Home » Faallo »

Saameeynta Saxaafadda Weriyaha xaqdhowr(Qalinkii Maxamed Xaaji) Qaybtii 2-aad

Warbaahinta caadiga ah (Conventional media) sida TV-yada, Raadiyoowga iyo Wargaysyadu waxay aalaaba door wax ku ool ah ka ciyaaraan arimaha bulshada maxalli ahaan iyo caalamiyan ahaanba balse marka ay timaaddo ujeedadii rasmiga ahayd ee loo dhisaalay oo lagu tilmaamo codsiinta inta cod la’aanta ah iyo tabareeynta inta taag la’aanta ah ama hadii aan sida kale u iraahdo waa maxkamad iyo booliis aan toos ahayn balse waxaa marar badan dhacda in loo adeegsado si taa caksigeeda ah gaar ahaan marka ay timaado dadka ugu jilicsan bulshada oo tacaddi kala kulma warbaahinta qaar gaar ahaan kuwa ay leeyihiin nimanka tadha’ey ee malaayiinta ku fadhiya.

Waxaanu tusaale usoo qaadan karnaa RUPERT MURDOCH oo ah Australian-Maraykan gacanta ku haya inta badan warbaahinta galbeedka iminkana ay ku furan tahay fadeexad ka dhalatay warsidaha NEWS OF THE WORLD oo haatan albaabada la iskugu dhuftay kaasoo lagu eedeeyey inuu mudaba ku fooganaa dhegeysiga (Wire tapping) iyo daba galka siyaasiyiin, dad caadi ah iyo xitaa xubno ka tirsan boqortooyada Britain markaasoo ay noqoneyso inay warbaahintii ciyaarto door ah inay dhacdadii iyadu qaabeyso oo dhaliso kadibna ay isla iyadii dadka ugu soo bandhigto sidii war cusub.

Waxaa sidoo kale jira Silvio Berlusconi oo ah  siyaasi midig dhexe ah iyo milyineer Talyaani ah kana mid ah dadka la farmuuqo marka ay timaado raga malaayiinta haya qaaradda Yurub oo dhan iyadoo ay dabcan iska caddahay in saxaafad uu leeyahay nin milyineer ihi aanay u daneeyneyn una damqaneynin dadka liita ee dacdareeysan ugu yaraan marka la barbardhigo tan kale caadiga ah taasoo keeneysa in weriyihii miskiinka ahaa ee hay’adan ka shaqeeynayay uu kala doortoo inuu ku tunto isla sharcigii iyo rukumadii ay ku taagnayd saxaafadda toosan iyo inuu shaqadii isaga tago…….gobanimo u dhalasho kaliya maahee waana u dhimasho.

Machadka Nabadda ee Maraykanka (USIP) ayaa daabacay daraasad uu sameeyey MARK FROHADT  oo uu ugu wanqalay  ´´Use and abuse of media in vulnerable societies´´ oo micneheedu yahay ´´Adeegsiga iyo tacadiga warbaahinta ee bulshooyinka nugul´´ isagootaxliiliyay doorka ay warbaahintu mararka qaar ka qaadato dhalinta iyo buunbuuninta khilaafaadka.

Iyadoo ujeedka khabiirkani ay tahay in warbaahinta iyo ururada maamula lagu dhiiriyo sidii faragelinta warbaahineed loogu adeegsan lahaa dhanka wanaagsan iyo halka aadka looga baahan yahay oo ah u ololeeynta inta dhiban iyo inay la dagaalamaan in warbaahinta loo adeegsado iidheh u sameeynta khilaafaadka iyo dagaallada.

Waxaa daraasadda Mr Mark dabcan ku jirtey doorkii ay warbaahintu ka qaadatay xasuuqii RWANDA oo ay idaacad maxalli ah oo Huutigu lahaayeen ay ahayd tii aasaaska u dhigtay in tarab tarab loo laayo ilaa iyo 800,000 (Sideed boqol oo kun) oo TUTSI u badnaa iyo xitaa HUUTUUGII qunyar socodka ahaa ee yiri ‘’hala daayo’’ sanadii 1994-kii.

Dalka Serbia oo ka mid ah googo’ii dalkii YOGUSLAVIA la oran jirey waxaa jiray in TV maxalli ihi uu gacan wayn ku lahaa kicinta naceyb isir ku saleeysan oo ka dhex bilowday SERBIS-ka, BOSNICH-ka iyo KROAT-ka horraantii 90-meeyadii.

Bariga hadii aan sii aadno jamhuuriyadda GEORGIA oo ka mid ahayd 15-kii jamhuuriyadood ee ku hoos jirey midowgii soofiyeeti waxaa khilaaf dhuleed iyo is qabqabsi sinji la xiriira oo halkaas ka bilowday sababteeda lahayd warbaahin Ruush la jir ahayd oo afuufaysay dacaayado qaaraami ahaa.

Dalkeenna Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ay ka hana qaaday warbaahinta  xorta ah 20-kii sanadood ee silaca ayaa inta badan saxaafaddu tahay mid gacan wayn ka gaysata isu soo dhoweeynta bulshada anagoo tusaale usoo qaadan karna doorka ay ku leedahay inaad hal hay’ad wareed ka wada hesho wixii maanta ka dhacay min LOOWYO CADDO ilaa JUULA JAWAAY, taasoo si uun u mideeyneysa dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale qayla dhaanta ay u sameeyaan dadka ku baaba’san masiibooyinka soo noqnoqda ee dalka Soomaaliya.

Laakiin waxaa sidoo kale jira ilo warbaahineed fara badan oo sida muuqata aan fahamsaneyn mas’uuliyadda culus ee dusha ka saaran ama si ula kac ahba u hollinaya inay warbaahintii u adeegsadaan wadiiqo uu galaangal ugu heli karo hankiisa shakhsiga ah sida mansab siyaasadeed ama maal aduun taasoo meel ka dhac ku ah muhiimaddii warbaahineed

Waxaa sidoo kale jira warbaahin badan oo si aan gambad lahayn u dhiiri geliya ama ugu buraanbura qabiil gaar ah, goboleeysi IWM iyadoo ay taasi ka imaneyso qof magicii saxaafadeed huwan laakiin aan u dhaqmeeynin si waafaqsan (Accordingly) iyadoo aan ognahay in WERIYUHU yahay nin uu xil wayni ka saaran yahay MIDNIMADA, IS JACEYLKA, HORUMARKA, WANAAG ARAGA, KA DIGIDDA WIXII AAN DADKA U ROONEEYN iyo DOONISTA WIXII AY DANI KU JIRTO.

Waxaa sidoo kale jirta in marar badan ay dhibaato ka timaaddo waxa ku haboon ee ay tahay in loo soo bandhigo dadka Soomaaliyeed oo aan ognahay inay yihiin dad islaam ah tusaale ahaan uma dhaqmi kartid sida wargaysyada loo yaqaano TABLOIDS ee qora xanta iyo waxyaabaha la xiriira dadka caanka ah gaar ahaan dhanka JINSIGA oo ay sidii ay doonaan u soo bandhigaan markaas wax baad kal reebeysaa oo ma lihid ’’Maxaa war u qalma’’ ee waxaad leedahay  ’’Maxaa u qaadma dadka aan la hadlayo ama laa’iq u ah oo u cuntama dhaqan ahaan…..

 

La soco qayb kale insha ALLE…………………….

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden


 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.