Home » Warar »

Reysalwasaaraha DFKMG Xaaskiisa oo maanta deeq gaarsiisay barakacayaasha

Marwada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Marwo Hodan Siciid Ciise ayaa maanta deeq isugu jirtay lacag iyo dhar u qeybisay qoysas barakacayaal ah oo ku jira Kaam lagu magacaabo Koorsan oo ku yaala gudaha magaalada Muqdisho.

Kaalmadan ayaa waxaa u soo wakiishay Marwo Hodan Siciid Ciise dad samafalaal Soomaali ah oo ku nool magaalada Buffalo ee dalka Mareykanka waxayna cadadkeedu gaareysay lacagta ay qeybisay 50 Milyan oo Shillinka Soomaaliga ah iyo dhar aad u tiro badan oo isugu jiray qeybaha caruurta iyo dadka waaweyn iyo weliba go’yaasha dhaxanta laga galo, waxaana xusid mudan in gacanteeda ay ugu qeybisay deeqdan lacageed.

Marwo Hodon Siciid Ciise oo saxaafada kula hadashay gudaha Kaamka Koorsan ayaa baaq u jeedisay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha iyo kuwa beesha caalamkaba inay gargaar u fidiyaan dadkan abaarta daran heyso. “Xaalada barakacayaasha ma ahan sida loo maleynayo, waana mid aad u daran, waxaana dareemi kara qofka indhihiisa ku soo arka, waxaana ka codsanayaa walaalaha Soomaaliyeed ee qurbaha iyo beesha caalamkuba inay gargaar u fidiyaan dadkan” ayay tiri Marwo Hodan oo xustay in dowladdu ay dedaashay oo dadkan ay u sameysay degaan balse ay tabar ku filan laheyn oo ay ku kaafiso dadkan quudkooda.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.