Home » Warar »

Shirkadda SKA Soomaaliya oo si kulul u Beenisey in Diyaaradaha Sida Gargaarka ay ku soo Rogeen Khidmad .

Shirkadda SKA ee Soomaaliya oo Hka Howl gasha  Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho ayaa si kulul u beenisey Warar ay faafiyeen qaar ka mid Waraabinta Soomaalida  taasoo ku  aadaneyd in Shirkadda SKA ay Khidmad  ku soo rogtey Diyaaradaha Gargaarka u sida dadka Soomaaliyeed ay Abaaraha Saameeyeen waxayna Warkaas ay shirkadda ku tilmaantey kuwa aan Sal iyo Raad toona lahayn.

Yuusuf Shiikh oo ka mid Saraakiisha Shirkadda SKA oo u waramayey Warbaahinta ayaa sheegey in Shirkadda aysan marnaba Qorshaha ugu jirin in ay Khidmad ka qaado Diyaaradaha keeno Gargaarka isagoo sheegey in ay u sameeyaan adeeg dheeraad ah islamarkaana Rarka ay wadaan ugu dejiyaan si lacag la’aan ah maadaama waxa ay wadaan ay yihiin wax ummadda Somaaliyeed loogu Gargaarayo.

“Waxaa jira Diyaarado waaweyn oo noocoodu u badan kuwa Ruush ah  waxaana Wakiil ka ah dad Soomaaliyeed   slamarkaana Rakaabka iyo rarka ay sidaan ay yihiin kuwa ay lacag ku soo qaateen sidaa darteed waxaan Shirkadahaas gaarka loo leeyahay ka qaadnaa Khidmadii Howshii aan u qabaney  si aan halkaa uga soo saarno Mushaarkii ay Shaqaalaha Soomaliyeed ee Xamaaliga ah iyo Shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha”  ayuu yiri Yuusuf Shiikh oo sheegey in mudadii yareyd ee ay Shirkadda ku sugneyd Garoonka ay wax badan ka qabteen Garoonka  gaar ahaan dhinaca Amaanka oo uu sheegey in ay si aad ah noogu amaaneyn Dadka Soomaaliyeed

“Bulshada Soomaaliyeed way nagu soo booqan karaan Garoonka Diyaaradaha si ay u arkaan Howsha baaxadda leh ee aan u hayno Ummadda Soomaaliyeed Muddadii ay Shirkadda joogtey Garoonka waxaan Shaqaaleyney Shaqaale fara badan oo kor u dhaafaya 100 Xubnood , kuwaas oo markii hore ku Gaajooneyn Garoonka Daruufo adag ay ku noolaayeen waxaan Tababar siiney Ardeydii ka soo baxdey Jaamacadaha oo shaqadii loo Tababarey hadda Garoonka ka haya  ”ayuu yiri Yuusuf Shiikh oo sheegey iin Damiirka uusan nasiineyn in DIyaarado Shacabka Soomaaliyeed u sida Mucaawino in aan ka qaadno  wax Khidmo ah kuwa warkaas  faafiyeyna waa kuwa doonaya in dadka Soomaaliyeed ay ku sii jiraan Dhibaatada.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Sidoo kale waxaaa uu beeniyey in Shirkadda SKA ay Xayirtey Diyaarad sidey Gargaar oo laga lahaa Wadan Sacuudiga isagoo sheegey in warkaas u ahaa mid been abuur oo  laga lahaa dano gaar ahaaneed , isagoo sheegey in Diyaaradaas Gargaarka sidey laga dejiyey isla markaana adeegii ay u baahneyd si lacag la’aan ah loogu fidiyey sidoo kale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamey in Shirkadda SKA Soomaaliya  u joogto dano kale.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.