Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 11aad

Suurada 27aad Al-Namal:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Namal, si ay u Waarto Xusuustii Mucjizooyinkii la siiyay Nabi Suleymaan taasoo ay ka mid aheyd inuu afgaran jiray wax kasta oo uu Alle Koonka ku Abuuray sida Shimbiraha, Quraanyada oo ah Magaca Suurada Xambaarsan tahay.

Sheekada Quraanshada waxey Suuradaan ka Sheegtaa mar uu Nabi Suleymaan Safar ahaa oo ay la Socdeen Ciidamo fara Badan oo ka Kooban Uun kala Duwan Jidkiisii uu ku Beegmay Tog ay Quraanyadu Degan tahay, Quraanyaduna waxa ay ka mid tahay Noolayaasha ay aadka u Nidaamsan tahay Noloshoodu, oo waxey leedahay Hogaan, Ciidan Duula, kuwa Amaankooda ilaaliya, Sahan iyo wax walba oo Umad Nooli leedahay, Quraanyadii ayaa Markii ay aragtay Ciidanka kusoo Foolka leh Togii ay Daganeyd Qaar ku yiraahdeen kuwii kale, Ka carara meesha yuusan Cagta idin marin Ciidanka Nabi Suleymaan ayaga oo aan idin Jeedin, Nami Suleymaana waxaa Mucjizo ahaan loo Siiyay inuu wax walba oo Koonka ku Nool Hadalkooda Fahmo, waa Dhoolo cadeeyay markuu hadalkeeda maqlay waxa uuna u Mahad Celiyay Alle (Cw) oo ku Baryay inuu ku Hanuuniyo inuu ka Mahad Celiyo Galada weyn iyo Nicmooyinka la siiyay…


Suurada waxey soo Dagatay Xiligii Makah la Joogay, tiro ahaana Aayadaheedu waa 93 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Shucaraa ka dib, Juz ahaana waxey ku Beegan tahay Dhamaadka Juzka 19aad iyo Biloowga Juzka 20aad.

Suuradaan Al-Namal waxa ay ka mid tahay Sadax Suuradood oo Musxafka la isugu Xijiyay sidii ay usoo Dagteen kala horeyn ahaan iyo isku xigidba, waxa ayna kala yihiin Suurada Al-Shucaraa, Al-Namal iyo Al-Qasas oo ah Suurada Xigta, waxey kaloo Suuradan Al-Namal la Gaar tahay in ay Gudaheeda ku jirto Bisin la mid ah kan Suurad walba ku Bilaabato.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Namal:

Suuradan Maadama ay Makiyah tahay waxaa Caadi ah in ay si Gaar ah uga hadasho Umuuraha Caqiidada ku Saabsan sida: Toowxiidka, Rumeynta Rususha, iyo soo Bixida Maalinta Qiyaame, waxa ayna Xaga Manhajka kala mid tahay Gaar ahaan Suurada ka Sareysa iyo tan ka Dambeysa marka loo fiiriyo Habka ay dadka ugu Caqli Celiso ama u waniso in ay ku tusaale Qaataan Dadkii tagay.

Waxaana xasuusin Mudan Suuradaan in ay la gaar tahay Taariikhdii ay Diinta Toowxiidka ku Gaartay Dhulka Yaman Waagii Nabi Suleymaan, hadii aan soo koobana Qisada waxay Cadeyneysaa in Yaman ay lahaan Jirtay Boqortooyo ay Xukumi Jirtay Naag Balqiis la dhihi jiray, waxa ayna Boqortooyadaas Alle ahaan u Caabudi jireen Qoraxda, waxaana arintaas Nabi Suleymaan soo Gaarsiiyay Shimbir ka mid ahaa Ciidankiisa (Hud-hud) kana war bixiyay si Faahfaahsan, markaa ka dib ayuu Nabi Suleymaan Risaalo ku Bilaabata magaca Alle (Cw) u diray Boqoadii Reer yaman oo uu ugu Baaqayo in ay Islamaan, taasoo natiijadii noqotay markii ay Reerkeedii la tashatay Boqoradii Saba (Yaman) ku Qancaan in Islamaan..

Waxaa kaloo xasuusin mudan Marka laga Hadlayo Nabi Suleymaan in aan Ogaano in Diinta Islaamka kaliya tahay tan sida ugu Wanaagsan u Tilmaanta marka loo eego Nasaarada iyo Yuhuuda , waayo Labdaas Kooxba waxey Aaminsan yihiin inuu Nabi Suleymaan Ahaa Boqor Saaxir ah (Alle ayaa Xumaan ka Nazahane) waxaa ayna Aaminsan yihiin inuusan aheyn Nabi Alle (Cw) soo Diray, hase yeeshee Muslmiinta (Umada Raacday Nabi Muxamad) waxa ay Aaminsan yihiin inuu Suleymaan ahaa Nabi ka mid ah Nabiyaashii Reer banuu Israa’iil loo soo diray, Isla markaasna ahaa Boqor Alaah siiyay Mucjizooyin waa weyn.

 


Suurada 28aad Al-Qasas:

Suuradaan waxaa lagu Magcaabaa Al-Qasas waayo waxaa ay si Faahfaahsan uga Qiseysaa Taariikhda Nabi Muuse laga Bilaabo Dhalashadiisa ilaa laga gaaro Risaaladii loogusoo Dhiibay Reer Banuu Israa’iil oo Xiligaas ku jiray Adoonsi, waxaan Suurada aad u tilmaantaa Allaah sida uu u Guuleeyo kuwa Jidka Towxiidka qabsada isla Markaan uu u Halaago kuwa Cadaw ku Noqda Towxiidka.

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo labada Aayadaood ee kala ah 52, 85, Aayadaheeduna tiro ahaan waa 88, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Namal ka dib sidaanba horey usoo Tilmaanay, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Juz ahaan Bartamaha Juzka 20aad ilaa ku Dhawaad Dhamaadkiisa.

 

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qasas:

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qasas ay xambaarsan tahay waa in dadka Xaqa heestaa mar walba ay Guul ku Daba maraan Duruuf walba iyo Dhibaato walba ay maraana ay ka gudbi doonaan, waxaana Tusaale u ah Suuradan Dhexdeeda Markii Israa’iiliyiintu Muslimiin ahaan jireen ee ay Towxiidka heesteen ayagoo ku Dhex noolaa Dhulkii Fircoonkii Masar oo ay soo dageen waagii Nabi yuusuf ee dajiyay Walaalihiis halkaas maadaama ay ahaayeen faricii Nabi yacquub iyo walaalihii yuusuf ayaa waxaa mudo markii ay Nabd kula Dhex noolaayeen Fircoonada Dhulkooda soo baxay Fircoonkii ugu darnaa uguna Kibirka badnaa aadna u Duleystay Israa’iiliyiintii Towxiidka raacsanaa waagaas, ilaa Nabi Muuse uu Dhashay kuna barbaaray Gacantii Fircoon ayadoo markii uu asagoonabi ah markuu u yimd Doonay inuu Dilo asaga Muslimiintii Raacsaneyd, taasoo uu Alaah Qadaray in Muslimiinta Badbaadan oo Bada Jid uga Jeexay, Fircoon iyo Ciidankiisiina Halaagsameen oo bada lagu qarqiyay,…


Suurada 29aad Al-Cankabuut:

Suuradan Al-Cankabuut (Caarada) waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah: 1 ilaa 11aad kuwaas oo ah kuwa soo Dagtay Magaalada Madiina Markii Nabiga Suuban (Scw) iyo Saxaabadiisii u Hijroodeen ka dib, waxa ayna soo Dagatay Suurad Al-Ruum ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 20aad ilaa Bilowga hore ee Juzka 21aad.

 

Macnaha Guud ee Suurada Al-Cankabuut:

Suuradan Maadama ay Makiya tahay Waa Caadi in ay Caqiidada Xooga saarto, waxaana u dheer in ay Faahfaahiso kuwa Caqiidada saxiixa ah qaatay in ay Aduunka Dhexdiisa kula kulmaan caqabado lagu Imtixaanayo iimaankooda inta uu Gaarsiisan yahay, waxaana ugu Imtixaan weyn Nabiyada, waxaana ku Xiga kuwa Iimaan ahaan darajada Nabiyada Iimaanka ka hooseya, ka dibna waxaa loo kala Imtixaan weynaadaa sida lookala Iimaan Wanaagsan yahay.

Waxaa Xasuusin mudan in Suuradan ay ka bixiso Tusaalooyin aad u Xeel Dheer Ruuxa Shirkiga Faraha kula jira ee isla Cabuda Allaah iyo Uunkiisa sida Malaa’igta, Nabiya, Awliyada iyo wax kale nooc kasta ay ahaadaanba, waxa ayna Tusaale uga dhigtay Ruuxa Allaah Cid kale ku barbar wada ama Cid kalaba Cibaadada ku jeediya inuu la mid yahay Caaro guri Dhisatay, maxaa yeelay waa Guri aan wax Faaiido ah laga helin, waa Guri aan Dhaxanta laga galin, waa Guri aan Qoraxda looga Harsan, waa Guri aan Roobka laga Dugsan ama Cadawga ka qarin Qofka ku jiraa, sidaas oo kalana waxaa ah Riixii Caabuda Malag ama Nabi ama Weli ama wax kale oo kuwaas aan aheyn waayo ma jirto wax aan qasaare aheyn uu ka helaya Caabidooda maadama aysan Ajiibi karin, Ajarna siin karin, Dembina ka qaadi karin, Dhibna u keeni karin, Dheefna aysan siin karin.


Waxaa kaloo Xasuusin mudan Sababta Guri Caaro halkaan loogusoo qaaday inay tahay kuwa Caabuda wax aan Allaha Koonka Abuuray aheyn ama Allaha kaliga u Shirkiya inay kala kulmayaan Cibaadada Adoomaha ay Caabudeen Dhib uun sida Caarada Gurigeeda uu kala kulmo Dhib kaliya Caarada Lab markuu u Doonto inuu Aqal iyo Xaasba ka helo Gurga ay Carada Dhedig dhisatay.

 

Waxaa la yiraahadaa Caarada Guriga Dhisataa waa tan Dhedig kaliya, waxayna Dhisataa Giriga marka ay Doonto inay taranto oo Lab u Baahato, marka Caarada Labka ah uu arkaa Aqalka ay taagtay Dhediga ku jinsiga ah wuxuu gartaa in halkaas looga baahan yahay, asagana waxaa uu xasuustaa inuu u baahan yahay meel uu dago, marka uu Aqalka dhinac ka dago uu is yiraahdana la Fal gal tan Dhedig si Farac loo helo oo uu Howshiisii Guto ayaa waxaa lama filaan ku noqota in ay tii Dhedig ee Aqalka u Dhisatay Cirbad Sun ah jirkiisa ku mudo taasoo sababta inuu Dhinto Dhaqsaba, tii dhedigna halkaas ayay Ugxaan Caloosha ku qaadaa ka dibna Dhashaa Farac kii Lab ee ay dishay ka Abuurmay, …

 

Arintaas waa waano ku socota kuwa Shirkiga faraha kula jira inaysan ka heleyn Faaiido haba yaraatee oo ay kuwa ay Caabadaan kala kulmi Doonaan Maalinta Qiyaame Inkirid iyo inay iska Fogeeyaan kuwii Caabudi jiray, Malaaigtu waxay dhihi doonaa kuwii aaminsanaa in ay Malaaigta Caabaudayaan waxay Caabudayeen Jin, Nabi Ciisana waxaa uu Dhihi Doonaa kuwa Caabuda Rabiyoow Adigaa iiga Marag ah inaanan ku Dhihin waxaad I fartay oo Toowxiidkaaga ah waxaan aheyn, Mid walboo la Caabudayna Ibliis ha ahaadee wuxuu Dhihi doonaa kuwii Caabuday Aniga ha i dhaliilina ee Naftiina Dhaliila ma anaa idinku Qasbay inaad iska key taba taagnaataan ood i Caabudaan?!.

W/Q: Calinuur Xoogsade.

asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.