Home » Warar »

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee Spain iyo wefdi ay hogaamineysay

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain Mrs. Soraya Rodrigas  waxaana sidoo kale ku wehliyay safiirka Spain u fadhiya dalka Kenya iyo xubno ka socday hay’adda cuntada adduunka ee WFP.

 

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan sida abaaraha, horumarinta hay’addaha dowladda Federaalka iyo weliba sidii caawiyeyaasha caalamku ay si toos ah dhaqaalaha u siin lahaayeen dowladda Soomaaliyeed.

 

“Dowladda Spain waxay haatan mashruuc ay ku dhiseyso Isbitaal ka wadaa degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana rabnaa inaan mashaariic kuwaasi la mid ah ka fulino magaalada Muqdisho si ay u soo noqdaan adeegyadii bulshada” ayay tiri Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain oo shir albaabadu u xiran yihiin la qaadaneysay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha iyadoo dhanka kalena tilmaantay in muhiimada koowaad ay tahay in la dhiirigeliyo hay’addaha dowladda si loo helo amni iyo kala dambeyn lagu soo dabaalo Soomaaliya.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo gabagabadii kulankooda kadib la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya danaha Soomaaliya gaar ahaana abaaraha iyo horumarinta hay’addaha dowladda, isagoo xusay in dowladda Spain ay balan qaaday sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dib u dhis lagu sameeyo dalka, gaar ahaana adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalada.

 

“Wasiiradu waxay balan qaaday in dowladdeedu ay qeyb ka qaadan doonto sidii dib loogu dhisi lahaa adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaalada gaar ahaana goobihii Isbitaalada iyo waxbarashada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in dowladda Spain ay qeyb ka tahay dowladdaha saaxiibka dhow la ah dalka Soomaaliya.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain ayaa u xaqiijisay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiradii kale ee fadhiyay shirka in dowladeedu ay u ololeyn doonto sidii hay’addaha gargaarka ee caalamigu ay dib ugu soo degi lahaayeen gudaha dalka si gargaarka aadamigu u noqdo mid waafi ah oo haqabtira baahida shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.