Home » Warar »

Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Deeq Gargaar Gaarsiisey…..

Waxaa weli si Xawli ah  ku socda Gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameeysey Abaaraha  ee ku sugan Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyadoo taasi ay jirto ayaa Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO)  waxay  gargaar aad u balaaran maanta  ay  gaarsiiseen Qoysas dhibaato ka soo gaartey Abaarta  waxayna Qoysaskaas ay ku jireen Kaam lagu Magacaabo Siliga ama Beedle ee Magaaladda Muqdisho   , waxay Qoysaskaa la gaarsiiyey gargaarka ay gaarayeen ilaa Seddex Boqol oo Qoys oo ka muuqatey Diifta iyo Darxmadii ka soo gaartey Abaaraha.

Qoysaskaa ayaa la siiyey Raashin isagu Jirey Bariis , Bur Sonkor , Saliid , Timir iyo Caano Gasacadeysan, waxayn Qoys kasta Raashinkaan Musuuliyiinta Hay’ada ay sheegeen  uu ku filan yahay Muddo Bil , waxaana Qoyska kasta gacanta ka saarey Raashinkaas Masuuliyiinta Hayadda HARO oo uu  Horkacayey Gudoomiyaha HARO Cali Xaaji Cabdi Nuur .

Intii ay socotey Qaybintaas Gargaarka ah ayaa Gudoomiyaha mar uu u waramayey Bahda Saxaafadda waxaa uu  sheegey in  Gargaar la mid ah midka ay Muqdisho ka qaybinyaan maanta ay haatan ka socdaan Magaalayinka Baydhabo iyo Diinsoor  isagoo sheegey  in Qoysaskaas ku sugan Magaalooyinkaa la gaarsiiyey Raashin ay Quutaan Muddo Bil sidoo kale wuxuu sheegey in Deegaanka Ceelasha Biyaha ay Hayadda ka qaybisey Gargaar kala duwan .

Gudoomiyaha Cali Xaaji  ayaa sheegey in ay hore u soo qaybiyeen Raashin gargaar oo kala duwan oo uu sheegey in ay  siiyeen Qoysas  ay saameeysey Abaaraha , waxaa kaloo uu sheegey in ay sii wadi doonaan gargaarka ay gaarsiiinayaan dadkaas maadaama ay Hayadu u taagan tahay sidii dadka Soomaaliyeed uga bixi lahaayeen Abaaraha , Colaadaha iyo Cudurada.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Qoysaskii la siiyey Gargaarkii maanta ee ku sugan Kaamka Siliga ee Beedle ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey Hayadda HARO  oo ay sheegeen in Gargaarkaan  uu ugu soo beegmey Xili ay si aad ah ugu baahnaayeen maadaama lagu guda jiro Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan , waxayna ugu baaqeen Hayadda HARO in ay halkaa ka sii wadaan Garagaarka la gaarsiinayo dadka ay saameysey Abaaraha

Hayadda HARO waa Hayad Samafal oo ka Howlgasha  guud ahaan Dalka Soomaaliya waana Hayad  Caawinta markasta dadka Dhibaateysan waxayna Deeqo Gargaar oo fara badan ay hore ugu   qaybiyeen dhamaan Gobolada Soomaaliyeed waxayna Masuuliyinta Hayadda u mahadceliyeen intii ku gacansiisey qaybinta Gargaarkaas kala duwanaa , iyagoo sheegey in ay halkaa ka sii wadi doonaan  Caawinta Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail   amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.