Home » Warar »

Jaaliyadda Soomaliyeed ee SALAALA ee Saldanada Cumaan oo Deeqdii ugu Balaarneyd soo gaarsiyey Dadka Abaaraha Saameeyeen

Jaaliyadda Soomaaliyeed SALAALA ee ku Nool Dalka Saldanada Cummaan ayaa soo gaarsiiyeen Deeq Lacageed iyo Raashiin walaalhooda ay waxyeeleeyeen Abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya. Deeqdaan ay soo Direen Jaaliyada Salaala ayaa waxaa loo soo wakiishay Shiikh Cabdi wali Muuse in uu gaarsiiyo Dadka Dhibaateeysan looguna iibiyo Raashiin . Ku talagalka deeqda ayaa wuxuu ahaa in la gaarsiiyo in ka badan kun qoys taasoo loo qorsheeyay qoys waliba in la siiyo Deeq isugu jirta Raashiin iyo lacag kaash ah. Qoondada loo qoondeeyay qoys waliba ayaa wuxuu ahaa in la siiyo :- 12.5 Kg Bariisa ah. ( Toban iyo laba kiilo iyo Badh Bariis ah ). 12.5 Kg Bur ah. ( Toban iyo laba kiilo iyo Badh Bur ah ). 3 Kg Timir ( Sedex kilo oo Timir ah ). 2.5 liitar (Saliida) 300,000 shilin Soomaali ah ( Sedex boqol oo kun Shilin Soomaali ) . intaasi waxaa dheereed in ay jireen dad si gaar ah loogu fidayay kaalmo caafimaad oo mudan wax ka qabasho sida aad ku arkeeysaan sawirada iyo qaar ka mid ah agoonta Soomaaliyeed. Dadkani oo isugu jiray dad ay saameeysay abaaraha dalka ka jira iyo qooysas Tabaaleeysan iyo Curyaamiin oo Naafa ka ah oogada jirka qaar ka mid ah. Dhanka kale deeqdani oo ay qaadatay qeybinteeda wajiyo badan ayaa dadkii ka faa’ideystay ugu horeyn u mahad celiyeen Allaah kadibna walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Saldanatu Cumaan Jaaliyada SALAALA iyagoo allaah oga baryay inuu ugu abaal mariyo Ajir fara badan kuna badbaadiyo Maanta maalin ay kaga Baahi badanyihiin. Ug udambeyntii ayaa waxaa ka warbixiyay deeqdaan Macalin Jeylaani oo ku Hadlayay Magaca Wakiilka loo soo wakiishay qeybinta Deeqdan Sheekh Cabdi Weli Muuse taasoo xusay in ay gaareeysay lacaghii ay soo direen Jaalyada SALAALA $40,000 (Afartan kun oo Doolar ) , sidoo kale wuxuu baaq u jeediyay Dhamaan Qurba joogta Soomaaliyeed iyo Hayadaha Kheyriga ah Dhamaan shakhsiyaadka Muxsiniinta in ay ka qeyb qaataan Samata bixinta Dadka walaalahooda Soomaaliyeed oo ay dhufteen Abaaraha.

Halkan kadaawo sawiro dheeri ah

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.