Home » Faallo »

Sideen u fahamnaa Quraanka? Q:27aad


Suurada 106aad Qureysh:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Qureysh oo ah Magaca Qabiilka uu ka Dhashay Nabiga Suuban (Scw) Qabiilkaas oo ahaa Qabiilka ugu Caansanaa Jaziirada Carabta.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Tiin ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Qureysh:

Suuradan waxey si gaar ah uga Hadashaa Nicmooyinka uu Alllaah (Cw) siiyay Reer Makah, waxaa ugu weyn Nicmooyinka Qureysh lagu Galadeystay Nicmada Amniga iyo Nicmada Maalka sidaas darteed ayaa Nicmiiyonkaas lagu xasuusinayaa in ay Caabudaan kaliya Allahii ku galadeestay oo ay Shirkiga ka haraan.

Suurada 107aad Al-Maacuun:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aaydaheeduna waa 7 Aaayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Takaathur ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Maacuun:

Suuradan waxey ka Hadashaa laba Qlo oo Dadka ka mid ah waxeyna Tilmaantaa Astaamaha lagu garto, labadaas qolo waxey kala yihiin.

1-    Gaalka Inkira Nicmooyinka Alle (Cw) ee Beeniya Maalinta Xisaabka iyo Abaalmarka.

2-    Muunafiqa wax walba uu Qabanaya istus tus u Sameeya, Haduu Dukanayo ama wax kale oo Wanaagsan sameynayo.


Suurada 108aad Al-Kowthar:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 3 Aayadood, waxeryna soo Dagatay Suurada Al-Caadiyaat ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Kowthar:

Suuradan waxey ka Hadashaa Fadliga iyo Galada weyn ee uu Allaah (Cw) ugu Nimceeyay Nabi Muxamad, waxeyna Suuradan Nabiga Fartay inuu joogteeyo Salaada iyo Hadiyagana (waa Xoolaha Xaramka lagu Gowraco Xiliga Xajka) Gowraco si uu Allaah uga Mahad Celiyo Nicmooyinka lagu maneestay.

Suurada 109aad Al-Kaafiruun:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadheedu waa 6 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Maacuun ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Kaafiruun:

Suuradan waxey ka Hadashaa Towxiidka iyo in aan Xiriir Kalgacaltooyo lala yeelan Karin Ahlu Shirkiga, waxeyna Suuradan Muslimiinta fartaa in aysan Dabac ka galin Arimha Diinkooda ku Saabsan iyo caqiidadooda ku Saabsan sida in ay Aaminaan Diin kale oo xaq ah inuu jiri karo ama in ay u Dhaga nuglaadaan Dacwada loo yaqaan Isku Dhaweynta Diimaha samaawiga ah.

Suurada 110aad An-Nasri:

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheedu waa 3 Aayadood, waxey Soo Dagatay Suurada At-Towbah ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Nasri:

Suuradan waxey Guud ahaan ka Hadashaa Guushii Muslmiinta ku furteen Magaalada Makah, iyo Islaamka sida uu ugu faafay Jaziirada Carabta oo dhan, guusha Makah lagu Furtay Bishaaradeeda waxey soo Dagatay oo Muslmiinta lasoo Gaarsiiyay Waxyi ahaan ka hor Waqtiga Guushaas.

Suuradan waxaa kaloo lagu Xasuustaa in uu Cumar Ibnu Kahdaab ku Xujooyay Rag Odayaal u badan oo saxaabada ka mid ah markii ay Garan waayeena waxuu weeydiiyay C/llaahi Ibnu Cabaas si uu u dareensiiyo darajada xaga Cilmiga ee Ibnu Cabaas, Ibnu Cabaas waxuu ku Jawaabay: Suuradan waxey ka Hadashaa Geerida Nabiga in ay soo Dhawaatay, taasoo ah Macnaha saxda ay suurada Tusineysay, Nabigana waxey Suuradan Fartay Marka la gaaro Guusha Makah lagu Furanayo oo ay Dadkana Diinta kusoo Xoomaan inuu arinkaas yahay Tilamaan tuseysa Ajashiisa in ay soo dhawaatay, sidaa darteed waxaa la yiri ku Tasbiixso Mahadinta Rabigaa, Dembi Dhaafna ka dalbo waa Rabi Towbada Aqbalee.

Waxaana xasuusin mudan Nabiga marka la leeyahay dembi dhaafna Rabigaa ka dalbo inay tahay nooc Mahad Celinta Rabi ka mid ah laakiin Nabiga wax Dembi ah ma laheyn oo wuxuu ahaa Macsuum, hase yeeshee waxaa la leeyahay Markaad gaarto Maalintaas Guusha Xambaarsan ee aad Makah Furato Dadka Diinka Islaamka soo Raacayana ay fara bataan rabigaa Xus diyaar garawna Aajashaadii ayaa dhawaataye.

Suurada 111aad Al-Masad:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Masad ama Tabat waan Suurad Makiyah ah, Cadadka Aayadaheedu waa 5 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Faartixa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beedan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Masad:

Suuradan Guud ahaan waxey ka hadashaa Halaagii ku dhacay Abuu-Lahab oo ahaa mid ka mid ah Cadawga Diinta Islaamka iyo Muslmiinta Xiligii waxyiga soo dagayay, wuxuuna Nabiga (Scw) u ahaa adeer xaga Nasabka (Dhalashada) laakiin waxuu Dagaal bareer ah ugu jiray sidii uu Diinka Islaamka u dabar Goyn lahaa, waxaana Arintaas ku Gacan siin jiray Xaaskiisa, sidaa darteed ayaa Suuradan labadoodaba loogu balan qaaday Hoog iyo Halaag inuu ku Dhici Doono.

Suuradan waxey Daliil Cad u tahay in aysan waxba Qiimaha ku Fadhin Dhalashada Xaga nasabka ah Hadii aysan Dadka Wanaaga iyo Xaqa isku Raacin, maxaa yeelay Ninkan loo yaboohay Hooga waxaa uu ahaa Nabiga Suuban (Scw) Adeerkiis.

Dembi ama Wanaag Lama kala Dhaxlo:

1-     Qisadii Nabi Nuux markii Doonta lagu badbaadiyay in la Halaagay dad uu Wiilkiisa ka mid yahay, maadaama Wiilka uu Aabihiis ku khilaafay Diinka iyo Xaqa waxba Qiima ah malaha inuu Nabi Dhalay oo Cadaabka ugama Badbaadin Aabihiis inuu Nabi yahay darteed, waxaa kaloo la mid ah Cadaabkii ku Dhacay dad ay ka mid tahay Xaaskii Nabi Luudh maadama ay ka mid aheyd Dadka khilaafay Diin ahaan Nabi Luudh.

2-    Waxaa Dhanka kalana jira inuusan Ruux xumaan ku yeelaneynin dhalashadiisa darteed ama waxa uu asaga ahaan jiray Markiisii hore, arintaasna waxaa Daliil u ah Cikrima waxaa uu ka mid ahaa Gaalada Hoagaankooda waa ina Abuu jahal markii dambe Muslmiinta ayuu ku biiray wax Dhaliil ahna kuma Laheyn inuu Aabihiis Abuu Jahal yahay, Cumara waxaa uu ahaan jiray Gaal weliba markii Dacwadii Islaamka Bilaabatay Col ku ahaa, markuu Muslimayna waxaa uu Noqday Khaliifka Labaad ee Muslmiinta wax dhaliil ahna kuma laha inuu Gaalnimo soo maray.

3-    Waxaa kaloo Xasuusin Mudan arintaana waxay Dhanka kalana Naqdin ku tahay kuwa Aaminsan in Dembi lakala dhaxlo ee Nasaarada ah waayo waxa ay Aaminsan yihiin in Nabi Aadam Gafkii uu galay markii uu Janada dhex daganaa inuusan Insaanka ka harin Weligoodna daba taagan oo ay soo kala Dhaxleen ilaa laga soo gaaray waxa ay u yaqaanaan Salbintii Ciise, ayagoo ku andacooda inuu Nabi Ciise Qaaday Gafkii soo Taxnaa ee lakala Dhaxli jiray, sababtuna arintaas waxa ay gaf ku tahay Xataa Kitaabada u Qoran Nasaarada  iyo Shareecada Islaamka, maxaa yeelay Nabi Aadam marka hore waa uu ka toowbad keenay Gafkaas, marka labaadna waa laga Towbad aaqaabalay, marka sadaxaadna Caqliga iyo Fidrada intuba ma ogala in lakala dhaxlo Gaf ama Wanaag, mida Afaraadna waxaa Aduunkan soo maray Nabiyaal fara badan Sida Nuux Ibraam iyo Caruurtiisa Nabiyada wada ahaa ma waxaan leenahay maadaama aysan Salbinta ay Naasarada Sheegaatay aaminsaneyn waa Dembiilayaal waxa ay ay Dhaxleen Dembi aysan ayaga sameyn kii sameeyaynaba loo Cafiyay, hadii taas ay dhacdo waa inaan Allaah Cadaalad daro ku Tuhunsaneyno, mida Kale Quraanka waxaa ku qoran Naf ma Xambaarta Dembi aysan Galabsan, waxaa kaloo Beybalada ku Qoran Wiilka ma looma qabsado gafka Waalidkii, hadaba maxaa keenay marka in la yiraahdoo Dembiyaa Nabi Aadam laga Dhaxlay ama Nabi Ciise In la Salbiyay qofkii Rumeeya ayaa dembigaas la qaadaa?!

Dadku Dhalasho kuma kala sareeyo:

Waxaa xasuusin Mudan Xaga Nasabkana inaan aysan Ruux ka reebeyn inuu Sharaf iyo Maamuus yeesho inuu ka dhashay Ruuxa Reer yar ama Adoon ahaan jiray Darteed, arintaasna waxaa Tusaale u ah Bilaal oo ahaan jiray Adoon Xabashina ahaa waxaa uu Muslmiinta ku dhex lahaa Maamuus iyo Sharaf aan lasoo koobi Karin, waxaana la mid ahaa Salmaan oo u Dhashay Reet Faaris inuu Sharaf ku gaaray Islaamnimadiisa darteed inuu Nabiga Yiraahdo: Salmaan Anaga Ahlu Beytka ah ayuu Naga Mid yahay, Halka Abuu Jahalna Halaag iyo Hoog loo Balan qaaday Gaalnimadiisda Darteed.

Waxaan kusoo Gabagabeynayaa inaan dadka Muslmiinta ah ee Soomali ku iraahdo isku Tixgaliya Toosnaanta iyo Wanaaga Qofka Naf ahaantiisa uu ula yimaado, Ruuxna yaan loo Aamaanin ama loo Dhaliilin Dhalashadiisa Darteed waayo dadka waxaa wada Dhalay Aadam  oo Asalkiisu Ciid laga wada Abuuray, Ruuxna kama Fiicna Ruuxa kale Dadkana ka mid ma aha Ruux Dahab ama Qalin ama Maar  laga sameeyay, sidaa darteed Ruuxna kama sareeyo Ruux kale ilaa Diinta iyo Iimaanka inta uu kaga wanaagsan yahay maahane.


W/Q: calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.