Home » Warar »

Deeq ka timid gobolka Minnesota ee dalka Mareykanak oo loo qaybiyay barakacayaaha Abaaraha

Deeq ka timid gobolka Minnesota ee dalka Mareykanak oo loo qaybiyay barakacayaaha Abaaraha  Deeq ay soo ururiyeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa maanta loo qaybiyay qaar ka mid ah barakacayaasha abaaraha oo ku jira kaam ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Deeqdan oo ahayd lacag caddaana ayaa waxaa loosoo wakiishay Suhuur Xasan Axmed oo ku sugan Hargeysa, taasoo u wakiilatay C/naasir Yuusuf Macallin inuu gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee ku jira xeryaha Muqdisho.
Barkacayaasha loo qaybiyay lacagta oo gaarayay 60-qoys ayaa waxay isugu jireen haween iyo waayeel, waxaana qoys walba la siiyay 200,000 shilling Somali ah, waxaana dadkan qaarkood ay ka mahadceliyeen deeqda lasoo gaarsiiyay.
Waan ku faraxsanahay deeqdan lacageed ee la i siiyay. Waxay nasoo gaartay innagoo u baahan, cid walba oo soo dhiibtay iyo intii gacanta ka geysatayna ALLE khayr ha ugu bedelo,” ayuu yiri Cali Nuur oo ahaa oday 70-jir ah.
C/naasir Yuusuf oo lacagta u qaybiyay qoysaskan ayaa sheegay in sababta ay lacagta ugu qaybiyeen ay tahay si ay ugu iibsadaan wixii ay doonaan maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Deeqdan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo kale ay kusoo qulqulayaa Muqdisho barakacayaal kasoo cararaya abaaraha ku dhuftay gobollada Koonfureed ee dalka.

Halkan kadaawo sawiro dheeri ah
 
Ugu dambeyn, C/naasir Yuusuf, wuxuu sheegay inuu kusoo arkay xeradii uu lacagta ka qaybiyay dad aad u jilicsan oo ay ka muuqatay diif iyo nafaqodarri aad u badan, isagoo ugu baaqay walaalaha Soomaaliyeed inay isgargaaraan meel ay walba oo ay joogaan.

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

 cnaasir114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.