Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay wafdigii kulanka Amniga ee Naivasha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr CabdiweliMaxamed Cali Gaas ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdigii dowladda Soomaaliya ugaqeybgalay kulankii socday muddo 4 maalmood ah oo looga arrinsanayey QorshahaQaranka ee Xasilinta Amniga Dalka (National Security Stabilization Plan (NSSP)).Sidoo kale kulankan waxaa joogey Wasiirada Amniga oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisulWasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Husseen Carab Ciise, WasiirkaGarsoorka, Mudane Ugas Axmed Bile, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo AmnigaQaranka, Cabdisamad Macallim Maxamud, Wasiirka Qorsheynta iyo IskaashigaCaalamiga ah, Mudane Cabdullahi Goodax Barre, Wasiir ku xigeenka ArrimahaGudaha iyo Amniga Qaranka, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha iyo AmnigaQaranka, Bashir Maxamed Jama, Taliyeyaasha ciidamada Xoogga Dalka iyo BooliskaGeneral Cabdulqaadir Sh Cali Diini, iyo General Sharif Sheekhuna Maye iyomas’uuliyiin ka socotay hay’ada Nabadsugidda Qaranka, iyo Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey wafdigiidowladda ee ka qeybgalay kulankii lagu soo diyaarinayey Qorshaha Qaranka eeXasilinta Amniga Dalka, kuna ammaanay sida ay si waddaninimo leh uga qeybqaateendiyaarintan Qorshahan muhiimka u ah dalka, iyo sida ay si Soomaalinimo leh uguhorseedeen diyaarinta Qorshahan oo ah markii ugu horreysey ee Somali qaadatohoggaanka diyaarinta Qorshahan muhiimka ah oo ay khubaro ku xeel dheer arrimahaamniga oo Soomaali ah ay iyagana ka qeybqaateen kulankan oo ay ka mid ahaayeensaraakiishii hore ee dalka oo in muddo ahba waday daraasad lagu qiimeynayoxaaladda dhabta ah ee amniga dalka iyo sida lagu xasilin karo. Kulankaas Naivashawaxaa goob joog ka ahaa Qaramada Midoobey iyo diplomaasiyiin ka kala socdaywaddamada US, EU, UK, Egypt, AU, AMISOM iyo dalal kale oo iyagana si heer sareleh u ammaanay sida Soomaalida ay uga go’neyd qorshahan kuna dhiiri geliyey inaydhameystiraan dokumentiga Qorshahan si ay beesha caalamka u taageerto, islamarkaana u keenaan tasiilaadkii lagu fulin lahaa Qorshahan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Halkan ka akhriso qoraalkii oo PDF ah

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay guddiga soo diyaariyey qorshahan kanacodsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan, si loo horgeeyogolaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka oo uu u noqdo mid sharci ah. Waxaadhowaan lagu wadaa in Muqdisho markii ugu horreysey lagu qabto kulankii GuddigaWadajirka ah ee Ammaanka (Joint Security Committee) oo ay shir-guddoomin doonaanRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrikaiyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM. Kulankan JSC ayaa looga hadlidoonaa documentiga qabyada ah ee Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalkalaguna wadaa in looga doodo isla markaana lagu ansixiyo oo beesha caalamka aygoob joog ka ahaan doonaan.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.