Home » Faallo »

Zakada Fidriga ma ugu gargaari karnaa Dalkeena?

Zakada Fidriga: Waa waajib in la bixiyo sida uu cadeeyay Nabiga suuban (Nabad galyo iyo naxariis korkiisa allaha yeelee), waxeyna ku waajibtaa qofkii heli kara xeliga ay waajibto wax ka badan quudkiisa iyo quudka dadka uu masruufkooda saaran yahay.

Cidda ay ku waajibto: waxey ku waajibtaa qof kasta oo Muslin ah Xor, Adoon, Lab, Dhadig, Qof weyn iyo Qof yarba, dadka dhintay ka hor xeliga ay waajibtay ama Dhasha ka dib lagama rabo wax Fidro ah.

Waqtiga ay waajibto: waa laga bilaabo Qorax dhaca maalinta ugu danbeysa bisha Ramadaan,waxaana Fidrada bixinteeda ku egtahay marka la tukado salaada Ciidda, waxaana la bixin karaa maalin ama laba maalin ka hor dhamaadka Ramadaanka.

Qadarka la bixiyo: waa Suus oo ah 4 Koombo Cuntooyinka la beego, ama 2500Gr (Laba Kiilo iyo Bar) Cunooyinka la Miizaamo ah sida Bariiska ama Burka oo kale, waana la bixin karaa dhamaan noocyada kala duwan ee Cuntada, mana banaana in la bixiyo wax aan Cunno aheyn.

Ulajeeda Fidrada: waa in ay Kab u noqoto wixii gabood fal ahaa ee ka dhacay ruuxii soomanaa, iyo in ay u noqoto Raashin Masaakiinta iyo Fuqiirada Muslimiinta si ay uga kaaftoomaan Tuugsiga ama Dawarsiga Maalita Ciidda ah.

Habka loo bixiyo: waxa uu Qofka siin karaa Fidrada hal ruux ama dad fara badan, mana jirto xeliga la bixinaayo hab gaar ah oo loo bixiyo sida dadka qaar aaminsan yihiin oo ah in ay Gacanta in yar ku qaadaan ayaga oo magacaaba marba ruuxa ay doonayaan in ay ka Zakeeyaan mana laha Ducooyin gaar ah oo la aqriyo xiliga Fidrada.

Ruuxa la Siiyo: waxaa la siiyaa Masaakiinta iyo Faqiirada Muslimiinta oo kaliya, lamana siinyo kuwa uu Quudkooda kuugo waajibaan, waxaase la siin karaa Qaraabada kale iyo Masaakiinta Muslimiinta guud ahaan.

Baraarujin: Jaaliyadaha Soomalida Debadaha ku nool waxaa Zaka ahaan looga rabaa inay u bixiyaan hadii ay Dalka gaarsiinayaan ama ay Hey’adaha Madaxa banaan u dhiibayaan ayadoo Lacag ah si Zako loogu iibiyo, waa Hadba Qarashka ay ku Qiimeeyaan Culimada kula nool Dhulkaas waxii u dhigma Zaka ahaan Qofkiiba, waxaana wanaagsan in ay Dhaqso usii dhiibaan Lacagaha si loogu iibiyo Cunooyinkii Zaka ahaanta loo gaarsiin lahaa Masaakiinta Muslimiinta.

Suuragal matahay in Zakada Fidriga loo Helo Gacmo Aaamina ka Aruuriya Debadaha Dalkana Gaarsiiya?

 

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.