Home » News »

Dalaaliin buux dhaafisay Airport-ka Muqdisho , iyo cabsi ammaan oo soo korodhay.

Hadii aad booqatid Airport-ka Muqdisho , waxaad ku arkeysaa inuu isku badalay xarun ganacsi cusub oo lagu gorgortamo , waxaa qeybta Protocol-ka iyo Saaladda soo dhoweynta buux dhaafiyay dalaaliin Soomaali ah , kuwaasoo wakiilo ka kala ah hey’ado maxali ah iyo hoteelada qaar ee Muqdisho, waxaana gudaha Airport-ka u yaala gawaari ay u diyaarsadeen inay ku kaxeystaan wufuuda caalamiga ah ,si ay u dejiyaan hoteelo ay iyaga iskood u qorsheysteen .

Dhacdooyin fool-xun ayaa ka dhacay todobaadyadii ugu dambeeyay Airport-ka ,kuwaasoo wax u dhimayay hab maamuuska dowladnimo , waayo waxaa la arkayay wufuuda dowladaha iyo hey’adaha lagu soo dhoweeyo Airport-ka inay kala dafayaan dalaaliintaasi kadib soo dhoweynta mas’uuliyiinta dowladda , tiiyoo aaney waxba kala socon agaasimayaasha qeybaha kala duwan ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha , waxaana adag in ciidamada nabad-sugidda iyo booliska ay raad raac ku sameeyaan qaabka dalaaliintaasi ay uga dhex shaqeystaan gudaha Airoprt-ka.

Saraakiil milatari oo dowladda FS ka tirsan ayaa walaac ka muujiyay in wufuuda Airport-ka ka soo degta ay iska kaxeystaan shaqsiyaad dalaaliin ah iyo hey’ado maxali ah oo aan aqoonsi ka heysan dowladda , waxaana cabsi ay ka muujiyeen in dalaaliintaasi  ay afduub kula dhaqaaqaan gargaarayaasha shisheeye ,lana galaan deegaanada ay ka taliso kooxda Alshabaab , taasoo ceeb iyo sharaf dhac u noqon doonta dowladda .

Dalaaliinta hoteelada kala ah Saxafi km4, Naasahablood,Safaari km5 iyo Shaamow ayaad ku arkeysaa iyagoo dhex fadhiya qeybta protocol-ka oo runtii noqotay goob dayacan oo laga kaluumeysto ,lagana maamusho shisheeye kasta oo wadanka soo gala ,waxaa kaloo dalaaliinta goobtaasi sida sharci darada ah uga adeegta ka mid ah Aadan Xiroow oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho ,C/llaahi Carab oo gudoomiye kuxigeen ka ah jimciyad maxali ah oo lagu magacaabo Almanhal oo aan aqoonsi ka heysan dowladda FS , Shuceyb C/lladiif Sheekh Bashiir oo madax u ah hey’ad maxali ah oo lagu magacaabo Zamzam Foundation oo aan aqoonsi ka heysan dowladda FS,Sayid Cali Xuseen Macalin oo gudoomiye kuxigeen ka ah jimciyad maxali ah oo lagu magacaabo Alwafaa oo aan iyana aqoonsi ka heysan dowladda FS iyo kaaliyeyaal kale oo raggan ay leeyihiin oo ka howlgala Airport-ka, kuwaasoo ku eedeysan in sirta dowladda iyo mas’uuliyiinta shisheeye ee Airport-ka ka soo degeysa ay sii wargeliyaan shaqsiyaadkaasi iyo kuwa kale ,taasoo leh qatarteeda ammaan .

Saraakiisha milatariga dowladda FS ayaa waxa ay ku doodayaan in howsha Wasaaradda arrimaha dibadda aaney si fiican uga dhaqan galin Airport-ka Muqdisho si ay ula socoto shisheeyaha wadanka soo galaya iyo halka la dejinayo , maadaama la weydiinayo dhib kasta oo soo wajaha dadka martida, waxaa kaloo si fiican aan uga dhaqan galin gudaha Airport-ka howsha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka , maadaama aaney waxba kala socon ammaanka iyo dhaq-dhaqaaqa shisheeyaha ee gudaha ku sugan , kuwaasoo qatar ugu jira in la afduubto ama la dilo ama loo gacan geliyo kooxda Alshabaab.

Faallo-bixiso : Sacdiya Muuse

Muqdisho-Soomaaliya

sacdiyo161@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dalaaliin buux dhaafisay Airport-ka Muqdisho , iyo cabsi ammaan oo soo korodhay. "

  1. DALAMAR says:

    waxaa gabadha qoraalka qortay ka maqan inay dawladu iibisay Booska uu ku yaal Airport-ku laguna wareejiyey Sharikad calool u Shaqaysato Ajnabi ah oo la Yiraahdo SKA. marka shirkadaas ayaa leh wax walba inay qabato kaashatana ciidamada xooga ku jooga somali ee AMISOM

  2. Musse says:

    Waad mahadsan tahay walaal, waana wax loo baahnaa in la ogaado, waxaana rajeynayaa in mas’uuliyiinta wasaaradahaas ay xaaladda wax ka bedeli doonaan.

  3. Abdirisaq says:

    Assalaamu calaykum. Ciid Mubaarak.
    Arrnta dullaaliinta; Somali waxay tiraa: “Ninki seexdaa sicii dibi dhalaa”.
    Dawladdu ayadaa ka masuul ah Airport-ka, ayadaa samaysatey wasaaradda arrimaha dibedda oo laga rabay agaasinka xiriirka calamiga ah iyo agaasinka protocolka inay leedahay oo shaqaynayaan.
    Sidoo kale ayadaa leh wasaaraddii arrimaha gudaha oo hogaanka socdaalka ay ahayd inuu hoos yimaado oo qaybta visooyinka leh.
    Sodoo waxaa wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga hoos yimaada taliska nabad sugidda waaxda la socodka dhaqdhaqaaqa shisheeyaha iyo dabagalka oo inu shaqeeyo ay ahayd.
    Cid kasta oo dalka shaqo u imaanaysana waxay ahayd wasaaradda arrimha gudaha in ay oggolaansho uga haystaa shaqada ay qabanayso dalabka ay visha ku dalbanaysana ku caddahay muddada ay dalka joogayso, waxa ay qabanayso, iyo meesha ay ku dagayso intaba oo la’aantood aan visaba la siin karin ama airport-kaba aysan soo dhaafi karin.
    Haddii ay haddaba xukuumaddu ayadu shaqadeedi qabsan weydey dabcan dullaaliin iyo cid walba waa ka shaqaysanaysaa sababtoo ah nafluhu haddi ood soo celisaayi aanay jirin meeshi dheefi ugu jirto waa ka raadinayaa.
    Waxanse meesha ka marneyn oo in la ogaado u baahan mar haddu dal yahay mid ku shaqeeya ganacsi xor ah Hoteellada iyo shirkadaha gaadiidkuba sida taksiileeyda iyo kuwa dalxiiska qaabilsanba xaq bay u leeyihiin in lasoo booking gareysto oo ay dadka ka qaadaan airport-ka waase haddi ay yihiin kuwo liscence sax ah ku shaqaynaya oo la aaminsanyahay. xukuumadduna ay taqaan cidaa ka shaqaysa iyo rugaha ay ka hawlgalaan intaba.