Home » Warar »

Hadiyad sanadeedki​i shirkadda Golis oo Laga Bixiyey Magaalada Gaalkacyo.

Qaar ka mid ah macaamiisha shirkadda Golis Telecom Somalia ee  magaalada Gaalkacyo ayaa ku guulaystay hadiyad sanadeedka shirkadda Golis (Golis  Super Gift). Qaybinta hadiyadaas ayaa ku soo beegantay bisha ramadaaan ee barakaysan ee sanadka 2011.

Waxaa munaasabada lagu kala saarayay dadweyne farabadan oo nasiibkooda tijaabinayay kuwaasi oo soo codsadey ka qeybgalka hadiyad sanadeedka shirkadda isgaarsiinta Golis ay u qabatay macaamiisheeda Gaalkacyo.

Shirkadda Golis ee gaalkacyo ayaa waxay soo bandhigtay sanduuq yar oo ay ku jiraan dhamman Talephonada dadkii soo codsatey ka qayb galka nasiibka.

Hadiyada shirkadda Golis ay dadka siisay ayaa ka koobnayd:  gaari bas ah, computer laptob ah, qasaalada dharka lagu dhaqo, dahab, qalabka telefishinka lagu fiirsado, telfoono iyo waxyaabo kale.

U tartartamayaasha hadiyad sanadeedka Golis ayaa tiradooda ahayd 20,000 oo macmiil, dadkaas ayaa waxay fariin waraaq ah u direen Number-ka ah 140. Dhamman macaamiishaas ayaa la tartansiiyay si ay u tijaabiyaan nasiibkooda.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah Isimada Gobolka Mudug ayaa laga codsaday in uu soo xulo qofka ku guuleysanaya gaariga hadiyada shirkadu u bixinaysay, waxaana Islaan Bashiir uu ruxay sanduuqii wuxuuna isku qasay waraaqihii ka buuxay oo uu ka soo bixiyay hal warqad, waxaana warqadaasi ku qornaa lambar ay leedahay gabar lagu magacaabo Faadumo Maxamed Ciise oo noqotay gabadha ku guuleysatay gaariga baska ah ee shirkadda Golis ay u bixisay hadiyad sanadeedka.

Isu-duwaha Wasaaradda Haweenka ee gobolka Mudug Faadumo Gees-dheer ayaa waxay dhinaceeda sanduuqa ka soo saartey lambarka qofka ku guuleysanaya dahabka ay shirkaddu hadiyada u bixineysay, waxaana nasiibkeedu dahabka siiyay Maryan Maxamuud Guutaale.

Qaar badan oo kale oo macaamiisha ka tirsan ayaa waxay heleen qasaalada dharka lagu dhaqo, telfoono, qalabka lagu fiirsado telefishinka iyo alaabo kale, waxaana sidoo kale ka soo qeybgalayaashii xaflada loo qeybiyay hadiyado lagu sharfay oo ay ka mid ahaayeen telfoono, buugaag xusuus qor ah iyo lacago ku hadal ah oo telfoonada loogu shubay marti sharaftii xaflada timi.

Kusimaha ahna kuxigeenka Maareeyaha shirkadda isgaarsiinta Golis Gaalkacyo Jamaaludiin C/kariim Gabanow ayaa waxaa uu mahad celin u jeediyay Isimada iyo marti sharafta ka soo qeybgashay xaflada, wuxuuna dadka nasiibkooda ku tijaabinaya hadiyada u sheegay in ay nasiibkooda ku kalsoonaadaan isla markaana shirkaddu guddi Isimo iyo Waxgarad isugu jira u xilsaartey in ay soo xulaan dadka hadiyada nasiibkoodu siiyo.

Madaxa suuqgeynta shirkadda Golis Siciid Xuseen Ciid ayaa waxaa uu sheegay in hadiyadani aysan ahayn tii ugu horeysay ee ay qabato shirkadda isgaarsiinta Golis, wuxuuna intaa ku daray in shirkaddu ay horey u qabatay hadiyado ay ku bixisay gaadiid iyo alaab kale, isagoo xusay in gaariga maanta ay bixinayaan uu yahay kii saddexaad ee ay shirkaddu bixisay.

Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq) oo ah Madaxa hoggaanka ganacsiga shirkadda Golis ayaa waxaa uu sheegay in qorshaha iyo hadafka shirkadda Golis uu yahay in ay macaamiisheeda raali geliso oo ay ka qancaan, wuxuuna intaa raaciyay in aysan hadiyada intaasi ku koobnaan  doonin oo ay noqon doontomid sanad kasta la qabto.

Madaxa howlgalada shirkadda Golis C/laahi Cali Cumar ayaa u mahad celiyay dhammaan ka soo qeybgalayaasha oo uu ugu horeeyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle wuxuuna intaa ku daray in maanta ay doonayaan in ay si xor ah oo xalaal ah ay u gudoonsiiyaan macaamiisha shirkadda hadiyada ay ku guuleystaan.

Dadkii hadiyadaha nasiibka u helay oo ay ka mid yihiin gabdhihii helay gaariga, dahabka iyo laptobka ayaa soo gaarey durbadiiba shirkadda Golis Gaalkacyo kadib markii ay idaacada Gaalkacyo oo si toos ah u tebinaysay xaflada hadiyada ay iska dhageysteen, waxaana lagu wareejiyay alaabadii ay ku guuleysteen.

Halkan kadaawo

Gunaanadkii iyo gabagabadii ayaa waxaa xusid mudan in dhamman dadka reer gaalkacyo ay ku faraxsanaayeen in shirkadda Golis Telecom Somalia ay u keentay hadiyad aad qaali u ah.taas oo muujinaysa sida ay sheegeen in ay tahay mid ay shirkaddu ku tixgalinayso shacabka dagan magaalada gaalkacyo kuwaas oo had iyo jeer isticmaala adeegyada shirkadda Golis Telecom Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.