Home » Warar »

R. Wasaaraha XFKMG oo maanta kumanaan dadweyne ah kala qeyb galay banaanbax ka dhacay garoonka K/cagta ee Koonis Istaadiyam

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FederaalkaKMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kumanaandadweyne ah kala qeyb galay banaanbax ballaaran oo ka dhacay garoonka K/cagta eeIstadaadiyam Koonis ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir waxaanaloogu magac daray (maalinta xornimada ee Muqdisho), iyadoo dadweynihii ka sooqeybgalay oo ka kala socday 16-ka degmo ee magaalada Muqdisho ay halkaasi ku soobandhigeen shucuurtooda ku aadan sida ay ugu faraxsan yihiin isusoobaxan aysameynayaan shacabka gobolka Banaadir.Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud AxmedNuur Tarzan oo ugu horeyntii shacabka la hadlay ayaa u mahadceliyay sidadadweynuhu ay isugu soo baxeen garoonka Istaadiyam Koonis oo ka mid ah goobihiiay laga saaray maleeshiyooyinkii Al shabaab.“Waxaan maanta isusoo baxan ugu talo galnay inaan ku muujino xorriyada magaaladaMuqdisho iyo inay dadweynihii mudada kala go’naa ee mugdiga ku jiray ay banaankaisugu soo baxaan shucuurtoodana muujiyaan” ayuu yiri Tarzan oo xusay in 23 August ay tahay maalinta xornimada caasimadda.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa isnadhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in kumanaan shacab Soomaaliyeed uukala soo qeybgalo isusoo baxan heerkiisu sareeyo ee loogu magac daray xornimadaMuqdisho.“Runtii aadbaan ugu faraxsanahay in maanta shacabkeyga aan kala soo qeybgalobanaanbaxan ballaaran, waxaana shacabka leeyahay cabsi, khal, dagaal, mugdi iyodhibaato ha raacaan Shabaab, maanta wixii ka dambeeya dadka gobolka Banaadirguryahooda dib ha ugu soo laabtaan, dib ha u dhistaan, dowladduna dhankeeda waxayxoojineysaa sidii nabadda loo sugi lahaa dibna loogu soo celin lahaa kala dambeyntiiiyo adeegyadii bulshada ee burburay dagaalada” ayuu yiri Ra’iisu Wasaaruhu.Banaanbaxan oo ay sidoo kale ka soo qeybgaleen ururada bulshada, kuwa haweenka,Barbaarta gaashaaman, iyo hobolada waaberi ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaruhu uu kusoo dhex wareegay gudaha garoonka Stadium Konis isagoo u gacan haatinayaydadweynihii isu soo baxay iyadoo shacabkuna ay sacab iyo mashxarad u tumayeen.

Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.