Home » Faallo »

Sideen u fahamnaa Quraanka? Q: 29aad

Suurada 113aad Al-Falaq:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fiil ka dib Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Falaq:

Suuradan Dadka bartaa in ay Allaah (Cw) kaliya Magan galaan marka ay Dhibaato Naftooda uga baqaan amaba ay Dhibaato sida Sixirka, Isha iyo wax la mid ah ku Dhacdo naftooda, maxaa yeelay Insaanka waxaa Dhibaato kaga Imaan kartaa Meelo fara badan iyo waqtiyo Fara badan Sida Dugaag, Insi kale , Jini iyo wax kasta oo Dhibaato dadka gaarsiin kara.

Suurada 114aad An-Naas:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 6 Aayadood, waxeyna Mar sooo wada Dageen Suurada Al-Falaq, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naas:

Suuradan waxey ka Hadashaa In Allaah laga Magan galo Sharta Cadawga ugu weyn ee insaanka leeyahay Ibliis iyo kaalmeeyayaashiisa, kuwaasoo dadka ka leexiya Jidka Toosan ee rabi Raaliga ka yahay ee ah Jidka kaliyah ee Janada lagu gaaro, waxaana Qur’aanka Meelo badan uu Allaah kusoo Gudbiyay Dhaar iyo handadaad uu Ibliis Dhibaato kula Damacsan yahay Insaanka, arintaas oo Muujineysa Cadaawada Ibliis weynideeda iyo Kahtarta uu Insaanka ku yahay.

GaboGabo:

Intaas ka Dib: Waxaan qeybtan kusoo Gunaandayaa Maqaalkii aan ugu Magac Daray Sideen u fahamnaa Qur’aanka? Ee aan kusoo gudbinay Maqaalkan ka Hor 28 Maqaal anigoo si Dul mar ah uga soo Sheekeeyay Suuradaha Qur’aanka oo dhan si ay u sahlanaato inaan Faham Guud ka helno Suuradaha Quraanka iyo Macnaha ay Xambaarsan yihiin.

Qur’aaanka oo aan fahamnaa waa Dariiqa kaliya ee Aduunkan Qalbigeena farxad iyo Daganaan ku dareemi karo, waana dariiqa kaliya ee aan ku hori marki karno kuna Xalin karo Dhibaatooyinka hada taagan, waana dariiqa kaliya ee Noo Sahli kala kara inaan garano Jidka Xaqa ah ee janada lagu Gaaro (Islaamka) iyo Jidadka Baadilka ah ee Naarta dadka u Sababa.

Qur’aankan waa kalimadii Allaah ee aysan jirin Maanta Caalamkan aan ku Nool nahay wax la Barbardhigi karo Xaga Runta iyo Cadaalada uu kaga Hadlay wax walba iyo Meel walba, maxaa yeelay Rabiga kalimadahan Xagiisa ka yimaadeen waa Rabi Cilmi Buuxa u leh wixii horey u Dhacay, waxa hada Dhacaya iyo waxa Dhici Doona iyo waxa aan Dhiciba Karin hadey dhacaan waxa Dhici lahaa.


Tusaale ahaan Qur’aankan markuu ka hadlayo Allaah iyo waxa Naftiisa ku Saabsan waxaa uu Maray Manhaj ah in allaah (Cw) Mar walba Tilmaamo Wanaagsan iyo Magacyo wanaagsan kasoo Gudbiyo isla markaana Cadeeyo in aysan jirin Cid kula Mid ah Tilmaamihiisa iyo Magacyadiisa, marna Qur’aanka ma khilaafo Manjahka Noocaas ah oo ma dhici karto in Qur’aanka lagu arko wax Meel ka dhaca ama Tilmaan Xun ka bixiya Allaah,

Dhanka kale hadii aad u Fiirsato Kitaabda ay Heystaan Umadaha aan Muslmiinta aheyn ee ay Muqadas ku Sheegaan Marka ay Allaah ka Hadlayaan Malaha Manhaj sax ah oo loogu soo Hagaago maxaa yeelay waxaad ku arkki kartaa mararka qaar ayagoo Amaanaya Allaah oo Tilmaamo wanaagsan ku sheegaya , isla markaana waxaad ka Heli kartaa Isla Kitaabadaas ayagoo Allaah ku Tilmaamaya wax aan u qalmin oo Xumaan ah.

Tusaale ahaan Yuhuuda Kitaabka ay Maanta u heestaan inuu yahay Toowraadkii Nabi Muuse laga Dhaxlay waxaa ku Qoran inuusan Allaah (Cw) aheyn Insaan Beenna Sheegin oo uusan Allaah aheyn Ina Insaan Shalaaya, laakiin waxaase khilaafsan arintaas isla Toowraadka ku qoran Qoraalo kale oo Tilmaamaya inuu Allaah ka Shalaayay waxyaabo uu Horey u Xukumay,

(ليس الله إنساناً فيكذب، ولا ابن إنسان فيندم) (العدد 23/19)

{Alaah ma aha Insaan oo Been ma Sheego, mana aha Inan Insaan ka Shalaaya wax uu Sameeyay}.

(ندمت على أني جعلت شاول ملكاً، لأنه رجع من ورائي، ولم يقم كلامي) (صموئيل (1) 15/10)

{Waxaan ka Shalaayay inaan Shaauul ka Dhigay Boqor, maxa yeelay Dib ayuu u laabtay, hadalkeygana kuma Socon}

Arintan waxey Muujineysaa Kitaabka Yuhuuda Maanta heysato inuu ka Kooban yahay Xaq iyo Baadil sidaa darteed marna ma noqon karo Muqadas, maadama Khilaafkaas ku Qoran ay hubaal tahay in ay aysan ka Imaaan xaga Rabi, laakiin ay Sababta iskhilaafka Abuurtay tahay in faro Dad wax lagu qoray lagu Kordhiyay kitaabkaas waxna laga dhimay.


Waxaa kaloo ku Qoran Beybalada Yuhuuda inaan Allaah la arkin, ayadoo hadana ay ku qoran yihiin Qoraalo kale oo Khilaafaya Xaqa kuwaas oo Tilmaamaya in Allaah ay Arkeen qaar badan oo Israa’iiliyiinta ka mid ah, sidaa darteed ayuu Allaah (Cw) ka yiri Kitaabka ay heestaan Ahlu Kitaabka (Yuhuud iyo Nasaarada):

Suurada Aal-Cimraan Aayada 78aad: {Waxaa ka Mid ah (Yuhuuda ) Koox ku leexisa Carabkooda Kitaabka (Qur’aanka) si aad ugu maleysaan Kitaabka, kana Mid ma aha Kitaabka waxeyna Dhihi Aasaga wuxuu ka ahaaday Eebe Agtiisa, kamana ahaanin eebe Agtiisa waxeyna ku Dhihi Eeebe Been iyagoo Og}.

Nabiga Suuban (Scw) waxaa uu asagana Sheegay xaqiiqda Kitaabda Ahlu-Kitaabka heystaan waxaa uuna yiri: {Reer Banuu Israa’iil waxey Qorteen Kitaab, weyna raaceen waxeyna ka tageen Toowraadkoodii} (waxaa wariyay Dhabaraani X/No: 5548, waana X/ No: 2832 ee Silsilada Albaani).

Hadii aan Tusaale kasoo qaato Beybalka Nasaarada, waxaa kaaga Filan marka hore waxaaba Asal u ah kitaabkooda Kan Yuhuuda, marka labaadna Kiritaabka Injiilka (Cahdiga Cusub) waxaa ku qoran iskhilaaf aan Xad laheyn oo aad u Baahsan taasoo keentay in ay qirtaan oo ay xataa qarin kari waayeen, Tusaale ahaan mar Baadaariga la yiraahdo (القسيس فرنج) uu la Doodayay Sh Axmad (Allaha u Naxariistee) uu Qirto in Beybalkooda iskhilaaf ka Buuxan asagoo Cudur daar u Raadinayana waxaa uu yiri: {waxaa u sabab ah inaan heynin Taxane soo guurineed Qoraaladeena in ay jireen Dhibaatooyin heystay Masiixiyiinta mudo gaareysa 313 sano}.

Qoraaga leh Kitaabka loo yaqaan (حقيقة الكتاب المقدس) Dr Robert waxaa uu yiri : {Weligeedba lama Sheegin Kitaab ay ku jiraan iskhilaafsanaan iyo gafaf iyo Badalid ka badan Kitaabka Barakeysan (Cahdiga Cusub)} waxaa uuna ku sheegay Qoraagaas Xaqiiqda Beybalka: {in Madaxda Kaniisadaha ay qirsan yihiin inuu Kitaabkooda si ula kaca ah ugu dhacday Doorin,wuxuuna yiri Qoraagaas: Hase yeeshee waxa ay Madaxda Kaniisada isku khilaafsan yihiin Cida sameysay Taxriifka iyo Doorinta}.


Waxaa uu weliba DR Robert leeyahay: {Qofna suura gal uma aha inuu Sheegto waligiis: inuu Allaah yahay kan wada Alifay dhamaan Kitaabkan (Cahdiga Cusub) waxa ku qoran oo uu Alaah u waxyooday Taxriifaadkaas Qoraayaasha}.

Sidoo kalana waxaa uu leeyahay ninka la yiraahdo (كينرايم): {Culimada Diinka ee Maanta jogtaa waa isku raacsan yihiin hal arin oo ah in Kitaabkii Muqadaska ahaa uu naga soo gaaray kaliya Qeybo aad u yar, taasoo ah tan uusan galin Taxriifka}.

Hadii aan markana u Gudbo Qur’aanka Kariimka ah iyo Manhajka uu maray Marka laga Hadlayo Nabiyada iyo Rususha, waxaa Quraanka Manhaj u ah in Nabiayda oo Dhan Amaan iyo wanaag ka soo Gudbiyo Midkoodna Xumaan iyo Taariikh madow inuusan laheyn inuu noo Sheegay, Marna lagama heli karo Qur’aanka wax Meel ka Dhac ku ah Nabi Nabiyada Alle (Cw) soo diray ka mid ah.


Laakiin Hadaad u fiirsato Ahlu Kitaabka iyo Mowqifka ay ka taagan yihiin Nabiyada waxaa sahlanaan karta inaad Oagaato Xaqiiqda Kitaabada Maanta ay Heystaan.

Tusaale ahaan waxaa ku Qoran inuu Nabi Luudh Markii la halaagay Qoomkiisa ka dib Caruur ka Dhalay gabdhihiisa Muslmiinta ahaa ee Cadaabka Qoomkooda laga Badbaadiyay markii ay Aabahood Qamri siiyeen sidaasna uu Caruur uga Dhalay Gabdhihiisii, waxaa kaloo ku Qoran inuu Nabi Yacquub Xaday Duco ku socotay walaalkiis la dhashay, waxaa kaloo ku Qoran in Nabi Haaruun uu Caabuday Dibigii uu sameeyay Saamiri iyo inuu asagaba ahaa kan Dibiga sameeyay, waxaa kaloo ku Qoran in Nabi Suleymaan Sanamo ay laheyd Naag ay ku sheegeen xaaskiisa Caabudi jiray iyo inuu Boqor Saaxir ah ahaa.

Dhanka kalana Xaga Amaanta Nabiyada Labadaan Kitaab waxaa ku qoran xad Gudubyo aad u waa weyn sida in Nabi Ciise Qolo ku Tilmaanto inuu yahay wiil Sharci daro si Xaaran ah Maryama ay ku Dhashay, Qoloda kalana waxey yiraahdeen Nabi Ciise waa Wiil uu Allaah Dhalay.

Hadii aan soo koobo arimahan waxey Daliil u yihiin Kitaabadaas in aysan waxa ku Qoran wada aheyn wax kawada yimid Xaga Rabi maadama ay Iskhilaafsan yihiin oo eed iyo Amaan iska hor Imaanaya kasoo tabiyaan Nabiyada, waxaanan ugu Baaqayaa Ruuxii Faahfaahino u baahan inuu ka helo Xaqiiqda Kitabada Ahlu-Kitaabka inuu Akhiristo kitaabada uu Qoray Sheekha la yiraahdo Munqid As-Saqaar ee loo yaqaan (سلسلة الهدى والنور) ama Inuu aad u Fiirsado Cajaladaha Sh/Axmadka Hindiga ahaa ee uu Doodaha kula Galo Baadariyada ugu waa weyn Caalamka.

Sidaa darteed waxaan leenahay Quraankan waxaa uu kaga Badalan yahay Badlan yahay Kitaabada kale inaanan Marna laga Heli Karin wax is khilaaf ah Dhan kasta marka laga eego, arintana waa daliil ka mid ah daliilada Muujiya Qur’aankan inuu yahay kalimadii Alaah ee Muqadaska aheyd, waayo haduu Qur’aankan ahaan lahaa wax Dad ay Alifeen waxaa laga Heli lahaa iskhilaafyo fara Badan sida kuwa Ahlu Kitaabka oo kale.

Marka waxaan ugu Baaqeynaa marka Hore Dad Muslmiinta ah, marka Labaadna Caalamka oo dhan inay Qur’aanka u Baaraan si dagan una Fahmaan si ay u ogaadaan Xaqiiqda Qur’aanka iyo Qiimaha weyn ee uu leeyahay.


Waxaan kusoo Gababeynayaa Qormooyinkan inaan ka Cudur daarto wax walba oo gaf ah ama Gaabis ah ee aan ku Dhacay intii aan qorayay, maadma ay Hubaal tahay in wax walba ay Dad Qoraan Gaf iyo Gaabis laga helo ayna Caadi tahay in qoraa kasta uu Qoraalkiisa kusoo gabagabeeyo Cudurdaarasho ama in Dib u Qorid uu ku sameeyo qoraalkiisa si uu uga Daba tago Gafafkii ugasoo Muuqday Daabacaadihii Horeeyay.

Waxaanan u Mahad Celinayaa Dhamaan walaalaha igu gacan siiyay ama igu Dhiiri galiyay Soo saarida maqaaladan ama iimailada talooyinka igu soo siiyay, sidoo kalana waxaan u Mahad Celinayaa Maamulayaasha Webabka Afka Soomaliga ku baxa ee Fursda ii siisay in ay Begagooda hore Maalin walba ku soo saaraan Maqaalkan Qeybihiisii kala Duwanaa, waxaanan soo dhaweynayaa Talo iyo Tusaale kasta oo wanaagsan oo iigaga yimaada Dhamaan aqristayaasha sharafta badan ee aadka u lafa guray maqaaladaan..

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.