Home » Announcements »

Tacsi Saciid Cismaan Keenadiid

Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 23.08.2011 ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Allaha u naxariistee Siciid Cismaan Keenadiid.

Siciid waxaa dhalay gabyaagii iyo abwaankii Soomaaaliyeed Cismaan Yuusuf Keenadiid,

ee 1922kii hindisay xuruufii uu ugu talagalay qorista af soomaaliga (Somali script), loona yiqiin Far Soomaaliga. Dhanka kale, Siciid waxay walaalo ahaayeen  Yaasiin oo ahaa ninkii qoray Qaamuuskii ugu horreeyey ee af soomaaliga –  Giddigood Eebbe haw wada naxariisto…Janadii Fardowsana Allaha ka wada waraabiyo…Aamiin.

 

Siciid wuxuu dhashay 1934. Xornimadii ka hor, isagoo15 jir ah, ayuu waxbarasho dalka Talyaaniga ugu baxay. Halkaas oo uu illaa heer jaamacadeed kaga qalin jebiyay Suugaanta- (Literature).Keddibna dalka Rumania ayuu takhasuskiisii (masters)ka ka sameeyay.

Markuu dalka kusoo noqday, wuxuu ka shaqeynayay Akadeemiyihii Hiddaha,Fanka iyo Suugaanta. Intuu halkaas joogay , qoraallo farabadan oo arrimo kala duwan ka hadlaya ayuu soo saaray. Qoraallo taxane ahaa ( oo isugu jiray Kaftan iyo dhabba) ayuu wargayskii Xiddigta Oktoobar kusoo saari jirey. Hab qoraalka siciid wuxuu ku salaysnaan jirey hannaanka loo yaqaan kaftan dhablaha(satire).

Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanadii(isugu jirey soomaalida iyo Talyaaniga) ee diyaariyey Qaamuuskii labada af ka koobnaa ee”Dizionario somalo – Italiano”.

 

Soomaaliya Maxaa dheelliyey? (Kaftandhable)” oo ka mid ahaa buugtii uu qoray, wuxuu si dhab ah u adeegsaday fanka kaftan-dhablaynta, si uu u turxaan bixiyo qalooca galay noloshii bulshada soomaaliyeed.

Qoraaladda Siciid ee daabacaadda sugaya waxaa ka mid :

–          “Ayax Teg Eelna Reeb” – Waa 50 sano ka hor, sidii ay aqoonyahannada soomaaliyeed waagaasi u arkayeen hanashada gobanimadii soo ogog lahayd

–          Xusuusqor: Dagaallada Sokeeye – (Dis.30/1990—Juun1994) – Waa buuggii noociisu ugu horreeyay ee ku saabsan maalmihii ugu dambeeyay Dawladdii Soomaaliya iyo bilowgii dagaalada sokeeye –(30.12.1990 – 06. 1994).Waa jiraan buugag laga qoray dagaalada sokeeye ee soomaaliya oo afaf kala duwan ku soo baxay. Kanise waa xusuusqorkii ugu horreeyay ee ay ku uruursan yihiin dhacdooyinkii xilligaas kor ku xusan (first Somali civil war diary). Waa Xusuusqorkii Siciid ee uu habayn iyo maalinba wax ku qori jiray. Dhacdooyinka waxaa lagu uruurshay Xamar (Mogadisho) oo goob dagaal ah (war zone), qoraaguna Xamar ayuu ku sugnaa muddadaas oo dhan.

–          Qabashadii Gumaysiga ee saldanadii Hobyood 1925kii iyo boqortooyadii Baargaal ee 1927kii

 

Soo diyaariyey

Faarax Yaasiin Cismaan

fyok78@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Tacsi Saciid Cismaan Keenadiid "

  1. N. Elmi says:

    Alle umbaa baaqi ahaanaya, isagaana loo wada noqonayaa. Alle ha u naxariisto saaxibkey Saciid. Runtii waxa uu ahaa Somaali aan tebi doonno.
    Alle jannadiisa fardowsa ha geliyo, qoyskii, qaraabadii iyo saaxibadiiba Alle sabir iyo Iimaan ha ka siiyo.