Home » Warar »

Sidii looga ciidey wadanka Switzerland ee Magaalada Zurich

Waxaa maanta oo ahayd maalin  barakaysan eecaalamka islaamka oo dhana  laga ciiday  bulshada islaamku qolo waliba ay  hadana si gaar  ah u ciiday  oo ay  Maalintan qaaliga ah u maamuustay  Hadaba sidee looga ciiday  wadanka switzerland  Gaar ahaan Magaalada Zurich.

Waxaa Xaflad  wayn i ka dhacday oo lagu maamuusay Maalinta  ciidul Fidriga wadanka Switzerland  xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen culumada Soomaaliyeed ee  dalka switzerland   Ahlu suna waljaamaca   waxaa  xafladan ka soo qayb galay  Qaar ka mida Gobolada kala duwan ee dalka Switzerland  Sida Gobolka Zurich, Aargau, Schafhausen, Bern , Luzern ,  St Gallen, Schwiez ,waxaa sidoo kale ka soo qayb galay, Culumada  waawayn ee dalka badidooda iyo  waxgaradka, waalidiinta kala duwan  Caruurta, dhalinyarada.

Waxaa  Salaada Ciida meeshaas bulshadii isugu timid ku tujiyay  oo Imaam ka ahaa   (Sheikh  Ahmed Duuri ) waxaa  sidoo kale  Muxaadarooyin is daba jooga ka aqriyay culumadii badnayd ee ka soo qayb gashay iyada dadka  la xasuusiyay  waajibaadka diinta ka saaran lagu booriyay inay ka qayb qaataan gargaarka dadka walaalahooda u  dhibaataysan wadanka Soomaaliya Gudihiisa.

Halkan kadaawo masawaro dheeriya

Waxaa   Muxaadarooyinkaas Jeediyay  Mashaayiikhda kala ah   Kala ah , Sheikh Abukar Tooxoow  iyo sheekh Mustafe  Cali  Khaliif  iyo Sheikh Daa,uud  Maxamed .

Waxaa sidoo kale halkaas ka duceeyay Ugaas Abuukar ugaas cabdule oo sidii dhaqanka ahayd  dhamaan bulshada soomaaliyeed  maalin farxadeedkan hanbalyo u dirayn  Ducana   u diray umadaha  islaamka Gaar ahaan umada soomaaliyeed meel kasta ay joogto .

Waxaa ka muuqday  Bulshada Farxad badan waxaana   halkaas ka dhacday Xaflada aan hore uga dhicin Dalka Swiska waxaa Culumadii iyo  Waalidiintii u diyaariyeen oo ugu talagaleen  dhamaan caruurtii Xaflada ka soo qayb gashay    Goob ay ku ciyaaraan oo  loogu sameeyay waxyaabaha  caruurti xiiseeyaan ,  Nooc walba    Arintaas oo  si wayn z farxad gelisay dhamaan bulshada  Soomaaliyeed  Qancinta Caruurta iyo   Marxabaysiintooda ayaa qaadatay mudo  3 saacadood ilaa  4 Saacadood  ka dib waxaa hada meeshaa ka bilowday   Casuumad  Qado ah loogu sameeyay dhamaan   ka soo qayb galayaashii oo Cadadkoodu Gaadhayay Boqolaal   qof iyada oo si haqab la,aan ah halkaas ay uga dhacday Casuumadaas iyo Qado  Sharaftaasi, dadkiii goobjooga ahaa ayaa  Mar aan su,aalo waydiiyay waxay ii sheegeen inay soo xasuusteen wadankoodii qaabkii looga ciid jiray .

Dhinaca waalidiinta ayaa iyaguna aad ugu mahadcelinayaa Culumada Ahlusuna iyo Waalidiinta iska kaashaday Hirgelinta iyo Qabanqaabiyay Xafaladan Ciidulö fidriga lagu Maamuusayay .

Sidoo kale  waxaa iyaguna aad dareemaysay  Farxadooda iyo Nayaayirka ka muuqday Caruurtii Soomaaliyeed ee xafaladaas ka soo qayb gashay oo aad  ugu qanacsanaa ka qayb qaadashada maalinta ciida iyo sida wanaagsan ee loogu  shaqeeyay looguna diyaariyay  Goobaaha ciyaarta iyo waxyaabaha ay jecel yihiin.

Culumada iyo waalidiinta oo meeshaas dhaqaale ugu  Uruuriyay dadka ku dhibaataysan  Dalka soomaliya ayaa   in lagu caawiyo Bulshada soomaaliyeed ee dhibaataysan  iyada oo maalintaa khayrka leh loo duceeyay  Gebi ahaan islaamka gaar ahaana dadka abaaruhu  Dhibaateeyeen , iyo  Soomaalida oodhan.

Waxaa  soo qaban qaabiyay Xafladan  Wayn ee lagu Maamuusayay Ciidul fidriga Barakaysan  Culumada Ahlusuna iyo Xubno ka tirsan waalidiinta  Gobolka Zurich  Xubnahan oo Kala ahaa

1 . Awees  Maxamed Aamiin

2.  Xasan  Abdulkadir  Naaji

3. Macalin  Maxamed   Siidoow Bashiir

4. Maxamed  Cali  Xaaji

5. Cismaan Axmed Mataan

6. Xasan  Maxamed Cumar (Xasan Cade)

7.Xasan Cismaan  Faarax

8.Cabdiraxmaan  Maxamed (Celiyoow)

Waxaa Diyaariyay

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr 1977@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.