Home » Warar »

Soomaalida ku nool Magaaladda Perth ee Dalka Australia oo Markii Shanaad Muqdisho ka qaybiyey Deeqo Gargaar ah.

Deeqdaan waa Deeqdii  Shanaad ee aan ka qaybino Magaalada Muqdisho , waxaan hore ugu soo qaybiney Isbitaalada Madiina, Banaadir, Martiini, Kaamka Ambasadoor iyo midkaan maanta aan dul taaganahay ee Digfeer , wuxuuna  gargaarkeenna uu isugu jirey Raashin kala duwan,Caano  iyo lacago Kaash ah” Sidaa waxaa yiri Axmed Daahir Cabdulaahi Cali iyo Xasan Shiikh Axmed oo ah laba Xubnood oo Soomaalida ku nool Magaalada Perth ee Australia u soo wakiisheen in lacago ay iska ururiyeen ay gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed ee  Dhibaatada ka soo gaartey Abaaraha iyo Dagaaladda.

Intii aysan bilaaban Qaybinta Deeqdii la gaarsiiyey Kaaamka Digfeer waxaa Warbaahinta la Hadley Axmed Daahir oo ka socdey Soomaalida Magaaladda Perth oo ugu horeyntii u mahadceliyey Soomaalida ku nool Perth ee Australia sida ay ugu damqadeenm Walaahooda dhibaateysan,isagoo si gaar ah ula hadlaya dadkii wax soo dhiibey ayaa yiri  “ dadkii aan wax gaarsiiney  dhamaatood waxay ahaayeen kuwa si aad ah  ugu duceeynaya Soomaalida Perth,waxayna  leehihiin  meeshii aad ka soo bixiseen Ilaah mid ka khayr badan ha  ku bedelo , Anagana  Ilaah dhibaatada hanaga qaado” Isagoo sheegey in Deeqdaan aysan noqon dooninn middii ugu dambeysey balse ay jiri Doonaan Deeqo kale ee ay soo dhiibaan Walaalahooda reer Perth.

Dadka Deeqda la siiyey oo u badnaa Haween ay ka muuqatey dhibaatada Abaaraha iyo Dagaalada ayaa qaarkood waxay si aad ah ugu farxeen Deeqdaas la soo gaarsiiyey ,iyagoo ugu baaqey Soomaalida Perth in ay  halkaa ka si wadaan Deeqaha ay  gaarsiinayaan dadka dhibaateysan maadaama dadka  Soomaaliyeed ay isagu darsameeen Colaad, Abaar iyo Cuduro iyagoo sheegey in dhibaatada Gaarmurtey looga bixi karo dadka Soomaaliyeed oo isku duubnaada isna Taakuleeya.

Deeqihii kala duwanaa ee laga qaybiyey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhihii kar waxaa kaalintii looga baahnaa ka soo baxay Soomaalida Ku nool Magaalada Perth ee Dalka Australia oo iyagu  Tiro shan  jeer Magaalada Muqdisho ka qaybiyey Deeqo isugu jirey Raashin kala duwan , Caano iyo lacago kaash waxayna sheegeen Xubnhii loo soo dhiibeyin ay sii laba jibaari doonaan Deeqa la gaarsiinayo dadka soomaaliyeed maadama muddo 21 sanno ay ku jireen dhibaatootin kala duwan, waxayna Xubnihii loo soo wakiishey Deeqdaas Ilaah uga baryeen  dadka Soomaaliyeed in uu dhibaatada ka saaro kuwooda Xannusan Ilaah uu  Caafiyo.

Ugu dambeeyn waxay u mahadceliyeen Axmed Daahir iyo Xasan Shiikh intii kala qayb qaadtey Qaybinta Deeqdaas oo ay ugu horeeyaan Hayadaha Soscensa , SSU , DPSD ,Muqdisho Media House , waxay kaloo u Mahadceliyeen Agaasimayaasha Isbitaalada Banaadir ,Madiina , Martiini iyo Horjoogayaasha Kaamamka Ambasadoor iyo Digfeer sidoo kale waxay u mahadceliyeed Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta

 

W/D Amiin Yuusuf khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.