed ee beeraleyda ah. Ciidan kale waxaa la oran jiray Banda Armata, kuwaas oo loo asaasey in ay hubka ka dhigaan qabaa’ilka hubeysan. Waxaa kaloo jiray ciidan la yiraahdoZaptie’, kuwaas oo biliis ahaan uga shaqeyay degmooyinka gudahooda. Waxaa iyana jiray ciidan la yiraahdo Duub Cad. Waxaa loo asaasey in lagu gumeeyo reer guuraaga baadiyaha fog ku dhaqan. Ciidamadaas ayaa goor danbe xooggoodu waxay noqdeen Soomaali uu Talyaanigu siiyay tababar ciidameed. Markii hore waxay u badnaayeen Ereteriya iyo Amxaaro. Waxaa weheliyay niman Carab ah, kuwaas oo uu ka keeney Liibiya iyo Yaman. Badankoodu waxay ahaayeen Yaman.

“ Maraakiibta dagaalka iyo kuwa lagu daad-gureeyo ciidamada ayaa dagaalka wax kaga jiray. Dhulka waxa ku socda waxay ahaayeen fardo iyo awr oo keliya. Xoogga gaadiidka waxay ahaayeen maraakiibta. Waxaa Xamar lagu diyaariyay maraakiib 15 gaaraya. Waxaa kamid ahaa San Giorgio, Compania, Toselli, Savona, Favignana, Gagliero, Arimondi, Stavetta, Alessandretta, Postale Roma “.(Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. S. 274).

Ciidamadaas iyo wixii qalab iyo gaadiid ahaa oo ay wateen, muddo laba sanadood ah ayuu De Vecchi ku diyaarinayay Banaadir. Bishii sebtember 1925-kii, qaar kamid ah maraakiibtii waxay u soo dhaqaaqeen xeebaha Majeertiinya. Iyagu waxay howl-galkoodii bilaabeen bilowgii bishii oktoober 1925-kii. Waxay markiiba xayiraad ku soo rogeen dhaqdhaqaaqa doonyihii ganacsiga ee isaga gooshayay marsooyinkii gobolka iyo degmooyinkii ay la lahaayeen xiriirka. Ciidamadii Talyaaniga waxay markaas qabteen tiro 50 doonyood. Falkaas waxaa u weheliyay in ay ciidamo dhigaan saddex degmo oo istraateeji ah, kuwaas oo laba kamid ah ay ku wajahan yihiin xeebta Bad-waynta Hindiya (Ayl iyo Xaafuun), degmada kalena ay ku wajahan tahay xeebta Badda Cas (Caluula).

1/ 10- 1925-kii Xaafuun ayaa waxaa lagu dejiyay ciidan horin ah oo ay weheliyaan koox madaafiic ah. 3/ 10- 1925-kii, Caluula ayaa waxaa lagu dejiyay ciidankii ugu xoogga wayanaa ee Talyaanigu uu gobolka dhigay, kaas oo laba guuto ahaa. Waxaa xusid mudan, degmada Caluula in uu ka talinayay Suldaan Cali Yuusuf oo Hobyo fadhiyay. Degmadu waxay ahayd halka ay caa’iladda suldaanku ka soo jeedaan. Waana degmadii ay ka tageen Suldaan Yuusuf Cali iyo kooxdii hor-baxa ku raacdey markii ay Hobyo fariisanayeen. Boqor Cismaan ciidan uma joogin degmadaas. Aritaasi waxay Talyaanigii u sahashay in uu ciidamadii hor-dhaca ahaa kuwoodii ugu xoogganaa uu dejiyo Caluula. Taariikhyahanka Khaalid Cali-Guul oo war-bixin kooban ka bixinayay ciidankii Xamar ka soo baxay wuxuu qorey sidan:

“ Waxay ka koobnaayeen sagaal markab oo kuwa dagaalka ah iyo markab wayn oo ciidamada daad-gureeya. Ciidankaas waxaa lagu qabtay dekadaha caanka ah ee Caluula Xaafuun iyo Ayl. Waxaa halkaas lagu ururiyay ciidamadii dhulkaas ka how-geli lahaa “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. S. 274).

Ciidamadii qeyb kamid ah, waxaa la fariisiyay Ayl. Degmadu waxay ahayd xuduudda koonfureed ee saladanaddii Majeertiinya. Ciidan kuwaas ka xooggan, Talyaanigii wuxuu dhigey Xaafuun. Magaaladu waxay ahayd degmo uu ku xooggan yahay dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Degmadaas ayaa joqraafiyahannada adduunka waxay ku magacaabaan korridoorka qaaradda Afrika ay ku leedahay Bad-Waynta Hindiya. Degmadu waxay ku dhacdaa cirifka jahada bari u xiga qaaradda oo idil. Waa meesha ay qorraxdu ugu soo hor-baxdo dhulka ay ku fadhido qaaradda madow. Waa meesha Afrika ugu xigta caloosha qaaradda ugu wayn adduunka (Aasiya). Meesha ay Xaafuun ku taal ayaa degmada waxay siisay fursad ganacsi oo taariikh fog leh. Degmadu waxay ku xusan tahay dhamaan taariikhaha laga qoro dhaqdhaqaaqa ganacsiga adduunka, iyada oo magacyo kala duwan wadata. Hadba reerkii curad ka noqda nolosha oo hoggaanka u qabta il-baxnimada adduunka ayaa markay socodkoodu ku bataan, magac ula baxi jiray. Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee degmadaasi marna ma joogsan muddadii ka horeysey xilligii gumeysiga. Laakiin marna waa kacayay, marna waa degayay.

Xilligaas uu Talyaaniga u soo dirayay ciidamada, marsada degmada Xaafuun waxay ahayd midda loogu adeegga badnaa ganacsigii gobolka. Waxayna ku taal xudduntii Majeertiinya. Sidaa darteed majirin ciidamo ka joogey saladanadda. Talyaanigii wuxuu ku guuleystay in uu mar qura ku habsado degmadii iyo howlihii ganacsi ee halkaas ka jiray. Sidaas ayaa waxaa ugu suuragashay, muddo gaaban in uu gacanta ku dhigo degmooyinkii iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee degaanka ka socdey. Doonyaha uu qabsaday badankoodu wuxuu ka qabsaday marsada Xaafuun iyo biyaha ku dhow. Curyaaminta dhaqaale ka sokow, ciidamadaas waxaa kaloo loo diyaariyay in ay ka qeyb qaataan dagaalka weerarka dhulka gudaha ah ee lagula dagaalamayo ciidamadii saldanadda.

20/ 10- 1925-kii, waxaa Xamar ka soo baxay ciidamo hor leh. Waxaa markaan la socda xaakimkii ahaa Cesare Maria De Vecchi. Isagu wuxuu doonayay in uu si toos ah ula wareego howlaha ka socda gobolka, kaas oo ama wada-hadal ah ama weerar iyo dagaal ah. De Vecchi ayaa intuusan soo bixin dhambaal qoraal ah u soo diray Boqor Cismaan. Qoraalku wuxuu ahaa mid uu ugu caga-jugleynayay boqorka si uu isu dhiibo. Qoraalkii De Vecchi waxaa kamid ahaa sidan:

“ Waa in aad hubka dhigtaa oo aad isu soo dhiibtaa Dowladda Talyaaniga. Waxaanu kaa xirney baddii oo ay wax kuu soo mari lahaayeen. Waxaanu illaa hadda gacanta ku heynaa doonyo gaaraya 50 oo badidoodu ay raran yihiin. Kuwaas oo weliba aanu ku heyno denbi kale oo ah in ay diideen in ay calanka Talyaaniga qaataan. Waa xilligii bad-furanka ahaa, wixii kale oo doonyaha oo ama imanaya ama ambabaxaya, waanu qabaneynaa …………..… “.(Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. S. 275).

Boqor Cismaan, diidmo ayuu ayuu kaga soo jawaabay dalabkii hub-dhigidda iyo is-dhiibka ahaa oo De Vecchi, uu ka codsadey. Jawaabtii Boqorka, De Vecchi waxay gaartay intuusan Xamar ka soo bixin. Markay taariikhdu ahayd 13/ 10- 1925-kii ayuu Boqor Cismaan wuxuu xaakimkii Talyaaniga u diray qoraalkiisii oo uu ku xusey sidaan:

“ Waxaynu isku ogeyn oo hadalkayagu ahaa, in dalkanagu sifo sharci ah uu ahaa maxmiyad (mid dusha laga maamulo), oo aydnaadan soo fara-gelin diintayada, dhaqankayaga iyo maamulkayaga. Aniga hubkeyga waan heysanayaa oo sina usoo dhiibi maayo. Doonyaha aad qabsatay iyo waxa saran ma aad heysan kartid ee soo daa. Haddaad dagaal bilowdana naf badan ayaa la waayayaa “.(Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. S. 275).

Waraaqdaas waxaa saxiixey Boqor Cismaan iyo 20 odey oo ka kala socdey beelaha degaanka, kuwaas oo boqorka ula joogay wada-tashi. Iyagu waxay ahaayeen odeyadii boqorka la qaatay guddoonka ah in la dagaalamo oo aanan leys-dhiibin. Xaakimkii Talyaaniga Cesare Maria De Vecchi, waa uu ka caroodey waraaqdii jawaabta ahayd ee Boqorku soo direy. Wuxuu arkay dagaal waxaanan ahayn in uusan kula wareegeyn maamulka gobolkan. Sidaa darteed, jawaab gaaban ayuu Boqorkii u soo celiyay uu ku leeyahay:

“ Waxaan qaadanayaa doonyaha iyo waxa saran, hubka iyo saanadda aad heysato, ciidamadaada hubeysan iyo madaxda Majeertiinya oo aad ku jirto“. (Isla-marjicii hore. S. 276).

Halkii ayaa xaakimkii Cesare Maria De Vecchi, wuxuu ciidamadiisii amray weerar buuxa in lagu qaado Majeertiinya. Xilligaas De Vecchiwuxuu gobolka ku soo daayay ciidamo lagu qiyaasey 5 kun oo nin. Ciidamadaas ayaa sahaydooda waxay ahayd wixii ay ka dhacaan dad-waynaha reer miyiga ah iyo agabka saran doonyihii ay la wareegeen. Ciidamada qaarkood dhulka ayay ku socdeen, qaarna doonyo ayay saaraayeen oo dhanka badda ayay ka yimaadeen.

Ciidamadii hor-dhaca ahaa markii ay ku guuleysteen in ay fariistaan Ayl, Xaafuun iyo Caluula, De Vecchi gobolkii ayuu soo aadey si uu wada-hadal u furo. Isagu wuxuu Boqorka u muujiyay cududdiisii. Sidaa darteed haddii uu wada-hadalku fashilmo, qorshaha uusan hureyn waa midka dagaalka ah. De Vecchi wuxuu Xamar ka soo raacay kamarkab wayn oo la yiraahdo Compania. Markay taariikhdu ahayd 24/ 10- 1925-kii wuxuu soo gaaray xeebta degmada Bender-Beyla. Degmadu waxay kamid ahayd xarumaha ay ciidamada xooggan ka joogeen saldanadda. Waxaa waali ka ahaa wiil uu dhalay Boqor Cismaan oo la yiraahdo Xirsi Boqor. Ciidan 1000 nin gaaraya ayaa ku sugnaa degmada iyo baadiyaheeda. De Vecchi wuxuu soo diray koox ciidan ah iyo nin sarkaal ah oo la socda. Ujeeddadu waxay ahayd in uu Xirsi Boqor gaarsiiyo dalab ah in ay kulmaan. Dadkii magaalada ku dhaqnaa intoodii badnayd waa ay isaga baxeen degmadii. Ciidamadiina nin qura kuma harin. Sidaa darteed kooxdii Talyaaniga ahayd dib ayay markakoodii ugu laabteen.

Markabkii De Vecchi wuxuu u gudbey Baargaal oo uu Boqor Cismaan xarun u ahayd. Degmada Xaafuun oo u dhexeysa Bender-Beyla iyo Baargaal, De Vecchi waa uu dhinac maray oo kuma uusan hakan. Intuu Baargaal u sii socdey ayaa ciidamadiisii fadhiyay Caluula waxay weerareen degmada Bareeda oo dhanka bari ka xigta Caluula. Ciidan yar uu fadhiyay ayay hareereeyeen oo ay maxaabiis ahaa u soo qabteen. Ragga ay soo qabteen waxaa kamid ahaa wiil ina Boqor Cismaan ah oo la yiraahdo Axmad Boqor. Dhacdadaasi waxay ahayd ishaaradii ugu horeysey dagaalka ka bilowdey Majeertiinya. (Isla-marjicii hore).

Cesare Maria De Vecchi, wuxuu soo gaaray degmadii Baargaal 28/ 10- 1925-kii. Waxaa degmada ku sugnaa boqor Cismaan iyo xaashaadiisii. Waxaa boqorka magaalada u joogay ciidan gaaraya 200 oo nin. Waxaa odey u ahaa wiil uu Boqorku dhalay oo la yiraahdo Yuusuf Boqor. De Vecchi markabkii kama uusan soo degan. Laakiin ergey ayuu direy, kaas oo xambaarsanaa codsi uu boqorka ka dalbanayo in uu ugu yimaado markabka dushiisa. Waxaa ergeyga la socdey 50 nin oo ciidan ah. Waxay isugu jireen Talyaani iyo Soomaali. Boqor Cismaan wuxuu ku war-celiyay in De Vecchi uu markabka ka soo dego oo isaga uu ugu yimaado qalcadda uu fadhiyo.

Ergeygii Talyaaniga ahaa iyo ciidamadiisii iyaga oo aanan laashashkoodii ku laaban ayaa xabbad ka dhex bilaabatay iyaga iyo ciidamadii boqorka. Waxaa halkaas lagaga laayay 11 nin (shan Talyaani ah iyo lix Soomaali ah). Intii hartay markii ay ku laabteen markabkoodii, ayaa De Vecchi wuxuu faray, markab ah kuwa wax duqeeya oo Caluula joogey in la keeno xeebta Baargaal. Markabkaas oo la oran jiray Arimondi ayaa Baargaal soo gaaray maantii xigtey. Isla-maalintaas oo taariikhdu ay ahayd 29/ 10- 1925-kii ayuu degmadii Baargaal duqeyn ku bilaabay. In-kasta oo dad badan ay u qaxeen buuraha ka xiga degmada dhanka waqooyi, misana dad maato u badan ayaa halkaas ku dhintey. Markabka duqeynta geystey waxaa weheliyay markab kale oo kamid ah kuwa ciidamada lagu daad-gureeyo oo la yiraahdo Postale Roma. Waxaa saarnaa ciidanka la yiraahdo guutada labaad ee Banaadir. Markii magaaladii si arxan-darro ah loo duqeeyay, ayaa ciidankii guutada labaad waxay ku soo degeen xeebtii degmada.

Ciidamadii Talyaaniga ee xeebta yimid waxaa markiiba weerar ku soo qaadey ciidankii Soomaalida. Waxaa halkaas ka dhacay dagaal adag oo labadii dhinac ay isku riiqmeen. De Vecchi, markabka dushiisa ayuu ka hoggaaminayay dagaalka. Inkasta oo guushii ay raacdey ciidamadii Talyaaniga, misana maahayn guul ay si dhayal ah ku heleen. Ciidankii De Vecchi, waxaa dagaalkii lagaga diley 80 nin oo uu kamid yahay nin darajadiisu ahayd dhamme, kaas oo ahaa sarkaalkii ciidanka dhulka la joogey. 32 kamid ah ciidanka la laayay waxay ahaayeen Talyaani, 48-na waxay ahaayeen Soomaali. Soomaalidii waxaa iyaguna ka dhintey 70 qof oo isugu jira dhallinyaradii dagaalamayay iyo dad rayid ah.

“ Waxaa gebi ahaan gubtey magaaladii oo aan waxba ka harin. Dhaawacii labada dhanba waa uu tira beeley. Waxaa la qabtay rag badan oo uu kamid yahay Yuusuf Boqor Cismaan oo lagu xabisey isla maraakiibtii. Magaaladii waa la cidleeyey, iyadii oo gubatay ayaa ciidamadii Talyaaniga ay calankoodii ka taageen. Kaasi wuxuu ahaa dagaalkii ugu horeeyey ee dhex-mara Talyaaniga iyo boqortooyadii Majeertiinya “. (Isla marjicii hore. S. 278).

Dhacdadaasi waxay ahayd mid nadaamkii gumeysigu uu ku cadaadinayay Soomaalida. Isla-markaas waxay ahayd dagaal hubeysan oo laba xoog ay isaga hor yimaadaan kii ugu horeeyey. Xabbadahaas ka qarxay Baargaal waxay sabab u noqdeen meelo badan oo gobolka ah uu dagaal ka qarxo. Ciidamadii Talyaaniga waxay markaas la kulmeen dhaqdhaqaaq iska-caabin ee xoog wayn. Talyaanigii oo si xooggan badda u fadhiyay ayaa markaas wuxuu bilaabay in uu si buuxda u xayiro dhamaan degmooyinkii gobolka ee xeebaha ku yiil. Yuusuf Sharmaarke oo ku magic-dheeraa (Shan ku-kibir), wuxuu kamid ahaa abwaanadii xilligaas adag ka tiriyay suugaanta. Gabey uu lahaa ayaa tixihiisii waxaa kamid ahaa:

Rabbi tiis la laabane intaan dabaqa ley tuurin
Inaan gaalo taabac u noqdaa tu’an ahaan weeye
Tib la qorey tebbedo dhaansan iyo teneg la ii miiso
Tunkoo leyga saariyo karbaash la igu toogeysto
Ama turuqyadoo leyga xiro sida anoo tuug ah
Iyo naagahoo loo tashado aniga oo taagan
Tira badan ha joogtee intuu toban jihaadaayo
Tallaahaan ku dhaartaye xarbaa igala tool-roone (Yuusuf Sharmaarke)

Qaybaha kale ee qormadan ka akhri: http://somalitalk.com/tag/eenow/

Qore: Dr. Saadiq Enow
dr_saadiq@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.