Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 6aad

Suurada 9aad Al-Towbah:

Suuradan Al-Atowbah waa Suurada 9aad ee Musxafka Qur’aanka loo eego, waxaana Magacaas loogu Magacaabay in Koox Muslimiinta ka mid ah ay ka hareen Duulaankii Tabuuk ayadoo aysan jirin sabab Sharci ah oo ay uga maqnaadaan Duulaanka, Markii Nabiga ka soo laabtay Tabuuk ayaa qaar kuwii haray ka mid ah u Cudur daarteen oo Been Sheegeen, hase yeeshee Sadax Saxaabi oo kala ah:Kacab Ibnu Maalik, Hilaal Ibnu Umayah, iyo Mirarata Ibnu Rabiic, waxaa laabtooda ku Dhalatay in aysan Cudurdaarasho Been ah kaga baxsan karin gafkii ay galeen, sidaa darteed ay runta ku sheegeen Rasuulka Suuban (SCW) hortiisa ayagoo leh: Majirin Sabab Cad oo aan uga Baaqanay Duulaanka,.. arintaas ayaa keentay in Sadaxdooda Nabiga (SCW) u qirto in ay runta Sheegeen, laakiin waxaa lagu Ciqaabay in Xeriirka loo jaro ilaa uu Allaah arintooda Xukun kasoo saaro, taasoo ku qaadatay waqti Hal Bil ka badan ilaa markii Dambe ay soo Dagatay Aayadaha ku jira Suuradaan (117 iyo 118) oo Sheegaya in Guud ahaan Nabiga Muhaajiriinta iyo Ansaartii Duulaanka Tabuuk aaday in laga Toowbad aqbalay, gaar ahaana Sadaxdii Saxaabi ee Xeriirkooda la jaray ee aadka u Murugsanaa… sidaas ayaana Suuradan loogu Magac daray Al-Towbah.

Suuradan Al-Towba waxey ku soo Dagatay Magaalada Madiina Sanadkii 9aad Bishii Shawaal, marka laga Reebo labada Aayadood oo kala ah: Aaayada 128 iyo 129aad oo ah Makiyah, Tiro ahaan Aayadaheedu waa 129 Aayadood, waxeyna Soo dagatay Suurada Al-Maaidah ka dib.

Waxaana Xasuusin Mudan Suuradan in ay ka mid tahay Suuradihii ugu Dambeeyay ee soo Dagtay, sidaa darteed waxaa Meeshan ku Cad in Habka uu isugu Xigo Kitaabka Quraanka Suurad ahaan aysan aheyn Habkii ay kusoo kala Horeeyeen Suuradaha Quraanka, Maxaa yeelay Suuradan waxey Musxafka hada ka mid tahay kuwa u horeeya, Suurada Al-Calaq oo Biloowgeedu yahay Quraankii u horeeyay ee Soo dagtayna waxey ka mid tahay Habka Musxafka u qoran yahay kuwa u Dambeeya Suuradaha Musxafka ku yaala, sababta arintaas keentayna waa in Habka loo kala Hor mariyay Musxafka uu yahay waxyi Nabiga kaga yimid Xaga Rabi si kastaba ha usoo kala Horeeyaane soo dagid ahaan,.. Suuradaan waxey Musxafka uga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 10aad iyo Biloowga Juzka 11aad.

Waxaa kaloo Suuradan marka la joogo Xasuusin Mudan in Suuradan Al-Towbah ku Bilaabato Bisin la’aan, taasoo Ahlu Cilmiga ay ku Fasireen sababta ay sidaas u tahay sababo kala Duwan, hadii aan soo koobana waa:

1)- Waxaa Caado u ahaan jirtay Carabta in hadii Qof Col kala Dhexeeyo u dirayaan Risaalo ka Dhowraan Bisinka in ay ku Biloowdaan, (waxaana la sheegaa in Tafsiirkaas aad u liito oo laga wanaagsan).

2)- Tafsiirka labaad ee Culimada Sheegtay in ay Sababta Bisin loo siinin ay tahay Saxaabada Qaar isku khilaafeen in Asal ahaan Suuradaan iyo Suurada Al-Anfaal wada yihiin Hal Suurad, taasna in ay Sababtay in Saxaabada ay ka Dhaafaan Bisin Gaar ah in ay Siiyaan , hadana waxaa loo Dhigay Suurad Madax Banaan maadaama ay Saxaabada Qaar kale qabeen in ay tahay Suurad Madax Banaan, taasoo ula jeedadaeeda tahay in labada aragti ee Saxaabada ka aaminsanaayeen Suurada la isu keeno, waxaana arintaas faahfaahin ka bixiyay Xadiis uu Xaakim Musdarak Kitaabka la yiraahdo ku Warinaayo.

3)- Tafsiirka Sadaxaadna waa in Suuradan Al-Towbah sababta Bisinka looga Dhaafay ay tahay in ay Xambaarsan tahay Baaq Dagaal iyo in Mushrikiinta Xiriirka loo Jaro, arintaasna waxaa ku Fasiray oo qaba Aragti ahaan Cali Ibnu Abii Dhaalib, Sufyaan Ibnu Cuyeyna iyo Rag badan oo Ahlu Cilmiga ka mid ah, Aragtidaan ayaana ah tan inta badan Culimda u arkaan in ay ugu Saxan tahay.

Suuradaan Al-Towba markii ay soo Daganeysay Waxaa la tilmaamaa in Muslimiinta kuwa ka soo haray Xiligaas ay kala ahaayeen Sadax Nooc:

B)- Kuwa Dagaal uu ka Dhaxeey Muslimiinta.

T)- Kuwa Awal Dagaal ka Dhaxeeyay Muslimiinta Laakiin markaas uu dhex yaalay Heshiis waqti Kooban ah.

J)- Kuwo ku Noolaa Muslimiinta Dhexdooda laakiin aan Muslimiin aheyn.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Towbah:

Suuradan waxaa Culimada Tilmaamaan in ay laba arin aad Xooga u Saarto kuwaas oo kala ah:

1)- Xeriirka Muslimiinta kala Dhaxeeya Mushrikiinta iyo Ahlu Kitaabka. Arintaasna waxaa aad u Faahfaahiyay Qeybta hore ee Suurada .

2)- Arinta Labaadna waa in ay Suurada tahay mid soo if bixisay Sirta iyo Hab dhaqanka waxa la yiraahdo Munaafiqiinta, waxaana arintaas aad u tilmaamay Qeybaha Dhexe iyo Dambe ee Suurada.


Xasuusin:

Waxaana Xasuusin Mudan Maadaama ay Suuradan aad u soo hadal qaaday kooxda loo yaqaan Munaafiqiinta in aad loo baaro loona Fahmo Habkii uu Nabiga ula Dhaqmi jiray Kooxdaas, taas waxaan ula jeedaa Dalkeena Soomaliya Maanta waxaa ku badan in Dadka Marka Hore Xumaan lagu Tuhunsado (Murtad, Munaafiq, Jaajuus) Ka dibna in la Dilo, ayadoo Labadaas arinba ay Sharci ahaan banaaneyn, tan Hore Tuhunta Sharceeda Islaamka kuma Banaana, Tan Labaadna Dil Ruux Muslim ah ma Banaana ayadoo Daliilka ugu weyn ee loo Cuskanaayo Tuhun yahay, xataa hadii Ruux Muslim ah uu la yimaado waxyaabo muujinayo in ay Calaamadihii Munaafiqiinta yihiin waxaa Muhiim ah in loola Dhaqmo sidii Nabiga Raxmada badan (SCW) ula Dhaqmay waa hadii la Helo Doowlad Xaq u leh in ay Dadka kala Xukunto, laakiin hada iyo Xaalada lagu jiro ma jirto Cid u madax Banaan Xukminta Dhiigaga Muslimiinta Magaca uu Doono ha watee , maxaa yeelay wax Sahlan ma aha Dilka Muslimka ama u banaan Koox walba in ay Xukuno kusoo rogto Muslimiinta aydoo la leeyahay waxaan Dabaqeynaa Shareecada Islaamka waayo Shareecda Dabiqadeeda waxaa ay leedahay Dhinac fara badan ee ma aha kaliya in Dilalka iyo Xukunada Xadka la qaato ayadoo aan la tixgalineyn Shareecada oo dhan.

Sidoo kalana waxaa Muhiim ah in laga Digtoonaado is Amaanitaanka iyo Faanka Caadada u noqday Dadka Diinka Barta waayahaan oo ismooda hadii ayba Xoogaa Barteen amaba ay Culimo la Joog Noqdeen in ay Jidkii Janada Cagta ku hayaan Naftooda ka Badbaaday in ay ka mid Noqdaan Munaafiqiinta, maxaa yeelay Munaafiqnimada waxaa Naftooda uga baqi jiray saxaabada Suusuuban iyo Ahlu Cilmigii Muslimiinta, ma ahan marka Maanta Nin walba oo Cimaamad Xertaa ama Koox ku biiraa inuu Moodo inuu asaga ka badbaaday Xumaan oo dhan asagoo laga yaabo Xumaanta ugu badan inuu Gacanta kula jiro.

Hadaba waxaan ugu baaqayaa Dadka Soomaliyeed ee Muslimiinta ah in ay isu Naxariistaan oo aysan Dadka Shacabka ah badin inay Dalkooda ka cararaan magana bidaan meelo aysan Munaasab aheyn in Muslimiinta magansadaan, hadii kale waxay noqoneysaa in Dembiyada ay ku dhacaan dadkaas Qaxootiga ah nooc walba ha ahaadee in ay Qeyb ku yeeshaan kuwii Dalkooda ka qaxshay una sababay Dembigaas ama ku kalifay inay Dembigaas galaan, marka waxaa ay taas ka dhalanaya in dad badan oo ismooda inay Sharci iyo Dowladnimo raadinayaan Diintana dadaal ug jiraan noqdaan kuwa dadka ugu Dembiga badan maadaama ay sabab u noqdeen in ay dad badan Gafaf u sababeen.


W/Q: Calinuur Xoogsadae

asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.