Home » Warar »

Shacabka Muqdisho: Filimkaan Hore ayaan u Daawaney.

Shacabka Muqdisho ayaa aragtiyio kala duwan ka bixiyey markii Xoogagii Al-Shabaab ay  faaruqiyeen Goobo badan oo ku yaal Magaalada Magaalada  oo dhufeysyo waaweyn ay uga Qodnaayeen ,qaarkood aad bay u soo dhaweeyeen qaar kalena waxay sheegeen in ka bxitaanka Muqdisho Xarakada Al-Shabaab ay tahay mid aan soo afjari doonin dagaaladii Sanadaha badnaa ka jirey Magaalada Muqdisho.

Dr Yuususf Mire Daahir ayaan wax ka weydiiney sida uu u arko Ka bixtaanka Xarakada Al-Shabaab  ee Muqdisho waxaa uu yiri”Waagii aan daawan jirey Aflaamta markii Filim aad hore u Daawatey dib laguugu soo celiyo dib ayaa uga laabaneysaa oo ma galeysid haddii aad gashana wax  micno leh kuuma sameeynayo , balse wuxuu u fiican yahay qof aan hore u Daawan   laakiin waxaa jira  qofi ay hore wax u dhaafeen waa laga yaabaa in uu fiiirsato isagana  markii uu gaaro meelihii ay hore u dhaafeen oo uu fiirsado  dib buu uga baxaa Filimka , hadaba Filimka ay Amisom Jileyso waqtigaan  waa mid aan hore u daawaney 2007-2008 oo naguma Cusba”

“Markii dagaalada xooganaa ay ku jireen Muqdisho ee u dhaxeeyey Ciidamada Itoobiya iyo Kooxihii Kacdoonka wadey  waxaa Maqli jirrey Ciidamada Itoobiya waxay gaareen  Garoonka Istaadiyam Muqdisho  ,Warshadii Baastada waa ay galeen  maanta mar kale ayey dhagaheena  ku soo dhacayaan Garoonkii istaadiyamka waa galeen Ciidamadii Amisom,Warshadii Baastada fariisin bay ka dhigteen sow ma aha Filim aan hore u daawaney iyadoo Filimkii hore aan wax waayaaragnimo aan la helin waa Khasaaro lagu dhuftey Khasaaro waa jug jug  meeshada Joog , wax isbedel ah ma arko”ayuu yiri  Dr Yuusuf oo intaa raaciyey “Ciidamada Amisom waxba kama duwan kuwii Itoobiya waayo Xasuuqii Shacabka waa sidiisii , Barakaco waa meeshiisii , Madaafiicda waxaa  lagu garaacayaa shacabka  waxaan ka cabsi qabaa in jabhado kale ay soo baxaan oo Dagaal la gala Ciidamada Amisom uuna soo baxo nin la mid ah Shiikh Shariif oo gorgotan la gala Beesha Caalamka  kadibna la yiraado Cidamadaan waa idiin ka saareynaa lana keeno kuwa kale oo iyana Filmkii  mar Seddexaad noogu soo celiya waa arrin dhici karto aan Fogeysaneyn”

nin Odey ah  oo isna la fadhiyey Dr Yuusuf oo lagu magacabo kamala Cali ayaa isna yiri “ Runtii  aad baan ugu raacsanahay Saaxiibkeey sida uu uga shaqeysiiyey Xasuustiisa  mid kala ku darayaa waxaa dhici karto in marka kale uu soo baxo mid la mid ah Shiikh Shariif hadana la yiraahdo 275 Xildhibaan baa lagu darey Xildhibaandii horey u jirey  ee ahaa 550 Xildhibaan Sheekaduna ay noqoto  825 Xildhibaan waa “ka Daroo dibi dhal” “waa Timirtii hore Dab loo waa”

Jabriil Nuure Faarax ayaa isna yiri “Ciidamada Amisom kama duwan kuwii  Itoobiya waxay dalkaan joogaan muddo Afar sano ah , Isbitaalo nooma dhisin , Dugsiyo  ma dhisin, Nabgelyo naama dhalin waxay sii brburiyaan mooyee fiiri sida ay Muqdisho u galeen xitaa Itoobiya ma sameeyn Guryaha taangiyo ayaa lagu burburiyey saacdaan aan kuala hadlayo shacab baa lagu garaacayaa Madaafiicda BM-ka haddii aad booqato Isbitaalada Muqdsho aad  baa u Murugooneysaa marka kuwaan  Ilaah hanaga saaro”wuxuu intaa sii raaciyey” Wadankaan Saddex  jeer baa shirqool loo dhigey mid waa kii Unisom ee Mareykana Hogaaminayey , mid waa kii qabqablayaasha mid waa kii Itoobiya midkaana loogu magacdarey Amisom wuxuu la mid yahay shirqooladaas loo dhigey dalkaan iyana waxay raaci doonaan waddii ay hore u mareen kuwii Hore”

Isku soo wada duuboo dadlkaan waxaa sidaa u galey waa faregeli shisheeye inta ay jirtna waa adag tahay in Dalkaan uu Cagahiisa isku taago dadka Soomaaliyeed haddii aysan isku tashan  waxaa xaqiiiqo ah in weligood ka bixi doonin Dhibaatada ay ku jiraan   oo maanta labaatan jirsatey

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.