Home » Archive Maalinta August 27th, 2011

$250,000 oo Jaaliyada Somalida & Muslimiinta degan Sydney (Australia) ugu tabaruceen abaaraha

Aug 27, 2011
WAR SAXAAFADEED – Deeq gaareysa $250,000 ayaa jaaliyada Somaliyeed iyo Muslimiinta magaalada Sydney ee Australia gaarsiiyeen deegaanada abaaraha ku dhufteen ee Somaliya. Hay’ada Somali Drought Relief oo ka diinwaan gashan gobolka New South Wales, ee Australia ayaa isku duba ridey deeqdaas waxayna qeybinteeda u wakiishatey hay’adaha kala ah Al-Manhal Charity iyo World Assembly of Muslim Youth... 
Halkudheg: ,

Walid Bin Dhalaal Bin Cabdicasiis oo Maanta soo gaarey Magaaladda Muqdisho

Aug 27, 2011
Waxaa maanta Magaaladda Muqdisho soo gaareyn Maalqabeenka u dhashay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya kana mid ah Amiirada dalkaas Waalid Bin Dhalaal Bin C/casiis Al-Sacuud oo uu adeer u yahay Boqorka Sacuudiga waxaana uu Muqdishi u yimid sidii uu u eegi lahaa xaaladda dad ay Abaarta Saameeysey. Waaliid Bin Dhalaal Bin Cabdicasiis  oo ay la socdeen xubno ka mid ah qoyskiisa ayaa waxaa uu kormeer... 
Halkudheg:

Raiisul Wasaaraha DFKMG oo Garoowe ku Booqdey Kaamam ay ku jiraan dad Barakacayaal ah oo ku sugan Magaaladaas

Aug 27, 2011
Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo haatan ku sugan Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland ayaa waxaa Kormeer ku tagey Xerooyin ay ku jiraan dad Barakacayaal oo ku yaal Magaalada Garoowe Raiisul Wasaaraha DFKMG ayaa Warbxin ka dhageystey Horjoogayasha Kaamamka iyo Madaxda Puntland taasoo ku aadaneyd Xaaladda ay ku sugan yihiin Dadka Barakacayaasha isagoo sheegey in... 
Halkudheg:

Hay’adda Tools For Humanity oo Gargaar Raashin ah Gaarsiisey 150 Qoys, Barakacayaal ah oo ku kala Nool Degmooyinka Hodan, Wadajir iyo Xamar Weyne

Aug 27, 2011
Hay’adda Tools for Humanity  ee fadhigeedu yahay Wadanka Kanada, ayaa Magaalada Muqdisho ka fulisay Barnaamij lagu kaalmeeynayo dadka Abaaraha soo barakiciyeen ee ka soo hayaamay Goboladda koonfur galbeed ee Soomaaliya,  kuna Nool  kaamam ku yaal Degmoyinka Gobalka Banaadir. Hay’adda Tools for Humanity oo la  aasaasay sanadkii 1993, laguna aasaasay Wadanka Canada,kana howl gasha USA, Canada,... 
Halkudheg:

Gabay: Hannaskiyo Abaaraha …WT Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)

Aug 27, 2011
08/25/2011 Email: mabdalle@gmail.com ASC: Waxan ilaaha raxmaanka ah kor ahaaye ka baryayaa inuu ummadda Soomaaliyeed ee ay wiiqeen abaaraha, colaadda iyo cudurradu, uga miciino oo raxmaad u shubo, boggooda subag isu mariyo, talcuusahana ka samata bixiyo, aammiin!. Gabaygan oo soo baxay 08/25/2011 waxa abwaanku ugu ducaynayaa dalkii iyo dadka Soomaaliyeed inay ka raystaan abaarta, cudurka  iyo colaadda... 
Halkudheg:

Sideen u fahamnaa Quraanka? Q: 28aad

Aug 27, 2011
Bayaan ku Socda kuwa aan Muslimka aheyn Suurada 112aad Al-Ikhlaas: Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Naas ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad. Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Tilmaamaha Dhabta ee Rabi lagu yaqaano. Waxeyna Suuradan Tilmaantay Allaah (Cw) inuu kali yahay oo uusan laheyn Mid Shabaha, Mid la mid... 
Halkudheg:

Tacsi Saciid Cismaan Keenadiid

Aug 27, 2011
Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 23.08.2011 ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Allaha u naxariistee Siciid Cismaan Keenadiid. Siciid waxaa dhalay gabyaagii iyo abwaankii Soomaaaliyeed Cismaan Yuusuf Keenadiid, ee 1922kii hindisay xuruufii uu ugu talagalay qorista af soomaaliga (Somali script), loona yiqiin Far Soomaaliga. Dhanka kale, Siciid waxay walaalo ahaayeen  Yaasiin oo ahaa... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...