Home » Warar »

Isbitaalka Daru-Shifaa oo maanta 200 oo qof oo barakacayaal ah u sameeyey adeeeg Caafimaad

Isbitaalka Daru-Shifaa oo ka mid ah isbitaalada ka shaqeeya Magaalada Muqdisho ayaa maanta wuxuu qaabilay 200 oo qofood oo u badnaa haween iyo carruur kuwaas o ka tirsanaa dadka barakacayaasha ah ee dhibaatadu ka soo gaartay abaaraha iyo colaaddaha kuwaas o uu isbtaalku u qabtay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah sida Baaritaan guud, Raajo, Shey Baar iyo daao lacag la’aan ah.   Adeegaan caafimaad ee lacag la’aanta ah waxaa iska kaashaday Isbitaalka Daru-Shifaa iyo Mu’asasada ILEYS oo qaabilsan dhinaca Horumarinta iyo adeegyada caafimaadka, waxaana la arkayey carruur iyo haween aad u liita oo ay qaabilayaan Dhaqaatiirta ka hawlgasha isbitaalkaasi.   Intii ay socotay adeegaasi caafimaad ee lacag la’aanta ah ayaa waxaa shir jaraa’id ku qabtay Isbitaala Daru-Shifaa mas’uuliyiin ka tirsan Isbitaalka oo kala ahaa Shariif Xuseen Roobow, Maxamed Cabaas oo u mahadceliyey intii gacanta ka gaysatay adeegaasi caafimaad ee isbitaalka maanta bixiyey, waxay kaloo sheegeen in sababta ay adeegaan caafimaad ee lacag la’aanta ah u bixiyeen ay tahay sidii uu isbitaalka uga qayb qaadan lahaa gurmad loo fidinayo dadka ay abaartu saameystay ee ka soo barakacay gobolada dalka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Xildhibaan Duniyo Maxmed Cali oo ka mid ah xildhibaanada Baaramaanka ee dowladda Federaalka oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa horeeyn waxay u mahadcelisay intii isku soo dubariday in dad gaaraya 200 qof oo u badan haween iyo carruur lo fidiyo adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah, sidoo kale waxay u mahadcelisay Mu’asasada Ileys oo iyana qayb ka ahayd Barnaamijkaan adeega caafimaad loogu fidinayey dadkaasi dhibaateysan waxayna ugu baaqday Hay’adaha samafalka, dadka Soomaaliyed ee ku nool dalka dibadda inay ka qayb qaataan sidii loo samatabixin lahaa dadka dhibaateysan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.