Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 25aad


Suurada 93aad Ad-Duxaa:
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fajri ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ad-Duxaa:
Suuradan waxey Guud ahaan ka hadashaa Nabi Muxamad (Scw) Nicmooyinka la siiyay Aduunka iyo Aakhirabadaba, si uu Allaah ugu Shukriyo Nicmooyinkaas, waxaana Nicmooyinkaan Nabiga loo Xasuusiyay si uusan Nabiga (Scw) uga Murgin Dacaayadaha Gaaladii Makah kaga imaanayay iyo Dhibaatooyinkii ay ku sameynayeen.

Suurada 94aad Ash-Sharxi:
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Ad-Duxaa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahayDhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ash-Sharxi:
Suuradan waxey Guud haan ka hadashaa Darajada Sare ee uu Nabiga Suuban (Scw) ku leeyahay Rabigiisa Agtiisa, waxeyna SuuradanTilmaantay qaar Nicmooyinka Nabiga (Scw) la siiyay ka mid ah sida Laabta oo loogu Nuuriyay Xikmad iyo Qur’aan, Culeyska oo laga Dajiyay iyo Magciisa oo la kor yeelay.

Suurtada 95aad at-Tiin:
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Buruuj ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Tiin:
Suuradan waxey ka Hadashaa laba Mowduuc oo kala ah:
1- Sida Allaah u Karaameeyay Insaanka.
2- In la Rumeeyo Maalinta Xisaabta iyo Abaal marka (Maalinta Qiyaamaha).

3- Suuradana waxay kaloo tilmaan guud ka bixisaa inuu Khasaaray oo hoogay kii aan Iimaan Sax ah iyo Camal wanaagsan la imaan Maalinta Qiyaamaha.

Suurada 96aad Al-Calaq:
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedu waa 19 Aayadood, waana Suuradii ugu Horeysay ee soo Dagatay, Musaxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Calaq:
Suuradan waxey ka Hadashaa Sadax Arin oo Muhiim ah:
1- Biloowgii waxyigii kusoo Dagay Nabi Muxamad (Scw) oo ah Nabigii ugu Dambeeyay.
2- Insaanka Kibirka uu ka helo Maalka iyo sida uu Amarada Allaah (Cw) uga Horyimaado.
3- Qisadii Fircoonka Umadan (Abii Jahal) iyo Dhibaatada uu u geysan jiray Nabiga sida inuu ka reebi jiray inuu Caabudo Rabigiisa (u Tukado).

Suurada 97aadAl-Qadri:
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Cabasa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qadr:
Suuradana waxey ka Hadashaa Waqtiga uu ku Beegnaa dagitaankii Quraanka markii u horeysay iyo Fadliga uu leeyahay Habeenkaas oo ka midka Bisha Ramadaan ee loo yaqaan Leylatu-Al-Qadriga, kaasoo ah Habeen ka Fadli Badan xaga Cibaadada waxa uu u dhigmaa Cibaado Kun Habeen la sameeyay oo kale, isla markaana Malaaikta ay ka soo dagi Samada Nabadna ah, sidaa darteed waxaa wanaagsan Habeenkaas in si aad ah loogu Dadaalo Cibaadada iyo helitaankiisaba, waxaana Nabiga uu Sheegay inuu ku dhex jiro Tirada Kisiga ah ee Tobanka Dambe ee Bisha Ramadaan, taasoo macnaheedu noqanayo in 10ka Habeenba dadaalka la kordhiyo.

Suurada 98aad Al-Bayinah:
Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Adh-Dhalaaq ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.


Macnaha Guud ee Suurada Al-Bayinah:
Suuradan waxey ka Hadashaa Sadax Mowduuc oo kala ah.
1- Mowqifka Ahlu Kitaabka ka taagan yihiin Risaalada Nabi Muhammad kaasoo ah Mowqif ku dhisan Inkirmo iyo Xasad waxaana Taariikhada ka Buuxa Tusaalooyin fara badan oo muujinaya arintaas waxaana ka tilmaami karaa si kooban markii uu Nabiga yimid Madiinaha uu ay qaar Yuhuudii Madiina daganeed ka mid ahaa is weydiiyeen Ninkanu Nabigii ma yahay waxay yiraahdaan, markii ay ka sheekeesteen Mowqifka ay qaadanaayaan waxaa uu Xuyay Ibnu Akhdab yiri: Waxaan Go’aansanahay inaan Naceeyo Inataanba noolahay, Dhanka kalana Marka laga eego waxaa Ahlu-Kitaabka ku jira qaar yar oo xaqnimada Nabiga gartay Raacayna sida C/llaahi Ibnu Salaam isla Maalintuu Madiinaha yimid Markuu Hadalka Nabiga Maqlay iyo Asalada Dacwadiisa rumeeyay oo raacay.
2- Ikhlaaska (Cibaadda oo loo gaar yeelo Allaah kaliya) inuu yahay waxa ugu weyn ee looga Baahan yahay ruux kasta.
3- Mustaqbalka ay kala Mudan doonaan kuwa Mu’miniinta ah iyo Gaalada (Yuhuud Nasaaro iyo Mushrikiin), Mu’miniinta waxey Gali Doonaan Jano Nimcooyinkeeda aysan Dhamaaneyn ayagoo ku waaraya, Gaaladuna waxa ay galayaan Naar Cadaabkeedu Xanuun Badan yahay Abidkoodna ay ku jiri Doonaan.

Suurada 99aad Az-Zalzalah:
Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 8 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Nisaa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Az-Zalzalah:
Suuradan waxey aaad u Faahfaahisaa Maalinta Aakhirada iyo Xisaabka ka jira Nooca uu yahay, waxeyna Suuradan tilmaantay waxa Dadka lagu Tixgalinayo Maaliantaas in ay Tahay Hadba Camalkii ay Aduunka kusoo Shaqeeyeen, haduu Xumaan yahay iyo Haduu Wanaag yahayba.

Maalinta Qiyaamaha waxaa la keeni doonaa Miizaan lagu saaro Camalada Qof kasta ama Iimaanka Ruux walba, taasoo ay ka dhalan doonto in dadka qaar Camaladooda wanaagsan Cuslaadaan halka kuwa kalana Camaladooda Xumaa Cuslaanayaan markaasna kuwa Camalkoodii wanaagsanaa Cuslaado aad ayay ugu farxi doonaan camalkoodii Dunida ay kusoo shaqeesteen marka laga abaal mariyo, dhanka kalana waxaa aad u Murugoon doona kuwii Xumaantooda fara badneyd marka la hor keeno gafafkoodii mana jirto Maalintaas wax wax ka dhimi kara ama Ziyaadin labada qolo, mana jiro wax Maalintaas wax anfaca oo aan aheyn Camalka Suuban.


W/Q: Calinuur Xoogsade

Asadxg@hotmail.com

Waxaa Gacan ka geestay Hey’ada Samafalka Soeeg Info@soeeg.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.