Home » Faallo »

sideen u fahamnaa Quraanka? Q: 12aad

Suurada 30aad Al-Ruum:

Suurada Al-Ruum si ay Xasuus ugu Noqoto Mucjazadii Qur’aanka uu Alle (Cw) ku sheegay oo aheyd Guul Mustaqbalka Dhaw ay gaari Room xili Markaas waqti ka hor lagu jabiyay Dagaal ay la Galeen Boqortooyadii Faaris (Beershiya).

Labadan Qolo ee Ruum iyo Faaris waxa ay ahaayeen laba Boqortooyo oo Aduunka Xiligaas ugu Awooda Roonaa isla markaana waxaa ka Dhaxeeyay Hardan Xaga Awooda ah, Diin ahaan waxa Ahlu Kitaab ahaa Ruumaanka oo Markaas waxa ay ahaayeen kuwa Xaga Diinta ugu Dhaw Muslimiinta Makah joogay oo Markaas ay ku Cusbeyd Dacwada Diinta Islaamka, Faarisna waxa ay ahaayeen Dab Caabud Mushrikiin ah (Majuus), labadaan Qolo Meelaha uu Dagaalka ku Dhex maray waxaa ka mid ahaa Waqooyiga Jaziirada Carabta, sidaa darteed waxaa Suurada tilmaantay in Muslimiinta ku Farxi Doonaan marka Ruum ay Guuleysato maadama ay Dad ayaga u Xigeen Caqiido ahaan oo ay kaga dhaw yihiin Mushrikiinta Reer Faaris.

Suuradaan Al-Ruum waa Makiyah, marka laga Reebo Aayada 17aad, tiro ahaana Aayadaheedu waa 60 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Inshaqaaq ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Ruum:

Suuradan waxa ay wax ka Tilmaantaa Arimaha Quseeya Caqiidada Maadama ay Makiyah tahay, sida Kalinimada Alle (Cw) oo la Aamino, Risaalada Nabi Muxmad in ay tahay Risaaladii ugu Dambeysay ee uu Rabi (Cw) soo Dajiyay, iyo in la isoo saari Doono Maalinka Dambe ee Qiyaamaha qof walbana la Siin Doono Abaal marka uu Xaqa u yeesho, sidaa darted ayuu Allaah ku tilmaamay kuwa Maalinta Qiyaame kuwa Moog inay yihiin kuwa Aduunyada Dusha uun ka yaqaan oo xataa Moog xaqiiqda Dunida iyo Dhab ahaanteeda…

Suurada 31aad Luqmaan:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray luqmaan, oo ah Nin ka Mid ahaa Umadihii hore ee Diinta Islaamka Aaminsanaa, Ninkaas waxaa ay Suuradaan ka soo tabisaa Waano aad u Qiimo Badan oo uu ku Waaniyay Wiilkiisa, si loo Waariyo Waandaas Qiimaha badan xasuusteeda.

Luqmaan waxaa uu Wiilkiisa ku Waaniyay inuu Aqoon u yeesho Allaha uu Caabudayo, Cibaadadana uusan Cid kale waxba ka siin, waxaa uuna uga Digay Wiilkiisa Shirkiga (Cibaadada Alle oo Cid kale Qeyb laga siiyo amaba Cid kale loo wada leexiyo) Halistiisa, ka dibna waxaa uu ku waaniyay Arimo Aadaab ahaan looga Baahan yahay Qofka Muslimka ah ee Caqiidada u Saxan tahay, Maxaa yeelay Caqiidada iyo Aadaabtu kalama Haraan.

Suurada waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah: 27, 28, 29, tirada Aayadaheeda Guudna waa 34 Aayaadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Saafaad ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Luqmaan:

Suuradaan waxa ay Xooga Saartaa Umuuraha ku Saabsan Rumeynta Muslimka looga Baahan yahay sida Rumeyntaa Alle(Cw) inuu Kali ku yahay Cibaadada, Nabi Muxamad (Scw) inuu yahay Rasuulkii ugu Dambeeyay Rusushii Alle (Cw) soo diri jiray iyo Soo bixinta Maalinta Qiyaame Geerida ka dib ah.

Waxaa kaloo Qisada Waanada Luqmaan ee ku jirta Suuraan muujineysaa Aadaabta iyo Caqiida in aysan kala harin Ahu-Cilmiga waxa ay yiraahdaan Qofkii Caqiidadiisa Wanaagsanaato waxaa lagu gartaa Aadaabta Wanaagsan, sidaa Daraadeed ayaa Marka ay Culimada Caqiidada Kitaabada ka qora Araimaha Caqiidada waxa ay mar walba ku Lamaaniyaan Qeybo ka Hadlaya Aadaabta maadaama ay Caqiidada ku Shaqo leedahay Laabta waxa ku Qarsoon, Aadaabtuna waxa ay soo Muujisaa Laabta Wanaaga kujira, marka Arintaas waxa ay tuseysaa in Qofkii Aadaabtiisa Xuntahay ay Caqiidada Xuntahay.

Suurada 32aad Al-Sajdah:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Sajdah, maadaama lagu Dhex Sheegay Tilmaamaha Wanaagsan ee Muminiinta Saxda ah in ay ka mid tahay Hadii ay Maqlaan Aayadaha Alle (Cw) in ay u Sujuudaan Alle ayagoo Mahada Rabi ku Tasbiixsanaya ayagoo aan aan iska weyneysiineyn Quraanka Kariimka ah.
Suurada waa Makiyah marka laga Reebo Laga Bilaabo Aayada 16aad ilaa iyo Aayada 20aad, tiro ahaan Aaayadaheedu waa 73 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Muminuun ka dib.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Sajdah:
Suuradaan waxa ay la mid tahay Guud ahaan Suuardaha Maka ku soo Dagta Xaga manhajka, waxa ay ka hadashaa Caqiidada iyo Rumeynta Saxda ee looga Baahan yahay Muslimiinta, waxa ayna faahfaahisaa soo bixinta Dambe marka Caalamka Dhamaado ka dib ah taasoo in Badan Musrikiinta ay aad uga Doodaan ayaga oo taasoo Daliil uga Dhigtaan Beeninta Rususha Alle (Cw) soo diray.

Suurada 33aad Al-Axzaab:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Axzaab, si ay Muslimiinta u Xasuuso Isbaheysigii Mushrikiinta ayadoo Yhuudna ay Gadaal ka taageereysay, ee loosoo dhisay  Dabar Goynta Diinta Islaamka yagoo Rasuulka iyo Saxaabadiisa ku soo qaaday Duulaan aad u Balaaran, ayagoo Careysan Dul badan soo maray dantoodana ay aheyd inay Muslimiinta Dhibaateeyaan waxaa uuna Allaah ku Sheegay Suuradan inuu Celiyay Mushrikiinta ayagoo Caradii Duulaanka u sababtay  ku guuleysan Duulaankaas, laakiin waxaa uu Alle (Cw) Muslmiinta ku galadeystay Guul aad u weyn ayagoon Dagaal Buuxana la galin Isbaheysigii Mushrikiinta, waxaa uuna Allaah ku Sheegay Duulaankaan ka dib Yuhuudii Reer Qureytha ee gacanta Dadban ku lahaa lagu saliday Cabsi iyo Aragagax taasoo ku kaliftay inay dhiibaan Dhulkoodii, Guryahoodii, Beerahoodii iyo Maalkoodii gacantooda laga bxiyay, waxaana weliba loogu Bishaareeyay Muslimiintii Murugsanaa Duulaankaas ka hor in ay Weliba Dhulal badan Furan doonaan Guushaas ka dib.

Suuradan waa makiyah, Aayadaheeduna waa 73 Aayad, waxa ayna soo Dagatay Suurada Aala-Cimraan ka dib, Juz ahaana waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 21aaad iyo Biloowga hore ee Juzka 22aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Axzaab:

Suuradaan Maadaama ay Madaniyah tahay waxa ay aad Xooga u Saartaa Sharciyada Quseeya Nolosha Muslimiinta, waxa ayna ka Hadashaa Nolosha Muslimiinta umad ahaan Qoys ahaan iyo Qof ahaanba, waxa ayna Xambaarsan tahay Xukuno umada Muslimka ah hadii ay Dabaqaan Noloshoodu wanaagasanaaneyso, oo u Damaanad qaadaya Qeybaha Umada ka kooban tahay in ay Sacaado ku Noolaadaan.

Dhanka kalana Suuradaan waxa ay la dagaalantay qaar ka mid ah Caadaadkii iyo Dhaqanadii soo jireenka ahaa sida in Ruuxa Xaaskiisa yiraahdo Waxaad iga Tahay Hooyadey(Dihaarka), sidoo kalana waxa Suuradaan la Dagaalantay Caado aheyd in Ruuxa Adoon uu leeyahay uu yiraahdo waa Wiilkeygii oo Aftirsiimadiisa loogu yeero oo loo yaqaanay Tabani (Wiilka dhigasho), sidoo kalana waxa ay Suuradaan la Dagaalantay waxyaabo qalad ah oo Dadka Qaar Aaminsanaayeen sida in Ruux uu yeelan karo laba Qalbi, arintaas oo aheyd Khuraafaat aad loo Buunbuuniyay.

Suurada 34aad Saba:

Suuradan waxaa loogu Magac Daray Saba oo ah Magaalo ay Daganaan jirtay Boqrtooyo ay Qabiilada Yaman lahaayeen, Boqortooyadaas oo aheyn mid ku nooleyd Barwaaqo iyo Nimcooyin aysan heysan Umadaha kale ee Daganaa Jaziirada Carabta oo Dhan, markii ay ku Kibreen Nicmooyinka Rabi (Cw) oo ay Gaaloobeen waxaa Nicmadoodii Badalay in aylagu Fatahiyo Byo Xireenkii Noloshooda ku Tiirsaneyd taasoo keentay in Qax iyo Abaaro ku Dhacaan Boqortooyadiina Dunto.

Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo Aayada 6aad, tirada Aayadaheeduna waa 54 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Luqmaan ka dib,waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilooga ilaa Bartamaha Juzka 22aad.

Macnaha Guud ee Suurada Saba:

Suuradaan Maadama ay Makiyah tahay waa Caadi in ay Xooga Saarto Amuuraha Caqiidada Quseeya, waxa ayna u soo Gudbisay Hab ah in lagu waano qaato Dadka ka leexda Caabudida Alle (Cw) kaliya waxa ku Dhaca Qisada Reer Saba’.

Suurada 35aad Faadhir:

Suuradan waxaa loogu magac daray Faadhir oo ah kalimad ku Jirta Aayadaha Biloowga ah, Taasoo Macna ahaan tuseysa in Alle uu yahay Kan Bilaabay Abuurka Cirarka iyo Dhulka asagoonan uga Tusaale Qaadan wax ka Horeeyay oo Abuur ah, arintaas oo ah mid Muujineysa Weynida iyo Awooda Alle (Cw) iyo Inaysan jirin Abuur kale oo Dhibaya Ha ahaado Abuurka Malaaigta, kan Insaanka iyo kuwa kalaba, Maadaama uu Abuuray Cirarka iyo Dhulalka Awoodiisana ku taagan yihiin.

Suuradan waa Makiyah, Tirada Aayadaheeduna waa 45 aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Furqaan ka dib Maryam aka hor, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Juzka 22aad ku Dhwaad ilaa Dhamaad ayada oo ka Bilaabata Bartamaha Juzkaas.

Macnaha Guud ee Suurada Faadhir:

Suuradaana waxay ay tilmaantaa inasan jirin Cid Xaqnimo Aduunkan lagu Caabudo oo aan Allaha Xaqa ah aheyn  maadaama uu Allaah yahay Faadhirka [kan Bilaabay] Koonka yahay oo aysan jirin cid la sheegata Abuurka, si arintaas u Cadaato ayuu Allaah ku Shegay waxii kheyr ah oo uu la doono Adoomadiisa inaysan jirin cid ka ceshan karto, sidoo kalana waxii uu ka Ceshada Adoomaha inaysan jirin cid siin karta si loo Cadeeyo inuu Allaah yahay kan Koonka Abuurtay isla markaana kaliga ku ah Maamulka iyo Tasarufka Adoomaha.

Suuradan waxa ay ka Hadashaa Arimaha Caqiidada Quseeya, waxa ayna Dadka ugu yeertaa Caqiidada Towxiidka ayadoo soo Aroorisa Daliilo iyo Xujooyin Kalinimada Alle (Cw) Muujinaya, waxa ayna Suuradaan Salka u siibtaa Asalka Caqiida Shirkiga, ayadoo ugu Dadka yeereysa in ay Qalbigooda Wasqda Shirkiga ka Nadiifiyaan lana yimaadaan Aadaab wanaagsan.

Suurada 36aad Yaasiin:

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Yaasiin, maadama Suurada ay kalimad ahaan ku Bilaabato Ereyga Yaasiin, ereygaas oo ka mid ah Ereyo Suurado badan ku Bilaawdeen oo Macnahoodu Qarsoon yahay.
Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo aayada 45aad, Tirada Aayadaheeduna waa 83 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Jini ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 22aad iyo Biloowga Juzka 23aad.

Macnaha Guud ee Suurada Yaasiin:

Suuradan waxa ay ka hadashaa Arimaha kala ah: Rumeynta Maalinta Qiyaame, Daliilo Muujinaya Alle (Cw) kali inuu ku yahay Caabuditaanka iyo Qisadii Dadkii Tuulada (Qaryada) daganaa ee Dilay Ninkii Toowxiidka ugu yeeray.

Sheekaadaas oo kooban waa: waxaa jiray Nin ka mid ahaa Dadkii Raacay Dacwadii Nabi Ciise Dadkii waday welibana Doonay inuu Dadkiisa Dacwo gaarsiiyo oo ku waaniyay in aysan Dacwada Toowxiidka ka hor imaan, asagoo Tusaale ku siiyay Naftiisa haduu Cid aan Allaah aheyn Caabudo waxa dhici kara oo leh: {ma waxaan yeeshaa Illaahyo Alle (Cw) ka so keeya oo uu haduu Alle ila Doono Dhib anan waxba ii tari karin}, si uu Dadkiisa ugu Muujiyo Baryada iyo Cibaadad wax Alle (Cw) ka Sokeeya la Cabuudaa in ay tahay midaan wax Faaiida ah lagu gaareyn, hase yeeshee Dadkiisii kama faaidin Waanada iyo Caqli Celinta Walaalkood weyna Cadibeen ilaa uu ka Geeriyooday, waxaana Allaah (Cw) Suuradan ku Dhex Sheegay in Ninkaas Muslimka ahaa ee la Dilay Jano ugu Abaal Guday.

Waxaa xasuusin Mudan waxaa Jira Axaadiis aad u fara badan oo dadka Fadli ahaan usoo Arooriyaan marka la Joogo Suuradan Yaasiin laakiin aan saxiix aheyn, sidaa darteed Qof Walba oo Jecel Qur’aanka waxaana u wanaagsan inuu Fadliga Suuradaha iyo Aayadaha Quraanka ka Baarto Axaadiista Saxiixa ah kaliya si uusan wax gaf ah ugu Dhicin asagoo Cibaado iyo wanaag raadinaya.

 

W/Q: CaliNuur Xoogsade.
asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.