Home » Warar »

Go’aamadii Shirkii Wadatashiga DPL iyo Waxgaradka G. Mudug

Waxa 16 bisha Agosto 2011, Xarunta Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe shir wadatashi ah ay Dowladdu ugu yeertay odayaasha dhaqanka, aqoonyahanka iyo waxgaradka Gobolka Mudug, iyadoo qodobada laga wadatashanayey ay ka mid ahaayeen: arrimaha amniga, maamulka iyo horumarinta.

Waxaa si weyn looga falanqooday meelaha dhaliilahu ka jiraan ee Hay’adaha Dowladda ee heer Gobol iyo dhinaca dadweynahaba.

Intaas kadib waxaa wasaaradaha dowladdu soo bandhigeen waxyaabihii ay Dowladdu ka qabatay Gobolka Mudug, taasoo ay ergooyinkii ka socday gobolku markay dhegeysteen warbixinadii Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxabanaan ee Dowladdu ay garawsadeen soona dhoweeyeen waxqabadka dhabta ah ee laga qabatay Gobolka Mudug mudadii ay dawladaani jirtay.

Waxaa la wada garawsaday is qabqabsiga ka jira Maamulka heer Gobol iyo weliba dhaliilaha loo soo jeediyey ciidamada Amniga, iyadoo dhinaca dadweynahana lagu dhaliilay wadashaqayn la’aanta Hay’adaha Gobolka iyo gacansiinta danbiilayaasha  kuna  difaacaya hab qabiil.

Waxaa si wadajir ah laysla qaatay qodobada soo socda:

  1. Dowladdu waxay garawsatay xaaladaha amni-xumo, maamul iyo duruufaha gaarka ah ee ka jira Gobolka Mudug sida meesha ay ku taalo.
  2. Dowladdu waxay ka shaqaynaysaa midaynta iyo xallinta khilaafaadka shacabka ku dhaqan gobolka Mudug, si meel looga soo wada jeesado wax ka qabashada ciddii wax u dhimaysa amniga gobolka.
  3. Dowladdu waxay ballanqaaday inay sida ugu dhaqso badan uga hawlgelayso wax ka qabadka arrimaha Amniga, Maamulka iyo Horumarinta Gobolka Mudug, waxaana laysla qaatay in xooga la saaro arrimaha soo socda:
  4. Dadka geysta dembiyada bareerka ah sida: dilka, dhaawaca, kufsiga IWM, in lagu fuliyo Shareecadda Islaamka iyo qaanuunka Dowladda.
  5. Dembiilahaasi dhibka uu geysto isaga ayey u gaar tahay ehelkiisana waxba loo raaci mayo, sidoo kale qabashadiisa waxaa iska kaashanaya Dowladda iyo shacabka, siiba eheladiisa.
  6. Qofka ciidanka Dowladda ka tirsan wixii xadgudub ama tacadi ee uu la yimaado isaga ayaa ka masuul ah Dowladda iyo eheladiisana looma raacan karo.
  7. Askariga isagoo gudanaya waajibaadkiisa wixii uu geysto ama loo geysto Dowladda ayaa mas’uuliyadda qaadaysa.
  8. Wixii dhimasho ama dhaawac ah oo ka soo gaara dembilayaasha howlgalada ciidamada Amniga cidna looma raaci karo.
  9. Dadka Dowladdu u qabato arrimo la xiriira amniga inaan cidina ka daba tegi karin, damiinan karin inta laga baaraayo, ciddii isku daydo inay si khaldan ku soo deyso eedaysanahaas waxaa loo aqoonsanayaa inay gacan siinayso eedaysanaha caqabadna ku tahay amniga.
  10. Inay Dowladdu xal u hesho dadka amni xumada looga shakiyo ee laga soo celiyo Gobolladda kale oo Galkacyo la keeno.
  11. In la sameeyo wacyigelin joogto ah oo ku aadan amniga iyo horumarinta Gobolka.
  12. Dhinaca tayaynta maamulka Gobolka waxaa laysla qaatay in dadka xilalka qabanaya noqdaan kuwo lagu soo xulo aqoon, karti iyo hufnaan.
  13. Dhinaca horumarinta waxaa laysla qaatay in Dowladdu raadiso mashaariic horumarineed oo ay shaqo ka helaan dhalinyarada la dhaqancelinayo, iyadoo xooga la saarayo kordhinta wax-soo-saarka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.
  14. In si wadajir ah loo ilaaliyo deegaanka, isla markaana laga hortago gubidda dhirta (dhuxusha), dhabargoynta ugaarta iyo deegaamaynta dhulka aan sharciyeysan.
  15. Waxaa si wadajir ah shirka looga canbaareeyey cid kasta oo wax u dhimaysa amniga iyo xasiloonida gobolka sida; burcadbadeeda, argagixisada iyo kooxaha ka ganacsada mukhaadaraadka.

Isha: PL Ministry of Information, Telecommunication, Culture and Heritage

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.