Home » Warar »

Hay’adda Tools For Humanity oo Gargaar Raashin ah Gaarsiisey 150 Qoys, Barakacayaal ah oo ku kala Nool Degmooyinka Hodan, Wadajir iyo Xamar Weyne

Hay’adda Tools for Humanity  ee fadhigeedu yahay Wadanka Kanada, ayaa Magaalada Muqdisho ka fulisay Barnaamij lagu kaalmeeynayo dadka Abaaraha soo barakiciyeen ee ka soo hayaamay Goboladda koonfur galbeed ee Soomaaliya,  kuna Nool  kaamam ku yaal Degmoyinka Gobalka Banaadir.

Hay’adda Tools for Humanity oo la  aasaasay sanadkii 1993, laguna aasaasay Wadanka Canada,kana howl gasha USA, Canada, Africa iyo Asia,  waxay qabataa howlaha lagu horumarinaayo bani aadmka, sarana logu qaadayo nolosha iyo karaamada dadka, iyado bareeysa xirfadda kala duwan una abuurta mashaariic wax soo saar leh. Tools for humanity waxay xafiisyo ku leedahay gudaba dalka sida Hargeysa, Bosaaso iyo Muqdishow oo ay howlo fara badan, oo ku saabsan gargaarka, caafimaadka, waxbarashadda iyo kaabidda addega bulsha ay ka fuliso.

Tools for humanity, waxay mar walba fulisaa kana qeyb qaadataa howlaha lagu Horumarinaayo Bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa taagta daran iyo Haweenka, sidaa darteed ayay Tools for Humanity iska xilsaartay siday u taakuleeyn laheyd dadweynaha Soomaliyeed ee ay halakeeysay abaarta iyo dagaaladda , kuwaaso soo maciin baday walaalahooda ku nool Magaalada Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo taasi ka Shidaal qaadaneysa ayay fulisay taakuleeyn yar oo loogu tala galay dadka soo barkacay oo ku kala nool 3 degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir kuwaaso helay raashin qalalan oo ah 15kg oo Bbariis ah iyo 2.5 kg oo Saliid ah, dadka ka faa’ideeystay raashinka waa 150 qoys oo laga soo xulay degmooyinka Hodan, Wadajir iyo Xamar weyne kaamam ku yaalo loona qeybiyay raashinkaasi ay ugu deeqeen walaalhooda ku kala nool New York USA, Edmonton Canada, oo deeqdaan soo gaarsiiyay waqti aad ugu baahnaayeen iyo iyadoo ah mid aad wax tar u leh, waxayna  uga  mahadceliyeen gargaarka iyo gacanta ay u soo fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed oo Durufeysan,

Kaalmadaan waxaa soo diray maamulaha Hay’adda  tools for Humanity, Mudane Maxamed Maye Maxamuud, isagoo jooga Edmonton Canada, uguna soo xawilay inuu mashuuca fuliyo Wakiilka Hay’adda Tools for Humanity Eng. Maxamed Xasan Ayow, oo runtii gacan weyn ka geystay habsami u socodka taakuleeynta iyo raashin qeybinta dadka Barakacayaasah ah.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Gaba gebadii,  Hay’adda Tools for Humanity ma aha markii ugu horeeysay ee gargaar bixiso mana noqoneeyso markii ugu dambeeysay ee ay dadka kaalmeeyso, ee waxay sii wadeeysaa gacan siinta dadka tabaaleeysan ee ku kala nool gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaroo@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.