Home » Warar »

War saxaafadeed kasoo baxay shir golaha wasiiradu ay maanta ku yeesheen Muqdisho

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisulWasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimodhowr ah oo ay ka mid yihiin:1. Howlaha amniga iyo xasilinta Muqdisho,2. Shirka Wadatashiga ee Soomaalida iyo3. Hay’ada Nile ee waxbarashada dalka Turkiga.Guddiga heer wasiir ee arrimaha amniga iyo xasilinta Muqdisho ayaa laga dhageysteywarbixin iyo talo soo jeedin ku wajahan sidii loo xasilin lahaa magaalada Muqdisho.Guddigan wasiirada ah ayaa maalmihii la soo dhaafay booqanayey goobaha muhiimkaah ee laga saaray Al-Shabaab sida Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad. Sidoo kalewaxey kulamo joogta ah la qaadanayeen bulshada qeybaheeda kala duwan sida odaydhaqameedyada, culumaa’udiinka, gancsatada iyo ururada bulshada. Tallooyinka aysoo jeediyeen waxaa ka mid ahaa in si deg-deg ah loo dhiso maamulada degmooyinkaiyo xaafadaha, in hay’adaha amniga iyo gar-soorka ay saldhigyo ka sameystaanxaafadaha iyo in xaafadaha hab iskaa wax u qabso laga bilaabo, si shacabka ayguryahooda ugu soo noqdaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay guddigahowlaha muhiimka ah iyo talo soo jeedintooda oo uu golahu aqbalay in ladhaqangeliyo.

 

Guddiga heer wasiir ee Kulanka wadatashiga Soomaalida ayaa warbixin siiyey golahaoo sheegay in horumar weyn laga sameeyey kulamadii hore, shirka wadatashigana laqaban doono 4ta ilaa 6da September. Shirkan Wadatashiga ayaa waxaa ka sooqeybgeli doona dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ajendaha shirkanawaxuu noqonayaa qorsheyaasha 12ka bilood ee soo socda iyo sidii dalka looga saarilahaa marxaladda kala guurka ah oo loo heli lahaa dowlad rasmi ah.Ugu danbeyntii, Golaha waxey ka doodeen heshiis lagu talo jiro in lala galo Hay’addaNile oo ah Hay’ad Waxbarashada caan ku ah, isla markaana ay mashaariicwaxbarasho ka fuliso waddamo fara badan oo caalamka ah. Hay’ada Nile ayaa ahhay’ad ka dhisan dalka Turkiga qorshaheeduna yahay sidii ay WasaaraddaWaxbarashada uga saacidi laheyd dib-u-dhiska Iskuulada dalka. Hay’ada Nile ayaasidoo kale qorsheyneysa inay wasaaradda caafimaadka ka saacido daawooyinka iyosidii ay u furi lahaayeen goobo caafimaad (Clinic). Golaha Wasiirada dood dheer iyofalanqeyn ka dib waxey isku raaceen in Wasaaradda Waxbarashada ay la gasho heshiis si Hay’ada Nile ay uga howlgasho dalka gudihiisa.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.