Home » Warar »

Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan Booqashada Rajab Ordegan ee Muqdisho.

Waxaa maanta oo Bishu tahay 19 Ogoosto  Magaalada Muqdisho soo gaarey Wafdi aad u balaaran oo uu Hogaaminayey Raiisul Wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ordegan waxaana ku wehliyeyXubno ka tirsan Qoyskisa,  sida Haweenta uu qabo iyo Saddex Caruur ah uu uu dhaley oo ahaa laba Gabdhood iyo Wiil  waxaa kaloo ka mid ahaa Xildhibaano ,Wasiiro iyo Ganacsato u dhalatey Wadankaas , waxayna Wafdiga Raiisul Wasaaraha Turkiga ay la socdeen Saddex Diyaaradood oo aad u waaaweyn waxaa kaloo la socdey Wafdiga Raiisul Wasaaraha Shan Wasiir oo iyo Fanaaniin caan ka ahaa Wadankaas iyo ilaa siddeetan Ganacsatada ugu waaweyn wadankaas

Raiisul Wasaaraha Turkiga Markii uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed , GudoomiyahaBaarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyoi Raiisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , Xildhibaano , Wasiiro iyo Dadweyne aad u fara badan kuwaas oo lulayey Calanka Guduudka ah ee Dalka Turkiga iyo Calanka Buluuga ee Soomaaliya

Raiisul Wsaaraha Turkiga ayaa Salaan Sharaf ka qaatey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo tumayey Astaanta labada Dal taasoo ay si aad ah ugu qiiroodeen Dadweynhii halkaa taagnaa , kadib Raiisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu qaadey gawaari kuwa Marti Sharafka ah iyadoo Madaxdii ka horeysey Markey imaanayaan lagu qaadi jirey Gawaarida Qafilan ee Ciidanka Amisom waxaana Raiisul Wasaaraha loo galbiey Xero Cusub oo ay sameeyeen dhawaan   Dowlada Turkiga oo ay ka Howl galaan Dhaqatiir Turki ah

Markii uu halkaa tagey Raiisul Wsaaraha waxa uu soo kormeerey Xeradaas oo loo bixiyey Xerada Badbaado 2 oo ay ku jiraan  Barakacayaal Cusub oo dhawaan soo gaarey Magaalada Muqdisho, wuxuuna si aad ah u indha indheeyey xaalada Barakacayaasha Abaarta isagoo halkaa ku so arkey dad aad u liita oo u baahan Caawinaad dheeraad .

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Raiisul Wasaaraha ayaa waxaa uu soo marey Wadada Maka Al Mukarama oo laga xayirey Gaadiid iyo dadka waxaa gebi ahaan surnaa Calamada wadamada Soomaaliya iyo turkiga , waxaana buuxiyey Ciidamada qaybahooda kala duwan , kadibna wuxuu boodey Xero ay ku jiraan dad ka soo cararey Abaarta ,ee ku taal agagaarka Taalada Sayidka waxaana Raiisul Wasaaraha u muuqanayey Burburka Guryaha ku yaal Degmada Howlwadaag , halkaa ku soo arkey dad ka muuqata  Diiftii iyo dhibaatadii ka soo gaartey Abaarta iyo Dagaalada.

Xaflad si heer sare loo soo agaasimey ayaa wafdigii Raiisul Wasaaraha  Turkiga Rajab Dayid Ordegan waxaa loogu sameeyey Xarunta Madaxtooyadda  , waxaana ku wehliyey saddexda Masuul ee ugu sareeya Dowladda Federaalaka waxayna Fanaaniinta Soomaaliyeed ay qaadeyeen heeso isugu jira Soomaali iyo Turki kuwaas oo ay si aad ah ugu Qushuuceen  Madaxdii Raiisul Wasaaraha Turkiga la socotey .

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa Waraaqihii Aqoonsiga Danjiranimo ka Gudoomey Safiirka Dowladda Turkiga u  fadhiyi doono  dalka Soomaaliya waxaana Goob joog ka ahaa Raiisul Wasaaraha Turkiga iyo Xubno ka  tirsan Dowladda Federaalka   sidoo kale Wasiirka waxbarashada     Axmed Caydiid Ibraahim ayaa waxaa uu sheegey in Shirkad laga leeyahay Wadan Turkiga taasoo uu sheegey in ay  dhisi Doonta Dugsiyadii ku burburey Dagaaladii Sokeeye.kuwaas oo ay ka mid yihiin Dugsigii sare Banaadir iyo Dugsigi sare ee Farsamada ;

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.