Home » News »

Keynaan oo soo gaaray Muqdisho kadibna Booqday Isbitaal Banaadir

Fanaankii sida aadka ah ugu soo caan baxay koobkii K/cagta adduunka ee lagu qabtay dalka Koofur Afrika Keynan Cabdi Warsame ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana si weyn u soo dhaweeyey madax ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadweyne fara badan, wuxuuna booqday isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir.

Keynaan ayaa booqashadiisa waxay qayb ka tahay booqashooyin ay maalmihii ugu dambeeyey ku imaanayeen dad caan ah oo uu ugu dambeeyey Ra’isul Wasaarihii turkiga, Madaxweynaha dalka Jabuuti, afar fanaan oo u dhalatay turkiga, fanaanad u dhalatay dalka Mareykanka iyo dhaxal sugaha amiirka dalka Imaaraadka Carabkta.

Fanaanka ayaa maanta wuxuu deeq daawooyin ah gaarsiiyey isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan haween iyo carruur dhibaato ka soo gaartay abaarta dalka ka jirta, waxaana ku wehliyey qaybinta daawadaasi hawlwadaneeda isbitaalka, waxaana la arkayey fanaanka oo kor u qaadaya carruur aad u liidata, waxaana wajigiisa laga dareemayey murugo ku aadan xaaladda adag ay ku jiraan carruurtaasi, isagoo ugu baaqay caalamka in ay laba jibaaraan gargaarka la gaarsiinayo dalka Soomaaliya.

Ujeedada uu u yimid Fanaan Keynaan Magaalada Muqdisho ayaa ah sidii indhaha beesha caalamak loogu soo jeedi lahaa xaaladda Wadanka Soomaaliya oo ay isugu darsantay abaarta iyo colaadda, waxaana la filayaa in fanaanka uu qayb ka noqdo fanaaniinta adduunka ugu caansan oo dhawaan la filay in ay qabtaan bandhig faneed qaaraan loogu uruurinayo dadka ay saameysay abaarta ee ku nool geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.;

W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.