Home » Warar »

Soomaalida Ku Nool Magaaladda PERTH ee Dalka Australia oo Deeqdii Afaraad gaarsiiyey Dadka ay saameeyeen Abaaraha iyo dagaaladda

Soomaalida ku nool Dibadaha ayaa waxaa la dhihi karaa waa  Xoogga ugu badan ee Gurmadka Abraara iyo dadka kale ee ku dhibaateysan  Dalka Soomaaliya waxaana Deeq ka timid Soomaalida ku nool Magaaladda PERTH ee dalka Australia la gaarsiiyey dadka ay saameeyeen Abaaraha, waana Deeqdii Afaraad oo ay ka qaybiyaan   Magaaladda Muqdisho waxaana Deeqdaas ka koobaneyd  Raashin kala duwan  iyo Caano,waxaana  laga qaybiyey  Kaamka Ambasadoor ee magaalada Muqdisho.  Deeqdaan ayaa Qoysaska waxaa mid mid gacanta uga  geliyey Xasan Shiikh Axmed iyo Axmed Daahir  Cabdulaahi Cali  oo ka socdey Walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Perth Australia  oo iyagu u soo wakiishey in deeqdaas gaarsiiyaan dadka ka soo cararey Abaaraha ee ku sugan Magaalada Muqdisho waxaana gacan ku siiyey qaybintaas  ama la   kaashadeen Hayadda SOSCENSA, SSU,DPSD iyo MUQDISHO MEDIA HOUSE.. Xasan Shiikh iyo Axmed Daahir ayaa  markasta u kuurgalayey Qaybinta Deeqdaas islamarkaan mararka qaar gacmahooda eyey dadka ugu qaybinayeen waxaana sawirada aad ku arkeysaa Xasan Shiikh iyo Axmed Daahir  oo dhiib dhiibaya Raashinka iyo Caano Boorha waxayna si aad ah ula yaabeen Cunug yar oo Hooyadii markiiba u qastey Caanihii la qaybinayey taasoo ay si aad ah u gu farxeen. Markii ay soo gagabowdey qaybinta  Deeqdaas ayaa waxaa la hadley Saxaafadda Axmed  Daahir  oo u mahaceliyey intii ku gacansiisey qaybinta Deegdaas isagoo sheegey in Deeqdaan ay tahay middii Afaraad  oo ay ka qaybiyaan Magaaladda Muqdisho isagoo sheegey in Deeqo lacageed ay gaarsiyaan Dadka Bukaanka ah ee ku jira Isbitaaladda Madiina , Banaadir iyo Martiini, wuxuu  kaloo uu sheegey in maalmaha soo socda ay qaybin doonaan Gargaar la mid ah kii ay hore u soo qaybiyeen “Gaalo ka timid Dhulal fog ayaa  dadka soomaaliyeed u soo diraya Gargaar  anaga oo Muslim ah waxaa loo baahan yahay in dadkaas aan ka dheereeyno oo aan laba jibaarnoTaakuleynta Walaalaheenna dhibaateysan ” ayuu yiri Axmed Daahir  oo mahad gaar ah u direy Soomaalida Magaalada Perth sida ay uga damqadeen walaalahooda ku dhibaateysan Dalka ee saameeysey Abaaraha iyo dagaaladda wuxuuna ugu baaqey in ay halkaa ka sii wadaan u gargaarida Walaalahooda. Xasan Shiikh Axmed oo isna la Hadley Saxaafadda ayaa  isagana u mahadceliyey Warbaahinta oo uu sheegey in  la’aantood dadka Soomaaliyeed ku nool Dibadaha ogaan lahayn dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed,wuxuuna ku booriyey in ay halkaa ka sii wadaan Howshaas Muhiimka ah wuxuuna u mahadceliyey Hayadda SOSCENSA, SSU,DPSD iyo MUQDISHO MEDIA HOUSE .oo uu sheegey in ay gacan weyn ku siiyeen Qaybinta Deeqahaas kala duwan Ugu dambeeyn Saciid Birmad Cigaal oo ka socdey Hayadda SOSCENSA ayaa  u mahadceliyey Soomaalida ku nool Magaaladda Perth ee dalka Australia oo uu sheegey in ay qabteen Howl aad un wanaagsan isagoo ugu baaqey Soomaalida kale ee ku nool Dibadaha  in ay ku deydaan Walaalahooda reer Perth ee ka damqadey dadka ku waxyeeloobey  dhibaatada Abaaraha iyo dagaaladda .

Halkan ka daawo masawiro dheeraad ah

E-Mail  Amiin Yuusuf KhasaaroE-Mail

amiinkhasaaro@hotmail.co.ukE-Mail

amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.