Home » Warar »

Ciidamo ka tirsan Xarakadda Al Shabaab oo Dhulatus ku sameeyey Magaalada Muqdisho intii lagu guda jirey Ciidul Fidriga

Iyadoo weli ay sii Socoto faxadii iyo Damaashaadkii Ciidul Fidriga ayaa Ciidamo ka tirsan Xarakadda Alshabaa waxay Dhoolutus balaaran ka sameeyeey Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho gaar ahaa wadooyinka ku dhow dhow Xeradii Hore ee Masalax ee Suuqa Xoolaha oo ay weli ku xoogan yihiin Xarakadda Alshabaab.

Ciidamo aad u fara badan ayaa wata Noocyadda Hubka ee Garbaha laga rido ayaa markii hore waxay Dhhoolatus ku sameeyaan Xeradda Maslax ka dibna waxay bilaabeen in ay maraan qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho , qaar ka mid ah waxay wateen Hub ay lahaayeen Cidamada Amsom oo ay hore ugu qabsadeen Dagaalo ay la galeen Ciidamada Amisom sida Qoriga Dashiikaha ee Dhulka la suro Gacantana lagu qaato, Qoryaha Jabshaha iyo kuwao kale waxay qaadayeen Anaashiid ka hadleysa Jihaad iyo kuwo lagu dhiiri gelinayo Ciidamada.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Dhoolatuskaan ayaa awaxaa daawanayey Boqolaal Dadweyne oo ka soo baxay Salaadii Ciidul Fidriga sidoo kale waxaa Ciidamadaas la hadley Masuuliyiin ka tirsan Xarakadda Alshabaab oo sheegey in dagaalkii Muqdisho uusan weli istaagin ayna bilowdeen Xeelado kale oo ka duwan kuwii hore waxayana ka codsadeen Shacabka in ay gacan ku siiyaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Amisom oo ay ku tilmaameen Calool u shaqeystayaal ku soo duleey dalka .

Amiirka ugu sareeya Xarakadda Alshabaab Shiikh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Subeyr oo soo direy Fariin Maqal ah ayaa waxa u sheegey in Dagaaladda ay ka wadaan Soomaaliyeed ay Aakhirka ay Guuleysan doonaan isla markaana jabka iyo Halaaga uu ku dambeyn doono kuwa ku soo duuley Dalkaan wuxuu sii raacisyey”Wajiga cusub ee uu galey dagaalka uu ku dhaamaan doono guul waxaana ugu baaqayaa Shacabka in ay kal qaybqaataan dagaalka haddii kale ay Duli ku noolaan doonaan”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.