Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo kulan la qaatey Wafdi ka socdey Hayadda Qaramada Midoobey UNHCR

Madaxweynaha DFKMG ee Jamhuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa Xafiiskiisa ku qaabilyay Wafuud uu Hogaaminyayo Madaxa guud ee Hayada UNHCR Mudane António Guterres.

Madaxa UNHCR António Guterres ayaa sheegtay in booqashadiisa Magaalada Muqdisho ay tahay mid uu ku muujinayo taageeradiisa uu la garab taagan yahay shacabka iyo Dowlada Soomaliya.

António Guterres ayaa sheegay in Wakiilkiisa jooga Nairobi uu u soo rarayo Magaalada Muqdisho maadaama ay muhiim tahay in Hayadaha gar-gaarka ah ay si toos ah ula shaqeeyaan Dowlada, sidoo kale Mudane António ayaa sheegay in UNHCR ay ku taageerayso Khibrateeda Dowlada Soomaliya si loo caawiyo dadka Barakacayaasha ah ee jooga wadanka gudihiisa.

Madaxweynaha DFKMG ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga hortagaa waxyaabaha keenaya in ay dadku Barakacaan si loo helo xal waara. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u sheegay Madaxa UNHCR in loo baahan yahay Barnaamijyo ka shaqeeya Mustaqbalka Barakacayaasha

“Waa inaan laga fakarin oo kaliya dhibka (Macaluusha) hada taagan, balse laga fakaraa Mustaqbalka Barakacayaasha, dib-u dajin tooda, Horumarkooda iyo hanaanka nabada iyo Dowladnimoda si loo cirib-tiro macaluusha iyo dhibaatada aan dhamaadka lahayn” ayuu yiri Madxweynahu.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Madaxweynaha DFKMG Sharif ayaa sheegay in Hayado iyo ururo badan ay wada shaqaynta ka soo hor jeedaan maadaama aysan rabin in lala xisaabtamo, laakin waxaa muhiin ah in xisaabtan uu dhaco si shacabka dhibaataysan ay u helaan wixii loogu talagalay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.